Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargeysa:Haweenka barta aqoonta farsamada casriga ah oo aan shaqo ku helin

Radio Ergo by Radio Ergo
September 14, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Shaqo

Gabdho iska diiwaangelinaya xafiis dadka u raadiyo shaqoyinka/Keydka Sawiradda/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Muna Mahdi Axmed afar mar oo ay isku day inay codsato shaqooyin laga xayisiiyay shirkadaha isgaadhsiinta ee Somtel, Telesom iyo Somcable, waxay si toos ah ugu sheegeen maamulka shirkaduhu inaanay shaqooyinka sare ee cilad bixinta ah. Hadda waxaa ay shaqo la’aan ka tahay cilmigii ay baratay, waxay aaminsantahay inaan shaqo la’aan jirin balse lagu takooray haweennimo.

Boos shaqo oo ah cilad ka saarista mashiinada ay ku howlgalaan shirkadaha ayay afar goor ka codsatay shirkadaha isgaadhsiinta labadii sano ee u dambeeyay magaalada Hargeysa gudaheeda taasi oo aan loo qaadan shaqooyinkan.

Waa 27 sano jir saddex sano laga joogo markii ay ka qalinjabisay jaamacadda China University of Geo Science ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, weli shaqo kuma helin aqoonta ay ka diyaarisay shahaadeeda koowaad.

Waxay sheegtay in shaqadii ugu danbaysay ee ay codsato ay ahayd bartamihii bishi Agoosto ee ina dhaftay.

“Shirkaduhu markay soo xayisiiyaan shaqo waan u geeyaa codsigeyga, marka hore way i meermeeriyaan, marka imtixaanka aan usoo diyaar garoobo ayaa la ii sheegaa inaan haween la qaadanayn,” ayay tidhi Muna.

Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta kuma arkaysid haween ka shaqaynaya farsamada hagaajinta qalabka, maamulka sare iyo maamulada waaxaha kala duwan, waxaadna keliya haweenka ku arkaysaa inay ka shaqaynayaan qeybta iibka , soo dhaweynta iyo nadaafadda.

Muna ayaa ii sheegtaysan shaqo haysan, ayna ka ka niyad jabtay inay shaqo ku raadiso si ay ugu shaqayso aqoontii ay soo baratay, waxay xustay in cilmigan ay u baratay haweenka oo ku yar barashadooda iyo sidoo kale inay filaysay fursad ay shaqo kaga heli karto gudaha Soomaaliland.

“Xanuun ka weyni ma jiro adigoo aqoon u leh shaqo la soo xayeysiiyey lagugu diido keliya gabadh baad tahay, wax qabadkaygana aan la arag, haddii aan shaqeysan kari waayo in laga hadlo ayay ahayd, waa nasiib daro inaan shaqo la’aan ahaado” ayay tidhi.

Muna ma ahan keligeed, waxaa jira gabdho kale oo bartay farsamooyinka casriga ah, lana qaba dhibtaan, waxaana ka mid ah Nimco Maxamed Cali oo 30 jir ah, Jaamacada Golis ee Hargeysa ayey Diiseembar 2016 ka qalinjabiyay cilmiga Tiknoolijyada. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in markii ay shaqo ku wayday aqoontaan ay furatay dukaan ay ku iibiso alaabaha haweenku isku qurxiyaan.

Lix shaqo oo loo baahnaa in qof bartay cilmiga tiknoolajiga uu qabtay oo ay u diyaar garowday inay ka qayb qaadato tartamayaasha ayaa lagu wargaliyay in aan loo baahneyn haween.

“Shaqada waxaa lagu xayisiiyay warbaahinta balse lama sheegin jinsiga la qaadanayo, waana taas sababta aan u codsaday, markiise tartanka la furay ayaa si toos ah la iigu sheegay inaan haween loo qaadanayn” ayey tiri Nimco.

Waxay sheegtay in wakhtigaan aysan isku hawlin inay shaqo raadiso, ayna dukaankeeda ka soo saarto nolosha qoyskooda oo 9 qof ka kooban.
“Aqoontaan bartay waxay wax tar ii yeelan doontaa marka nalaga daayo takoorka nalagu hayo” ayey tiri Nimco.

Raaqiya Yuusuf Ibraahim oo ah agaasimaha waaxda cabashada ee hay’adda Xuquuqul Insaanka Soomaaliland ayaa sheegtay in ay soo gaartay cabashooyin. Waxay sheegtay in gabdhaha cabashada soo gaarsiiyey ay sheegeen in shirkaduhu sababta aysan u shaqaalaysanayn ay yihiin in ay shaqooyinka dayacayaan, aysan fasax siin karin xilliga dhalmada.

“Inta badan habluhu maso dacwoodaan oo iyaga ayay ku koobantahay, waxay shirkadaha kala kulmaan, waase wax la wada ogyahay cabashadaan ay qabaan” ayey tiri Raaqiya.

Soomaaliland waxaa ka jira saddex shirkadood oo is gaarsiin ah oo kala Telesom, Somcable iyo Somtel. Raadiyo Ergo oo saddexdaba la xiriirtay si aanu wax uga waydiinno cabashooyinka gabdhuhu qabaan ee ah in lagu sameeyo takoor dhinaca shaqo siinta ah waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaan.

Previous Post

Waraysi ku saabsan beer tijaabo ah oo Muqdisho laga hir geliyey

Next Post

Togdheer: 20 Arday oo waxbarashad dugsiga sare laga bixinayo afarta sano ee ay dhiganayaan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Dhuusamareeb: Iskuul $1 ah oo carruurta reer miyiga ku dhiirrigelinaya waxbarashada

Togdheer: 20 Arday oo waxbarashad dugsiga sare laga bixinayo afarta sano ee ay dhiganayaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo