Deegaanka Mirjicley oo ka tirsan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaan lahayn xarun caafimaad. Hooyada foolata waxaa loo qaadaa Cadaado oo 45 km u jirta, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay macallin Subeyr Cabdulqaadir Xasan oo bare ka ah dugsi ku yaalla deegaanka. Wuxuu nagula soo xiriiray lambarka bilaasha na looga soo wici karo ee 2012, Fowsiyo Cumar Barre ayaa wareysatay.










