Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Togdheer: 20 Arday oo waxbarashad dugsiga sare laga bixinayo afarta sano ee ay dhiganayaan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 14, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dhuusamareeb: Iskuul $1 ah oo carruurta reer miyiga ku dhiirrigelinaya waxbarashada

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

-ERGO) –Midowga aqoonyahanada Buuhoodle ayaa deeq waxbarasho siiyay ardayda dhameeyey dugsiyada dhexe sanad dugsiyeedka 2017/2018, kuwaas oo aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta iskuulka. Deeqdan waxbarasho oo ay ka faa’idaysanayaan 20 arday ayaa midkiiba bishii laga bixinayaa $15 afarta sano ee ay dhiganayaan dugsiga sare ee isla iskuullada ay dhigan jireen.

Waxaa deeqdan ay ka dambaysay kaddib markii dhallinyaradan ay sameeyeen cilmi baaris ay ku ogaadeen in carruurta deegaanada Buuhoodle hoos yimaada ay ka haraan waxbarashada marka ay dhameeyaan dugsiga dhexe ama inta aanay dhameyn sababo u badan waaliddiinta oo aan awoodin inay ka bixiyaan lacagta iskuulka.

Cabdilaahi Caydiid oo wiilkiisa Cabdiraxmaan kamid noqday ardayda waxbarashada bilaashka ah ka faa’iidaysanaysa ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuu aad ugu farxay kaalinta wiilkiisu ka galay iskuulka dhexe taas oo dhaxal siisay inuu waxbarasho bilaash ah helo dugsiga sare inta uu dhiganayo.

Cabdilaahi qoyskiisu wuxuu ka kooban yahay 8 qof 5 ka tirsan carruurtiisa ayaa waxbarashada gaadhay. Wuxuu sheegay in aanu awoodin inuu waxbarashada ka bixiyo guud ahaan carruurtiisa, deeqadana ay ka caawisay in cunug uu dhalay uusan ka harin waxbarashada.

Wuxuu xusay in waxbarashada dugsiga sare ay ka lacag badan tahay tan dugsiga dhexe taas oo keeni lahayd in mar uun uu carruurta ka wada bixin waayo waxabarashada, wiilkiisa iyo dhallinyarada waxbarashada ka bixinaysana ay arrintaas ka badbaadiyeen.

Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada ayay marar badan ardaydu ka hadhaan waxbarashada marka ay dhameeyaan dugsiga dhexe, isudduwaha wasaaradda waxbarashada Puntland ee gobolka Cayn Cabdikariin Maxamed Cilmi (Cabdiweyne) in 200 ayaa labadii sanad dugsiyeed ee lasoo dhaafay ay ka hareen waxbarashada dugsiyada sare.

Ardayda ayaa iskuulka uga hara duruufo kala duwan oo isugu jira kuwo dhaqaale, gabdhaha oo marka ay guursadaan ka hadha waxbarashada iyo qaar la sheego in balwadda qaadku uu sabab noqdo ka hadhitaankooda waxbarashada, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay isuduwaha wasaarada waxbarashada.

Madaxa waxbarashada ee ururka Aqoonyahannada Buuhoodle Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamed ayaa Radio Ergo u sheegay in ardaydan ay kasoo xuleen 10 iskuul oo ku yaalla Buuhoodle, Xadhadhan, Widhwidh, iyo Balicad, waxaana iskuul walba laga qaatay labo arday oo ah kuwii kaalinta koowaad iyo labaad ka galay imtaxaanka shahaadiga ah ee sanadkan laga qaaday ardaydii dhamaysay dugsiga dhexe oo u gudbaya dugsiga sare.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in deeqdan waxbarasho ay xiligaan kusoo beegtay inay tahay markii ugu horreysay ee ururkoodu arrin noocaan ah qabto ayna ku aadiyeen sanad dugsiyeedkan, wuxuuna xusay inay ballan qaadeen in sanad walba 20 ay arday oo cusub oo deeq waxbarasho siin doonaan si dhallinyarada deegaanka ay ugu dhiirigeliyaan in  waxbarashada sii wataan, taas oo marba marka ka dambaysa ay badin doonaan.

Ardaydan helay deeqda waxbarasho waxaa siddeed ka tirsan ay yihiin gabdho shan ay galeen kaalinta koowaad. Ayaan Cabdi Faarax oo kaalinta koowaad ka gashay dugsiga dhexe ee Imaamu Nawaawi oo ku yaala Buuhoodle, waxay fadhisaa fasalka 1aad ee dugsiga sare ee Buuhoodle, Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in qoyskoodu yihiin danyar. waxay ku haminaysaa inay gaarto heer jaamacad oo aanay daruuf darteed uga harin waxbarashada.

Wuxuu xusay in ujeedka ay deeqdan ka leeyihiin yahay in ardayda dedaalaysa aanay lacag darteed waxbarashada uga harin iyo inay ardayda ku dhiirigeliyaan in buundooyin sare ay keenaan si tayadooda waxbarasho u kororto.

Previous Post

Hargeysa:Haweenka barta aqoonta farsamada casriga ah oo aan shaqo ku helin

Next Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Qiimaha Xoolaha

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-SEP-2026

IDAACADDA 21-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo