Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kumannaan dalag ah oo ku baaba’ay cayayaan galay beeraha Baardheere

Radio Ergo by Radio Ergo
November 16, 2018
in Wararkii u Danbeeyay
0
Kumannaan dalag ah oo ku baaba’ay cayayaan galay beeraha Baardheere

KEYDKA ERGO

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dalagyada 1,200 oo beerood oo nooca waraabka, oo ku yaalla degmada Baardheere iyo 53 tuulo oo hoostaga  ayaa ku baaba’ay cayayaan bartamihii bishii hore galay, kaasoo keenay saameyn dhinaca wax soo saarka beerihii la filayey in soo go’aan dhammaadkii  bishan.

Dalagyada uu cayayaanka wax u dhimay oo isugu jira galley, digir, yaanyo, basal, ansalaato, iyo dalagyo kale ayaa la beeray bilihii August iyo September.

Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey, guddoomiye ku xigeenka guddiga beeraleyda degmada Baardheere Maxamed Cabdiraxmaan Matow, cayayaanka sida kabajaanka, diiratada, xajiinta, waariyow, fuuqsatada, tixiriga iyo cudurka malabisada oo beeraha ku dhaca ayaa saameeyey inka badan 10,000 oo hektar oo kumannaan qoys ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin.

Maxamed Cabdiraxmaan Mayow  oo kamid ah beeralleyda tuulada Hureenaa  oo Baardheere  u jirta 6km dhinaca waqooyi bari, waxaa uu halkaas ku leeyahay beer 11 hektar ah, balse waxuu ka tabcay 8 hektar oo  uu beeray bishii August. Waxaa uusan rajo ka qabin in ay wax uga go’aan. Cayayaan ay kamid yihiin waariyow, fuuqsatada, iyo tixiriga oo uusan horay ugu arki jirin beertiisa ayuu tilmaamay in dalagga ay cuneen.

Waxaa uu intaas ku daray in fasalka ka khasaaray ay kaga baxdey lacag gaareyso $975, oo uu deyn kaga soo qaatey ganacsato deggan degmada. Waxaa uu ka walaacsan yahay sida uu deyntaas isaga bixin karo, maaddaamaa dalaggii uu ku tashanayey uu sidaas xaalkiisu noqday.

“Dalagyada iga khasaarey waxaa kamid galleyda, basasha, digirta, sisinta,  iyo liinta. Runtii hadda markii ay beerto go’da ma garanaya wax aan iib-geyn doono. Waxaan wax soo saarka beerta u kala qeybiyaa biilka qoyskeyga iyo dhaqaalaha aan iyada geliyo”.

Maxamed C/raxmaan ayaa filayey dabayaaqada bishan inuu beertiisa ka goosto 32 kiintaal oo galley ah, 67 jirgaan oo yaanyo ah, 50 loor oo basal ah iyo 23 kiintaal oo digir ah.

Waxaa sidoo kale saameynta cayayaanka uu dalagga beeraha ku yeeshay laga dareemay suuqyada magaalada Baardheere, oo loo iib-geeyo wixii beeraha ka soo go’. Waxaa jira sare u kac qiimaha lagu kala gato wax soo saarkaas markii ay gabaabsi noqdeen dalaggii suuqa loo iib-keenayey.

Nadiifo Cabdi waa beeraley, waxay beer kuwa waraabka ku leedahay duleedka degmada Baardheere. Dalag ka kooban sisin, basal iyo galley oo ay beertay bishii September ayaa mirihii beerta ay baab’een markii uu cayayaanku cunay.

Markii ay beerteeda ku aragtay cayayaanka, waxay ku buufisay sunta lineetada ee loogu talagalay in cayayaanka lagula dagaallamo, laakiin nasiib darro suntaas waxba waa ka dari weysay. Sunta oo ilaa shan liitar dhameyd ayey sheegtay in ay deyn uga soo qaadatay ganacsato bakhaaro beeraleyda deynta siiya, kana jirta lacagaha xilliga fasalka la iib-geeyo.

Beeraleyda ay Nadiifo kamid tahay waxay isticmaaleen suntan cayayaanka beeraha lagu buufiyo oo lineetada, biyooley iyo xagar-muut ay kamid yihiin.

Waxay Nadiifo sheegtay in dalag galley ah oo gaarayo ilaa 41 kiintaal oo uga badbaaday cayayaanka ay rajeyneysa in ay beerta uga soo go’da.

Waa hooyada qoys ka kooban 13 qof, walwalkoodu waxaa uu yahay marka ay beerta soo go’eysa sida ay dib ugu heli karto dhaqaale dhan $1,450, oo ay beerta gelisay. Rajo kama qabto in dhaqaalahaas iyo wax u dhow ay beertu sannadkan soo celiso.

Waxayna sheegtay inkastoo ay horay u aragtay qaar kamid ah cayayaanka hadda beeraha ku dhacay, hase yeeshee ay tahay markii ugu horreysay muddo 10 sano ah oo ay beeraley aheyd ay aragto cayayaan waxyeello intaan la’eg u geysto beeraha.

Cali Maxamuud Cali oo ah khabiir dhinaca beeraha,  oo muddo 45 sanno ka badan ku  howlanaa wax soo saarka beeraha iyo Deegaanka, ayaa beeraleyda Soomaaliyeed ku boorriyey in inta aanan la beerin dalagga, dhulka lagu buufiyo suntan cayayaanka ee basic iyo lineeto, islamarkaana mar walba lala socda tallaalka beerta.

 “Beeraleyda waxay u baahan yihiin in ay bartaan qaabka isticmaalka marka beerta la abuurayo inta la isku jirsiinayo abuurka dalagga, cayayaanka iyo waliba cudurrada baab’in karo. Dhibka heysta beeraleyda waa iyagoo aan iska xil saareyn habka isticmaalka sunta cayayaanka iyo daawada bacriminta Beeraha”

Beeraha inta aan dalagga la saarin ayuu sheegay in oo baahan yahay in laga ilaaliyio firada xoolaha ,gaar ahaan lo’da oo ay la socdaan tixiriga.

Khasaarahan soo gaaray beeraleyda Baardheere, ayaa noqonaya kii labaad muddo lix bilood ah gudahooda. Bishii April ee sannadkan inta badan beeraha waxaa baabi’iyey fatahaad uu sameeyey webiga Jubba oo ay ku baaba’een kumanaan beerood oo ay ka baxayeen dalagyo kala duwan.

 

Previous Post

Dad barakac ku ah Boosaaso oo ku shaqeysta xirfado kalluumeysi

Next Post

Galgaduud: Xoolo-dhaqato loo tababaray habka u adkeysiga abaaraha

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Nolosha xoolo dhaqatada Togdheer abaartii kadib

Galgaduud: Xoolo-dhaqato loo tababaray habka u adkeysiga abaaraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-AUG-2026

IDAACADDA 26-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo