Hawl wadeenada caafimaad ee ka hawl gala xarunta xanaanada hooyada iyo dhalaanka oo ku taal Geriley ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay xaruntaas la keenay 21 qof oo uu shubanku soo ritay. Dhakhtar Aadan Saalax oo ah madaxa xaruntaas caafimaad ayaana u waramay Fawsiya Cumar oo ka tirsan Ergo.









