Waxaa xal nabadeed laga gaaray colaad muddo ah ka jirtay deegaanno ka tirsan koonfurta gobolka Sool. Colaadda ayaa u dhexeysay laba beel oo Soomaaliyeed.
Heshiiska ayaa sababay in ay noloshii dadka ay caadi ku soo noqotay, islamarkaana ay guryahooda ku laabtaan dadkii ay colaaddu barakicisay.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee Laascaanood, Faarax Dubbad ayaa ka warramaya.









