Dalagyada 1,200 oo beerood oo nooca waraabka, oo ku yaalla degmada Baardheere iyo 53 tuulo oo hoostaga ayaa ku baaba’ay cayayaan bartamihii bishii hore galay, kaasoo keenay saameyn dhinaca wax soo saarka beerihii la filayey in soo go’aan dhammaadkii bishan.
Dalagyada uu cayayaanka wax u dhimay oo isugu jira galley, digir, yaanyo, basal, ansalaato, iyo dalagyo kale ayaa la beeray bilihii August iyo September.
Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey, guddoomiye ku xigeenka guddiga beeraleyda degmada Baardheere Maxamed Cabdiraxmaan Matow, cayayaanka sida kabajaanka, diiratada, xajiinta, waariyow, fuuqsatada, tixiriga iyo cudurka malabisada oo beeraha ku dhaca ayaa saameeyey inka badan 10,000 oo hektar oo kumannaan qoys ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin.
Maxamed Cabdiraxmaan Mayow oo kamid ah beeralleyda tuulada Hureenaa oo Baardheere u jirta 6km dhinaca waqooyi bari, waxaa uu halkaas ku leeyahay beer 11 hektar ah, balse waxuu ka tabcay 8 hektar oo uu beeray bishii August. Waxaa uusan rajo ka qabin in ay wax uga go’aan. Cayayaan ay kamid yihiin waariyow, fuuqsatada, iyo tixiriga oo uusan horay ugu arki jirin beertiisa ayuu tilmaamay in dalagga ay cuneen.
Waxaa uu intaas ku daray in fasalka ka khasaaray ay kaga baxdey lacag gaareyso $975, oo uu deyn kaga soo qaatey ganacsato deggan degmada. Waxaa uu ka walaacsan yahay sida uu deyntaas isaga bixin karo, maaddaamaa dalaggii uu ku tashanayey uu sidaas xaalkiisu noqday.
“Dalagyada iga khasaarey waxaa kamid galleyda, basasha, digirta, sisinta, iyo liinta. Runtii hadda markii ay beerto go’da ma garanaya wax aan iib-geyn doono. Waxaan wax soo saarka beerta u kala qeybiyaa biilka qoyskeyga iyo dhaqaalaha aan iyada geliyo”.
Maxamed C/raxmaan ayaa filayey dabayaaqada bishan inuu beertiisa ka goosto 32 kiintaal oo galley ah, 67 jirgaan oo yaanyo ah, 50 loor oo basal ah iyo 23 kiintaal oo digir ah.
Waxaa sidoo kale saameynta cayayaanka uu dalagga beeraha ku yeeshay laga dareemay suuqyada magaalada Baardheere, oo loo iib-geeyo wixii beeraha ka soo go’. Waxaa jira sare u kac qiimaha lagu kala gato wax soo saarkaas markii ay gabaabsi noqdeen dalaggii suuqa loo iib-keenayey.
Nadiifo Cabdi waa beeraley, waxay beer kuwa waraabka ku leedahay duleedka degmada Baardheere. Dalag ka kooban sisin, basal iyo galley oo ay beertay bishii September ayaa mirihii beerta ay baab’een markii uu cayayaanku cunay.
Markii ay beerteeda ku aragtay cayayaanka, waxay ku buufisay sunta lineetada ee loogu talagalay in cayayaanka lagula dagaallamo, laakiin nasiib darro suntaas waxba waa ka dari weysay. Sunta oo ilaa shan liitar dhameyd ayey sheegtay in ay deyn uga soo qaadatay ganacsato bakhaaro beeraleyda deynta siiya, kana jirta lacagaha xilliga fasalka la iib-geeyo.
Beeraleyda ay Nadiifo kamid tahay waxay isticmaaleen suntan cayayaanka beeraha lagu buufiyo oo lineetada, biyooley iyo xagar-muut ay kamid yihiin.
Waxay Nadiifo sheegtay in dalag galley ah oo gaarayo ilaa 41 kiintaal oo uga badbaaday cayayaanka ay rajeyneysa in ay beerta uga soo go’da.
Waa hooyada qoys ka kooban 13 qof, walwalkoodu waxaa uu yahay marka ay beerta soo go’eysa sida ay dib ugu heli karto dhaqaale dhan $1,450, oo ay beerta gelisay. Rajo kama qabto in dhaqaalahaas iyo wax u dhow ay beertu sannadkan soo celiso.
Waxayna sheegtay inkastoo ay horay u aragtay qaar kamid ah cayayaanka hadda beeraha ku dhacay, hase yeeshee ay tahay markii ugu horreysay muddo 10 sano ah oo ay beeraley aheyd ay aragto cayayaan waxyeello intaan la’eg u geysto beeraha.
Cali Maxamuud Cali oo ah khabiir dhinaca beeraha, oo muddo 45 sanno ka badan ku howlanaa wax soo saarka beeraha iyo Deegaanka, ayaa beeraleyda Soomaaliyeed ku boorriyey in inta aanan la beerin dalagga, dhulka lagu buufiyo suntan cayayaanka ee basic iyo lineeto, islamarkaana mar walba lala socda tallaalka beerta.
“Beeraleyda waxay u baahan yihiin in ay bartaan qaabka isticmaalka marka beerta la abuurayo inta la isku jirsiinayo abuurka dalagga, cayayaanka iyo waliba cudurrada baab’in karo. Dhibka heysta beeraleyda waa iyagoo aan iska xil saareyn habka isticmaalka sunta cayayaanka iyo daawada bacriminta Beeraha”
Beeraha inta aan dalagga la saarin ayuu sheegay in oo baahan yahay in laga ilaaliyio firada xoolaha ,gaar ahaan lo’da oo ay la socdaan tixiriga.
Khasaarahan soo gaaray beeraleyda Baardheere, ayaa noqonaya kii labaad muddo lix bilood ah gudahooda. Bishii April ee sannadkan inta badan beeraha waxaa baabi’iyey fatahaad uu sameeyey webiga Jubba oo ay ku baaba’een kumanaan beerood oo ay ka baxayeen dalagyo kala duwan.










