(ERGO) – Toddobo boqol iyo siddeetan beeraley ah oo ku nool tuulooyin ka tirsan magaalada Beledweyne ayaa waqtigaan ka faa’iideysanaya qalabka waraabka ee tamarta cad-ceedda ku shaqeeya oo bishii December ee la soo dhaafay ay siisay hay’adda Relief International.
Abaaro jiray xilligaas oo keenay inuu webigu qallalo iyo fatahaaddii dhacday bishii Abriil ee sanadkaan ayaa sababay in xilligaan ay beeraleydu fursad u helaan adeegsiga qalabkaas.
Cumar Faarax Barre, oo ku nool tuulada Shabeelow oo ka tirsan Beleweyne, ayaa ka mid ah beeraleyda hadda beerahooda u isticmaalayo inay ku waraabsadaan qalabkaan.
Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in muddo labo sano ah uusan wax dalag ah tacbanin, taas oo ay ku kaliftay markii uu awoodi waayay qarashka uu shidaalka ugu shubayo matoorkii uu ku waraabsan jiray beerta.
Tacab kasta oo uu beertiisa abuuro waxaa uu sheegay inay ka bixi jiray lacag $800 ah, laakiin hadda wuxuu beerta ku waraabsanayaa si bilaash ah, wuxuuna helayaa biyo waraab ah oo ku filan dalagyada u tacban.
“Soolarkaan rajo ayuu i geliyay, hadda intaan beerta tacbay labo waraab ayaan saaray oo wax kharash ah igama bixin,” ayuu yiri.
Cumar, ayaa tilmaamay in sidoo kale uu ka raysanayo cillad-bixintii matoorka, oo marka uu hallaabo in la hagaajiyo ay qaadan jirtay hal toddobaad iyo ka badan, taas oo sababi jirtay in beertiisa ay waraab la’aan ahaato muddadaas.
Beeraleyda tuulooyinka hoostaga Beledweyne ee hadda ka faa’iideysanaya qalabkaan, qaarkood waxaa lagu leeyahay deymihii ay u galeen sidii ay waraab ugu helilahaayeen dalagyo ay abuurteen intaysan fatahaaddi dhicin, kuwaas oo marki ay fatahaaddi Abriil dhacday dhammaan baaba’ay.
Liibaan Cilmi Cali oo ku nool tuulada Tabantaab ayaa ka mid ah ah beeraleydaas. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in lagu leeyahay $600 oo ah kharashkii uu ku bixiyay dalagyadii uu ku waayay fatahaaddi.
Wuxuu hadda rajo fiican ka qabaa dalagyada u beeran oo uu ku waraabiyo qalabka soolarka ah ee la siiyay marka ay u soo go’aan inuu iska bixiyo deyntaas.
“Qalabkaan waxaan helnay xilli aan baahi weyn u qabnay sababtoo ah aniga iyo dad badan oo ila mid ah waxaan qarka u sarneen inaan gabi ahaanba iska joojino qodashada beeraha, kharashka badan ee ku baxaya beerta dartiis,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in iyaga oo 30 beeraley ah ay wadaagaan hal mashiin, kaas oo ay u isticmaalaan si kaltan ah oo 5-tii beeraley ahba maalin ay ku waraabsadaan.
Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ah wakiilka hay’adda Relief Internatonal oo ah hay’adda iyadu beeralaydan siisay soolarka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in beeralayda mashinadaan ka faa’iidaysanaya ay ka kooban yihiin shan iskaashato, iskaashato kasta siiyeen 25 soolar iyo bamkoodii biyaha ka soo saarayay webiga.
“Waxaan ogaanahay in beeraleydu dhaqaalaha ugu badan ay ku bixiyaan matoorada waraabka,” ayuu yiri Maxamed.
Tuulooyinka qaar ee ay ku nool yihiin beeraleyda hadda ka faa’iideysana qalabkaan, waxba maysan tacban xilligii gu’ga, waqtigaas oo ay dhacday fatahaad dalagyo badan ay kaga baaba’eeb beeraley ku nool tuulooyin ka tirsan Beledweyne.









