Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Beelo ku dirirsanaa gobolka Sool oo heshiis gaarey

Radio Ergo by Radio Ergo
October 15, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakac ka dhashay dagaal ka soo cusboonaaday Laascaanood iyo Buuhoodle

Magaalada Laascaanood/Sawir keyd ah/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Heshiis laga gaarey colaad u dhaxeysay laba qabiil oo muddo bil ah oo  ka jirtay deegaannada Dhumay iyo Daba-taag, oo ku yaalla koonfurta gobolka Sool, ayaa rajo u abuuray kumanaan qof oo siyaabo kala duwan ay u saameysay.

Colaadda ayaa sababtey barakaca dadkii ku noolaa labada deegaan ee dagaalku ka dhacay iyo daafahooda. Dadka oo isugu jiray ganacsato iyo xoolo dhaqato ayaa u barakacey dhawr deegaan oo kala ah Geed-dheer, Qooraansay, Bilcil Jabka iyo deegaanka Dhagax-Isguro. Waxaa xirmey dhammaan isu socodka ganacsiga iyo dadka.

Qodobbada heshiiska oo ah 15 qodob oo la isku raacey shaley, ayaa waxaa qeyb ka ahaa culimada iyo odayaal dhaqameed , iyo wakiillo ka ka kala socday labada qabiil ee dirirtu ka dhexeysay. Kulanka lagu kala saxiixdey heshiiskan ayaa ka dhacey magaalada Laascaanood.

Sheikh Siciid Muuse Nuur, oo kamid ah culimada xukumada diiniga ah soo saarey, ayaa sheegay in qodobbada mid kamid ah qabiilada lagu xukumay uu ahaa inuu bixiyo 14 ruux magtooda, taasoo lagu qiimeeyey tiro geel ah oo gaaraysa 1300 oo neef, halka qabiilka kalana lagu xukumay in uu bixiyo magta 7 ruux oo loo xukumey 650 neef oo geel ah.

Colaadda labadan qabiil ayaa asal ahaan waxey ka bilaabatey markii nin la dilay, kadib qabiilka ninka la dilay ay weerarareen tuulo ay deganaayeen qabiilka ninka wax diley, iyadoo qaadatey daminta colaadan 20 maalmood.

Waxaa kale oo qodobada ku jiray in guryihii la gubay la bixiyo lacagtooda, in gawaari lakala dhacey la isu soo celiyo. Sheekh Siciid ayaa sheegay in diyada dadka la kala dilay lagu heshiiyey in la bixiyo bisha April ee sanadka soo socda. Haatan waxaa la bixiyey oo kaliya waa duugta dad ku dhintay colaadda oo qofkiiba la bixiyey lacag dhan kun dollar.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed, oo ka mid ahaa odayaasha nabadeynta ku jiray, ayaa sheegay inay soo saareen afar qodob oo dhaqanka lagu saleeyey, waxeyna u badnaayeen ganaaxyo la duldhigay qabiillada. Wuxuu sheegay in qabiilkii bilaabay dagaalka lagu xukumay inay bixiyaan 80 neef oo geel ah, halka qabiilka kale lagu xukumay 50 neef oo geel ah.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmey 62 ruux oo qaarkood wali ay la jiifaan dhibaatooyinkii soo gaaray, heshiiska ayaa sidoo kale waxaa ku jira dad aan ka dhalan laba qabiil, balse  dhibaato soo gaartay oo iyaga loo xukumay wixii soo gaaray.

Jaamac Iidle Aadan wuxuu kasoo jeedaa mid ka mid ah qabiillada dagaalamay, wuxuu sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan heshiiska la gaarey ayna ku qanacsan yihiin qaabka loo maamuulay dhaqan galkiisna ay diyaar u yihiin.

 

Previous Post

Heshiis laga gaaray colaad muddo ka taagneyd koonfurta Sool

Next Post

Qoysas xero dad soo barakacay oo gubatey oo hoy la’aana

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Dad abaarta ka soo barakacay oo shuban iyo hoy-la’aan ay ku haysato Kismaayo

Qoysas xero dad soo barakacay oo gubatey oo hoy la'aana

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUN-2026

IDAACADDA 07-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo