Xeerkan kufsiga Somaliland oo muddo lix sano iyo afar bilood ah hor yaallay golaha baarlamaanka oo 27-kii bishii Agoosto uu saxiixay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayay hay’adaha xuquuqal insaanka iyo laamaha gar-soorka Somaliland rajo ka qabaan inuu hoos u dhigo tacadiyada ay la kulmaan haweenka Somaliland.
Gar-yaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah ururka qareennada Somaliland ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xeerkan loo sameeyay sidii loo yareyn lahaa kiisaska kufsiga ee ka dhaca guydaha deegaannada Somaliland.
Warbixinta sharcigaan ku saabsan oo faahfaahsan oo uu soo diray weriyaha Radiyo Ergo ee Hargeysa ka dhegeyso lifaaqa hoose.










