Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Hiiraan: Saddex carruur ahaa oo cudurka jadeecada ugu geeriyootay Girijir

Radio Ergo by Radio Ergo
October 18, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cudurka jadeecada oo saameeyay ilaa 300 oo qof oo ku nool degmada Caynabo iyo deegaanno ka tirsan

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nasro Xaaji Maxamuud, waa hooyo dhashay shan carruur ah, waxay ka welwelsan tahay sidii ay isaga bixin lahayd lacag dhan $220 oo ku baxday daaweynta saddex carruurteeda ka tirsan oo jadeeco ay ku dhacday.

Muddo 15 maalmood ah ayay  kula jirtaa xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Girijir oo 60 km koonfr-bari ka xiga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Waxay Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegtay in carruurta ay ku soo qaadday gaari-dameer looga kireeyay $8. Waxay ka keentay tuulada Xagarrey oo 7 km waqooyi ka xigta deegaanka Girijir, oo leh xarunta caafimaad ee ugu dhow halka ay carruurta ka keentay Nasro.

Waxay tilmaantay in carruurta ay ku aragtay qandho joogto ah, matag, shuban iyo nabro ka soo baxay jirkooda, markaas ayay go’aansatay inay keento Girijir, waxayna dhakhaatiirtu u sheegeen in carruurteeda ay jadeeco hayso.

Cudurka jadeecada ayaa ka dillaacay miyiga afar tuulo ka tirsan Girijir dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee Sebtembar.

Sagaashan qof oo 76 ka tirsan ay carruur yihiin ayuu ku dahacay cudurka tan iyo markii uu dillaacay, waxaana hadda xarunta caafimaad ee ku taallo Girijir jiifa oo la daweynayaa 10 carruur ah oo ay ku jiraan carruurta Nasro.

Shan iyo toddobaatan kale oo Girijir wax looga qaban waayay ayaa loo gudbiyay degmooyinka Matabaan iyo Guriceel.

Saddex carruur ahaa ayaa u geeriyootay cudurka jadeecada, midkii u dambeeyayna wuxuu dhintay horraantii bishaan aan ku jirno ee Oktoobar.

Deegaanka Girijir ma laha isbitaal dadweyne iyo MCH toona, waxaana ku yaalla xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay, taas oo dadka laga iibiyo dawooyinka.

Meelaha uu ka dillaacay cudurka ayuusan gaarin tallaalkii jadeecada ee u dambeeyay, waxaana tallaalka Girijir laga sameeyay muddo hadda sanad laga joogo, sida uu Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay Dr. Cali Odawaa Cali oo ka mid ah dhakaatiirta xarunta caafimaad ee deegaankaas.

“Ceel-dhiinle iyo Xabale tallaal ayay heleen waxayna ka heleen hay’adda Relief iyo NGO-ga Wardi, laakiin tuulooyinka kale wax talaal ah ma helin sida Ceyshe, Madax-libaax iyo Cabaale. Saddexdaas tuulo waaye kuwa ugu badan ee cudurku uu ka jiro,” ayuu yiri dhakhtarku.

Wuxuu intaas ku daray in sababta cudurka u dillaacay waqtigaan ay qeyb ka tahay dadka deegaannadaas oo aan biyo nadiif ah helin xilligii xagaaga.

“Deegaanka aan joogno cudurka wuu ku yar yahay waxa uu aad ugu badan yahay tuuloyinka miyiga ah,” ayuu yiri Dr. Cali.

Bukaannada la keeno xaruntaan waxaa uu dhakhtarku sheegay inay siiyaan daawooyin qallajiyeyaal iyo faleebooyin.

Dadka ay jadeecada ku dhacday ee la keenay xaruntaas kuma jiraan dad laga keenay gudaha Girijir, waxaana laga keenaa miyiga tuulooyinka u dhow dheegaanaas, sida uu sheegay dhakhtarku.

Wuxuu kula taliyay dadka reer miyiga ah in carruurahooda ay geeyaan meelaha ay tallaal uga heli karaan xilliyada uu tallaalku socdo, marka qof ka mid ah qoyskooda ay ku arkaan calaamada jadeecadana inay sida ugu dhakhsaha badan u geeyaan xarun caafimaad

Previous Post

Hiiraan: Carruur cudurka jadeecada looga daweynayo deegaanka Girijir

Next Post

Dadaalka haweenka Puntland ee kor loogu qaadayo ka qeybgalkooda siyaasadda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Dhimista sinnaan-la’aanta dheddigga iyo labka: Taariikhda haweenka Soomaaliyeed in lagu qoro Wikipedia

Dadaalka haweenka Puntland ee kor loogu qaadayo ka qeybgalkooda siyaasadda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo