Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dad barakac ku ah Boosaaso oo ku shaqeysta xirfado kalluumeysi

Radio Ergo by Radio Ergo
November 15, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Deegaannada Somaliland iyo Puntland oo uu ku batay cunista hilibka kalluunka

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ruqiyo Xasan Maxamed waa 25 hooyo u ah 3 carruur ah, waxay nolosha qoyskeeda ku maareysaa $40 oo si toddobaadle ah ay uga hesho qalista iyo qallajinta kalluunka. Waxay ku nooshahay xerada barakaca Banaadir oo ku taallo magaalada Boosaaso.

Xirfaddaan waxay ku shaqeysanaysaa muddo saddex bilood ah.  Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inaysan ka welwel qabin in qoysku uu u qado biil la’aan haddii seygeeda oo ah fundi aan shqo toos ah haynin uu wax shaqo ah soo waayo maalintaas.

“Hadda kalluunkaan baan isku dabarnaa, biilka haddii la waayo waxaan cuni jirnay bariis dallac-bilaash ah, laakiin hadda kalluunkaas baan ku darsannaa,” ayay tiri Ruqiyo oo xustay in lacagta oo keliya aysan ka helin shaqadaan ee sidoo kale ay ka hesho hilibka kalluunka oo ay ku goosaarato raashinka.

Biilka guriga oo ay meel iska saartay ka sokow waxay fursaddaan uga faa’iideysatay inay labo carruurteeda oo kala ah wiil iyo gabar ay da’dooda kala tahay 6 jir iyo 4 jir ay waxbarasho ka gaysay. Waxay bartaan dugsi quraan, far-soomaali iyo xisaab, waxayna bishi ku bixisaa $15.

Ruqiyo wax shaqo ah ma hayn marki ay xirfaddaan baraneysay, oo waxaa shaqo ugu dambeysay muddo hadda laga joogo hal sano, waxayna ka shaqeyn jirtay aruurinta qashinka laga qaado xaafadaha, taas oo meesha ka baxday markii ay timid shirkad qashinka ka qaaddo guryaha.

Labo iyo toban sano ayay ku nooshahay xerada barakaca ah ee Banaadir, waxayna markeedi hore colaado uga soo barakacday magaalada Kismaayo.

Hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa labo boqol oo qof oo Ruqiyo ay ka mid tahay u tababartay xirfadda jilaabbashada kalluunka, qalistiisa iyo qallajintiisa.

Yuusuf Axmed Xiddig, oo ah madaxa mashruuca kalluumeysiga ee FAO ayaa Raadiyo ergo u sheegay in dadka ay tababareen oo isugu jira rag iyo dumar ay ka soo kala xuleen 10 xero barakac oo ku yaalla magaalada. Kalluunka la soo dabo ee habkan qallajinta lagu sameeyo waxaa dadka dib uga sii iibsato hay’adda sida uu sheegay Yuusuf.

Inta badan ragga waxaa la baray kalluumeysiga. Raggaas waxaa ka mid ah Cabdiladhiif Cabdow Cabdalla oo qoyskiisu uu ka kooban yahay siddeed qof.

Waa 40 jir ku nool xero barakac oo la yiraahdo Mustaqbal 2 oo ku taalla Boosaaso. Xirfaddan wuxuu ku shaqeysanayaa ilaa horraanti bishii la soo dhaafay ee Oktoobar, wuxuuna si maalinle ah uga helaa $10 oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa.

“Lacagtaas qaar biil baan ka dhigaa, qaar waxbarashada carruurta ayaan ku maareeyaa, qaarna waan keydiyaa oo daawo iyo wixi loo baahdo ayaan meel u dhigaa,” ayuu yiri Cabiladhiif.

Shan ka tirsan carruurtiisa waxay bartaan dugsi quraan iyo waxbarashada dugsiga hoose, waxaana bishi uga baxa $60.

Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in uusan hadda welwel ka qabin in carrurtiisa ay qadaan ama uu u waayo lacagta waxbarashada, sidi dhici jirtay intii uusan xirfaddaan baranin oo uusan hayn jirin shaqo toos ah.

Markiisi hore wuxuu ku shaqeysan jiray macallinimo uusan ku heli jirin shaqo toos ah, iyo inuu mararka qaar tago suuqa Boosaaso oo uu ka raadsado fursad xamaali, si maalintaas uu u dabbero biilka qoyska.

Labo iyo toban sano oo uu ku noolaa Boosaaso muusan haynin shaqo toos ah, waxayna qoyskiisa ku nool yihiin ilaa wakhtigaas xero barakac. Markoodi hore qoyska Cabdiladhiif waxay ka soo barakaceen Muqdisho oo dagaallo ka jiray ay ku khasabtay inay ka cararaan.

Previous Post

Cadaado: Deegaanka Mirjicley oo aan lahayn xarun caafimaad

Next Post

Kumannaan dalag ah oo ku baaba’ay cayayaan galay beeraha Baardheere

Related Posts

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
Next Post
Kumannaan dalag ah oo ku baaba’ay cayayaan galay beeraha Baardheere

Kumannaan dalag ah oo ku baaba'ay cayayaan galay beeraha Baardheere

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-AUG-2026

IDAACADDA 27-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-AUG-2026
August 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo