Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dadaalka haweenka Puntland ee kor loogu qaadayo ka qeybgalkooda siyaasadda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 19, 2018
in Arrimaha Bulshada, WARBIXINNO MAQAL AH
0
Dhimista sinnaan-la’aanta dheddigga iyo labka: Taariikhda haweenka Soomaaliyeed in lagu qoro Wikipedia

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haweenka ku nool deegaannada Puntland ayaa dadaal weyn ugu jira sidii ay uga mid noqon lahaayeen golaha wakiillada ee maamulka.

Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood waxaa keliya oo ku jira hadda labo dumar ah, taasoo ururrada u dooda xuquuqda haweenku ay sheegayaan in inkastoo isbeddel uu jira marka loo eego baarlamaannadii kan ka horreeyey oo aysan wax gabdho ah ku jiri jirin, haddana wali ay qoondada dumarku ku leeyihiin golaha wakiillada.

Caqabado kala duwan ayaa haweenka ka hor taagan inay saami muuqda ku yeeshaan xildhibaanada Puntland kuwaas oo shan tiisa mar ay soo xulaan odayaasha dhaqanka ee Puntland iyaguna soo xulis kaddib doorta madaxweyne iyo ku xigeen soo dhisa xukuumad muddo 5 sano ah talisa.

Doorashada xidhibaannada oo tan iyo August ka socotay deegaannada Puntland ayaa lagu doortay 19 qof oo labo haween yihiin, waxaana nidaamka ay marayaan yahay in qofka tartamayaa uu soo xulo oo saxiix ka haysto nabaddoonka iyo isimada deegaankiisa, iyagoo november loo geyn doono gudiga doorashada.

Siddeed haween ah ayaa isku soo sharaxay inay xildhibaan noqdaan doorashadaan, waxaa ururada u dooda arrimaha haweenka ay ka wadaan deegaannada ol-ole ay ugu magac dareen doorta haweenka, si isbeddel uu u dhaco sannadkan.

Luul Maxamed Warsame waa musharax xildhibaan oo doonaysa inay buuxiso mid kamid ah kuraasta baarlamaanka ee laga doorto gobolka Nugaal, caqabada ugu weyn ee haysata ayaa ah in kursiga ay kula tartamayso 8 qof oo iyadu dumar ka tahay inta kalana rag yihiin.

“Marka aad dadkii la kulanto wixii soo bandhigto waxaa lagu odhanayaa idinku dumar baad tihiine maad guryihiina iska joogtaan hawshan rag baa leh ayaa toos la ii dhahaa lkn aad iyo aad baan isugu kalsoonahay waxaasna kuma niyad jabayo, anoo kaalinta qoyskayga kasoo baxaya baan mushatamacana u shaqaynayaa”, ayay tiri.

waxay sheegtay in rajadeedu aysan hoosayn balse haday kursiga weydo aysan sidaas ku hari doonin oo dedaalkeeda meelo kale ka raadin doonto kursi siyaasadeed.

“Aniga haddii alle ii qoray waan helayaa waxaana ku raja weynahay inaan helo, haddaan kan waayo oo beesha aan ahay ay kasoo bixi waayo ilaa federal ama sanadaha dambe ee Puntland waan u ordi doonaa kursi”, ayay tiri.

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland ayaa muddooyinkii dambe wadday ol-ole lagu raadinayo xaqiijinta in haweenku baarlamaanka ku yeeshaan kuraas badan, waxayna sameeyeen wacyigelin iyo kulamo odayaasha lala yeeshay si loo meelmariyo qoondada haweenka.

Odayaasha dhaqanka ee soo xula baarlamaanka Puntland oo haweenku ku eedeeyaan inay caqabad ku yihiin ayaan xiiro kala duwan la samaynay si aan wax uga waydiino eedaha loo jeedinayo, Caaqil Cabdilaahi Maxamed Cilal oo kamid ah madax dhaqameedka hadda ku hawlan xulista xildhibaanada cusub ee Puntland ayaa sheegay in dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ahi saamayn ku yeeshay arimaha siyaasadda taasna dumarku saami gooda ku waayaan.

“Puntland Soomaaliya ayay wax la qabtaa way jirtaa in dumarka saami sax ah la siin waana arin dhaqanka ah goboladu waa kala duwan yihiin qaar kamid ah goboladda qaar kood wali dhaqankii ayay ku dhegan yihiin, waxaa loo baahan yahay in dadka la dhexmaro la wacyigeliyo inagu dhexdeena aan is qancino oo aan xaqiijino arimaha jira”, ayuu yiri.

Heshiiskii lagu dhisay Puntland 1998 dii wuxuu dhigayey in haweenku gobolada Puntland oo markaas ahaa 5 gobol iyo degmada Buuhoodle xidlhibaanada ka imaanaya gobol walba kusoo daro hal xildhibaan oo haween ah halka gobolka Bari oo isagu xildhibaano badan la qoondeeyey 3 haween ah inay ka yimaadaan laakiin taas ayaa meesha ka baxday markii odayaasha dhaqanka ay fulin waayeen arintaasi.

Labaatan sano kaddib haweenka Puntland waa kuwo wali ka welwelsan inay qoondo fiican ku yeeshaan baarlamaanka, Caasha Geelle Diiriye oo labo mar noqotay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wasiirna kasoo noqotay Puntland waxay aamisan tahay in ay adag tahay xiligan haweenku inay qoondo fiican ka helaan baalamaanka.

“Odayaasha markaad la fadhiisato waxay afka kaa odhanayaan ixtiraam baan u haynaa gabdhaha waxba uma diidanin laakiin cadaadiska kaga imaanaya bulshada ayaa ka badan gabdhaha kooda, tan kale dhibaataa jirta ah inaanay weli jirin gabdho mintid ah oo ay ka go’an tahay inay kuraasta raadsadaan”, ayay tiri.

Caasho Geelle ayaa sheegtay in markii Puntland la dhisay uu jiray xeer dhigaya in deegaan kasta oo xildhibaan laga dooranay ay gabar ku jirto, iyadoo tan iyo billowgii Puntland ay ku jiri jireen shan gabdhood oo ay qasab ahayd in laga helo 66 da xubnooda. Inkastoo dastuurkana aanay ku qornayn tiro cad oo sheegaysa qoonada la siiyay haweenka.

Xildhibaan Faa’isa Cartan Boos oo kamid ah labada gabdhood ee keliya oo ku jira baarlamaanka Puntland ee hadda waqtigoodu dhamaadka yahay ayaa ii sheegtay caqabadaha jira inay badan yihiin loona baahan yahay dedaal dheeraad ah si looga gudbo.

“Qofka dumarka ah markay meesha soo fariisato ama gudiyada la saarayo baarlamaanka dhexdiisa talada waxba lagaa siin maayo, waayo waad ku yar tihiin meesha hadaad aamustana cidba kuma xusayso laakiin haddaad hadasho waa laga yaabaa in dib lagaaga istaago”, ayay tiri Faa’isa.

Marka laga tago soo xulista isimada dhaqanka waxaa awooda kama danbaysta ah ee xildhibaanka lagu ansixiyo iskableh guddiga xalinta khilaafaadka oo ah guddi shaqadoodu tahay hubinta qofka xildhibaanka loo soo xulay inuu buuxiyay shuruudihii laga rabay Xildhibaan. Haddaba door maku leeyihiin guddiga xalinta Khilaafaadku in dumarku baarlamaanka ku yaraadaan, Maxamuud Xasan Maxamed (Dhegaweyne) oo ahaa afhayeenka gudigii xalinta khilaafaadka qaabilsanaa xiligii lasoo xulay xildhibaanada hadda waqtigoodu sii dhamaanayo ee Puntland ayaa ii sheegay in arrintu tahay masuuliyad wadareed balse wuxuu farta ku fiiqay dawladda iyo odayaasha dhaqanka.

“Masuuliyadda kama baxsan karo qayb baan ku leennahay laakiin masuuliyadda ugu weyn waxaa leh dawlada markaas jirta oo gudiga waxaa la magacaabaa xili waxyar ka harsan tahay muddada doorashad, kaddib marka maalmo u hadheen xildhibaanka la soo gudbiyo ma odhan karo hala beddelo waayo waqti ma jiro, dhanka gabdhaha qabiilka ayaa eedda inteeda badan qaadaya aniga doorashadii aan joogay labo gabdhood baa araajida keensaday labadiiba waa xildhibaano, gabadh kalaa jirtay oo iyana wiil la tartamaysay markii dambe iyadaa tanaasushey”, ayuu yiri.

Maxamed wuxuu sheegay in masuuliyadda gudiga xalinta khilaafaadku kooban tahay sidaas darteed aysan wax badan ka beddeli karin arimahan taagan.

“Awooda gudigu dadkaa si kale u fahma oo mooda inay awood dheeraad ah leeyihiin laakin sidaas maahaa gudiga awoodoodu waa , in la hubiyo xildhibaanku ma buuxiyey shuruudihii sida inuu aqoontii leeyahay, inuu wato saxiixii saxda ahaa ee isimka, iyo inuusan dambi lahayn, marka arimahaasi in wax gudigu ka qabtaan way adag tahay”, ayuu yiri.

Tabashada haweenku qabaan oo soo jireen ah ayaa bulshadu isku raacsan tahay in lagaga gudbi karo iyadoo qof walba codkiisa ku doorto masuulkii meteli lahaa Puntland 20 sano oo ay jirtey kuma guulaysan in nidaamka doorashooyinka xorta ah.

Ifraax Cabdinuur Faarax oo ah aqoo yahan reer Puntland ah taas oo kasoo shaqaysay ururo bulsho oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka haddana la taliye dhinaca xaquuq u sinaanta Jinsiga u ah wasaaradda haweenka ee Soomaaliya ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in odayaasha dhaqanka ee leh awooda xulista baarlamaanku yihiin caqabada koowaad ee dumarka ka hortaagan inay baarlamaanka ku biiraan.

“3 qodob ayaan ku soo koobayaa mid waa waxa la dhaho dhaqanka wadanka waa nidaam qabiil odayaasha ayaa soo xulaya, caqabada labaad waa bulshada reer Puntland oo iyagu laftoodu kasoo horjeeda in gabdhuhu yihiin dad buslahda meteli kara, aan ku xasuusiyo doorashadii u danbeysey xildhibaanada Soomaaliya lagu xulayey kuraasta Puntland laga xulayey waxay Puntland ahayd gobolka Keliya ee laga waayay ama buuxin waayay qoondadii 30% ka ahayd , taas ayaa cadayn u ah in reer Puntland dumarka jeclayn inay kuraas qabtaan”, ayay tiri.

Puntland oo la yagleelay 1 AUG 1998 dii, musharax walba oo marka doorasho timaado kursiga u orda wuxuu ololaha ku galaa inuu dalka ka hirgelinayo nidaamka doorashooyinka  loo dhan yahay ee dadku codeeyaan balse taasi ayaa fuli wayda marka uu kursiga fariisto waana ta sababtay in 2019 Puntland markale wax ku dooranayso nidaamka qabiilka ku samaysan oo odayaasha dhaqanku xildhibaanada soo xulaan.

Previous Post

Hiiraan: Saddex carruur ahaa oo cudurka jadeecada ugu geeriyootay Girijir

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Qiimaha xoolaha ee sayladaha qaar

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo