Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Hiiraan: Beeraley ka faa’iideysanaya qalab u sahlaya waraabka beeraha

Radio Ergo by Radio Ergo
October 4, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
DHOBLEY FARMERS SEE BENEFIT OF WATER CONSERVATION

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Toddobo boqol iyo siddeetan beeraley ah oo ku nool tuulooyin ka tirsan magaalada Beledweyne ayaa waqtigaan ka faa’iideysanaya qalabka waraabka ee tamarta cad-ceedda ku shaqeeya oo bishii December ee la soo dhaafay ay siisay hay’adda Relief International.

Abaaro jiray xilligaas oo keenay inuu webigu qallalo iyo fatahaaddii dhacday bishii Abriil ee sanadkaan ayaa sababay in xilligaan ay beeraleydu fursad u helaan adeegsiga qalabkaas.

Cumar Faarax Barre, oo ku nool tuulada Shabeelow oo ka tirsan Beleweyne, ayaa ka mid ah beeraleyda hadda beerahooda u isticmaalayo inay ku waraabsadaan qalabkaan.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in muddo labo sano ah uusan wax dalag ah tacbanin, taas oo ay ku kaliftay markii uu awoodi waayay qarashka uu shidaalka ugu shubayo matoorkii uu ku waraabsan jiray beerta.

Tacab kasta oo uu beertiisa abuuro waxaa uu sheegay inay ka bixi jiray lacag $800 ah, laakiin hadda wuxuu beerta ku waraabsanayaa si bilaash ah, wuxuuna helayaa biyo waraab ah oo ku filan dalagyada u tacban.

“Soolarkaan rajo ayuu i geliyay, hadda intaan beerta tacbay labo waraab ayaan saaray oo wax kharash ah igama bixin,” ayuu yiri.

Cumar, ayaa tilmaamay in sidoo kale uu ka raysanayo cillad-bixintii matoorka, oo marka uu hallaabo in la hagaajiyo ay qaadan jirtay hal toddobaad iyo ka badan, taas oo sababi jirtay in beertiisa ay waraab la’aan ahaato muddadaas.

Beeraleyda tuulooyinka hoostaga Beledweyne ee hadda ka faa’iideysanaya qalabkaan, qaarkood waxaa lagu leeyahay deymihii ay u galeen sidii ay waraab ugu helilahaayeen dalagyo ay abuurteen intaysan fatahaaddi dhicin, kuwaas oo marki ay fatahaaddi Abriil dhacday dhammaan baaba’ay.

Liibaan Cilmi Cali oo ku nool tuulada Tabantaab ayaa ka mid ah ah beeraleydaas. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in lagu leeyahay $600 oo ah kharashkii uu ku bixiyay dalagyadii uu ku waayay fatahaaddi.

Wuxuu hadda rajo fiican ka qabaa dalagyada u beeran oo uu ku waraabiyo qalabka soolarka ah ee la siiyay marka ay u soo go’aan inuu iska bixiyo deyntaas.

“Qalabkaan waxaan helnay xilli aan baahi weyn u qabnay sababtoo ah aniga iyo dad badan oo ila mid ah waxaan qarka u sarneen inaan gabi ahaanba iska joojino qodashada beeraha, kharashka badan ee ku baxaya beerta dartiis,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in iyaga oo 30 beeraley ah ay wadaagaan hal mashiin, kaas oo  ay u isticmaalaan si kaltan ah oo 5-tii beeraley ahba maalin ay ku waraabsadaan.

Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ah wakiilka hay’adda Relief Internatonal oo ah hay’adda iyadu beeralaydan siisay soolarka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in  beeralayda mashinadaan ka faa’iidaysanaya ay ka kooban yihiin shan iskaashato,  iskaashato kasta siiyeen 25 soolar iyo bamkoodii biyaha ka soo saarayay webiga.

“Waxaan ogaanahay in beeraleydu dhaqaalaha ugu badan ay ku bixiyaan matoorada waraabka,” ayuu yiri Maxamed.

Tuulooyinka qaar ee ay ku nool yihiin beeraleyda hadda ka faa’iideysana qalabkaan, waxba maysan tacban xilligii gu’ga, waqtigaas oo ay dhacday fatahaad dalagyo badan ay kaga baaba’eeb beeraley ku nool tuulooyin ka tirsan Beledweyne.

 

Previous Post

Somaliland: Tallaalka dabeysha oo maanta la billaabay

Next Post

Cudurka shubanka oo ka dilaacay degaanka Geriley ee gobolka Gedo

Related Posts

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Next Post
Shuban biyood ka dilaacay xaafado ka tirsan Hargeysa

Cudurka shubanka oo ka dilaacay degaanka Geriley ee gobolka Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo