Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Qaxooti aan haysan aqoonsi qaxooti oo ay ku adag tahay noloshu

Radio Ergo by Radio Ergo
October 30, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka xeryaha Dhadhaab ku jira oo aan diwaan gashanayn oo hoy la’aani haysato

Xabiibo iyo carruurteeda oo hor fadhisa aqal keeda oo ku yaal Xagardheer/sawir/Yogol/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Shariifo Nuurey waa hooyo wada 8 carruur ah, waxay ku sugan tahay xerada qaxootiga ee IFO, iyada iyo shan carruur ah oo ay dhashay waxay roobab mahiigaan ah oo ka da’aya Dhadhaab ka jirsadaan buul yar oo maryo iyo kartoono ka samaysan oo aan celinayn dhibicda.

“Roobabkii xalay iyo habeen hore da’ayey  anniga iyo carruurtuba sidaan u taagnayn ayaa waaga noogu baryey” ayey tiri Shariifo.

Waxay ka mid tahay dad ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo aan lahayn warqadaha aqoonsiga qaxootinimo, warqadahaas aysan haysan ayaa u keenay inaysan helin xuquuqda aasaasiga ah ee qofka qaxootiga ahi helo sida hoyga oo ay bixiyaan hay’jadaha gargaarku, iyadoo muddo laba sano ah hadda ku nool xerada.

Madaxa UNHCR ee Dhadhaab Jean Bosco ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dad 10454 qof ay ku sugan yihiin xeryaha Dhadhaab kuwaasoo aan helin warqadihii aqoonsiga qaxootinimo, iyadoo 1800 oo dadkaan ka tirsan yihiin kuwii dib u noqday si iskood ah oo haddana dib ugu soo  noqday xeryaha, halka inta kalana yihiin qaxooti cusub.

Dowladda Kenya 2016 ayey joojisay in qaxooti cusub laga diwaan geliyo gudaha dalkeeda, waana tan keentay dadkaan 2017 ilaa 2018 yimid xeryaha aysan helin warqadaha qaxootinimo, aqoonsi la’aanta qaxootinimo waxay u keentay inay wayaan xuquuqdii ilaalin ee qaxotigu heli lahaayeen.

Waxayse UNHCR sheegay in labadii bilood ee ugu danbeysay ay u bilowday dadkaan inay siiso kaarar ay raashin ku qaataan iyo adeegyo caafimaad.

Shariifo waxay sheegtay in laba sano oo ay ku nooshahay xerada IFO noloshu ku adkayd, dadka xeryaha ayey sheegtay inay ka soo tuugsanaysay raashin ay cunto.

“Hadda kaarka raashinka ee la i siiyey waxaan ku qaatay mesego iyo saliid, inkastoo aysan ahayn wax nolol noogu filan haddana waxay naga kor qaaday dhibaato cuno oo na haysatay” ayey tiri Shariifo.

Intii aan dhax socday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo shanti maalmood ee la soo dhaafay ay roobab xoogani ka da’ayeen, iyadoo ay adagtahay isu socodkoodu oo dhulku dhiiqo yahay, waxaan isticmaalay mooto, waxay indhahaygu qabanayeen qoysas qaxootigan aan haysan aqoonsiga oo roobabka da’aya, banaanka ay u daadsan yihiin, iyadoo roobkii ugu danbeeyey xalay oo axad ah uu da’ayey shan saacadood ka badan.

Shariifo iyo qoyskedu waxay ku noqdeen Diinsoor oo gobolka Bay ah 2013, iyadoo si sikeed ah oo aan gacan lagu siin ugu noqotay, waxayse sheegtay in abaaro degaankaas ka jiray, carruurtii aan waxbarasho uga helin iyo amni daro ay ku khasabtay inay markale dib ugu soo noqoto xeryaha.

Waxayna qoysaskaan aan haysan aqoonsiga qaxootinimo subax kasta maalmaha shaqada ee Isniinta ilaa Jimcaha waxay iyagoo boqolaal ah isa soo hor tubaan xafiiska UNHCR ee Dhadhaab si ay u helaan aqoonsi qaxootinimo, oo ah kan u sahlaya inay helaan adeegyada la siiyo qaxaootiga ee ay bixiyaan hay’addaha gargaarku, qofkii aan haysanna uusan heli karin.

Waxaa ka mid dadkaan qaxootiga ah ee aan aqoonsiga helin dad markii ugu horaysay soo galay qaxootiga, waxaana ka mid ah Duniya Cabdiqadir Carif waa hooyo heysata lix carruur oo agoon ah, waa 29 jir ku nool xerada qaxootiga ee Xagardheer. Waxay sheegtay labadii sano ee ay Xagar -dheer joogtay ay dulsaar ku ahayd qoys ay qaraabo yihiin.

“Markii hore deyrka qoyska ayaan habeenkii iska seexan jirnay, balse hadda roob ayaa imaday oo qoyska aan qarabada nahay oo 5 carruur ah haysta qol yar oo u dhisan ayaan wada ciriirsannaa oo qofkastaa taagan yahay habeenkii oo dhan” ayey tiri Duniya.

Inkastoo hadda la siiyey kaar ay raashin ku qaadato, waxaysanse helin meel ay degto iyo hoy, waxay sheegtay in ay ka soo qaxday degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo  50 neef oo adhi ah oo ay lahayd abaartii 2017 ay kaga dhamaadeen.

Madaxa UNHCR ee Dhadhaab John ayaa sheegay in dadka haddaysan haysan warqadaha hay’addu ugu aqoonsato qaxootinimada aysan heli karin dhul iyo guri toona, kuwaasoo hay’addu u dhisto dadka, laakiin hadda ay siiyaan waxbarashada, caafimaadka iyo raashinka, ayna wadaan hadal kula jiraan dowladda Kenya sidii daadkaan loo diwaan gelin lahaa.

Waxaa jira qoysas ka mid ah kuwii iyaga ay UNHCR dib u celinta u samaysay oo ka mid ah qoysaskaan soo noqday, waxaana ka mid ah Xabibo Maxamed Ibraahim.

Waxay sheegtay in hadda meel gees ah oo  uu uga dhisan yahay guri cooshad ah, oo aysan haysan bac ay roobka ka gasho.

“Dadka qaxootiga ah ee kale ayuunbaa isaga dhex noolaa tan iyo intaan soo noqday, waxaan rajaynayaa inaan maalin uun heli doono aqoonsi” ayey tiri Xabiibo.

Xabiibo iyo qoyskeeda waxay sanadii 2016kii ka labteen xerada qaxootiga ee ifo2, waxayna ku laabatay Kismaayo oo ay ka sii aaday Saakow oo Jubada Dhexe ah oo ahayd halkii ay markeedii hore ka soo qaxday.

“Beeralay ayaan ahaa, xoogaagii dhaqaalaha ee la I siiyey beer ayaan ku tabcaday, waxna iigama soo bixin, wax aan cuno ayaan waayey sidaas ayaa danta markale dib iigu khasabtay inaan xeryahaygii oo isleeyahay waa meesha aan ka heli karo cuno ugu soo noqday” ayey tiri Xabiibo

Dadka qaxootiga ah iyo hayadaha samafalka waxaa u dhaxeya gudi kuwaasii qabta adeegyada isku xirka qaxootiga iyo hay’addaha gargaarka.

Ruqiya  Cali Rage waa gudoomisada xerada qaxootiga ee Ifo waxay Radio Ergo u sheegtay in dadka aan qaxootinimada loo aqoonsan ay qabaan silic badan oo hadda hoy’ga ugu daran yahay, sidookale musqulaha dadka kale ayey la isticmlaan.

“Dadka aan loo aqoonsan qaxootinimo culays ayey nagu hayaan, qorshaha hay’addaha gargaarka kuma jiraan waana dad nala nool, oo ma iloobi karno, inay xuquuq ka helaan hay’adda qaxootiga ayaana muhiim ah” ayey tiri Ruqiya.

Waxay sheegay in kaararka raashinka ee hadda la siiyey ay ka fududaynayaan culays iyaga haystay, iyagoo raashinka uga ururin jiray qaxootiga kele intaysan helin kaararkaan hadda.

 

Previous Post

Dadka xeryaha Dhadhaab ku jira oo aan diwaan gashanayn oo hoy la’aani haysato

Next Post

Dhegeyso qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

Dhegeyso qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo