(ERGO) Nadiifo Nuur Axmed waxay joojisay shaqo maalmeedki ay carruurta uga soo saari jirtay qutuyoomka tan iyo marki bishi hore lagu wargaliyey inay ka guurta xero barakaca oo ku taalla deegaanka Waydow oo ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
“ Ma shaqeeyo waayo waxaan ka baqayaa in aniga oo maqan cagaf la galiyo xerada oo carruurta dhibaato iga soo gaarto marka ayaga ayaan waardiye ka ahay” Ayey tiri.
Nadiifo waxay ka mid tahay 2500 oo qoys oo ku nool xerada Waydow ee duleedka Muqdisho oo loo qabtay 27kii bishii Agoosto inay labaatan maalmood kaga guuraan dhulkay degan yihiin.
Dadkan waxay sheegayaan in kaliya aan looga harin wargalinta balse maalin walba ay u yimaadaan rag ku labisan dharka ciidanka iyo dad isugu sheega ganacsato leh dhulkan.
“Hadda mudadii wax yar ayaaba ka haray, cabsida aan qabo waa halkii aan u gurii lahaa” Ayey tiri Nadiifo.
Waxay ka cabsi qabtaa in carruurta la raro ayada oo ka maqan xerada sida ku dhacday sedex jeer oo hore marki si kadis ah ciidan gawaari ay ku soo galeen xerada Daryeel oo dad laga barakiciyey.
Nadiifo oo haysata 7 carruur ah oo 13 jir ugu weyn yahay bishii Juun 2016 xoog looga saaray Daryeel, halka bishii Diiseembar ee isla sanadkaasna laga saaray xero ku taal KM13, xilligaasna ay soo degtay halka ay hadda ku nooshahay.
“Labadii goor ee hore waxaa la dumiyey gurigii aan ku noolaa iyadoo aan quud raadis ugu maqnahay carruurtayda, haddana sidaan digniinta u helay shaqo ma aado” Ayey tiri Nadiifo.
Nadiifo Walaalkeed oo ah nin dhallin yaro ah wuxuu la nool yahay wilala kale oo saaxiibadiis ay wada shaqaystaan. Wuxuu u keeno ayey hadda carruurta cunno u siisaa. Waxayna sanadkii 2015 ka soo barakaceen degamaga Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Evelyn Aero oo ah la taliyaha warfaafinta iyo sharciga ee bariga Africa ee hay’adda NRC oo wareysi siisay idaacadda Ergo 26 bishii August ayaa sheegtay in bilihi Janawari iyo July ee sanadkan laba boqol iyo afar kun (204,000) oo dad ah si khasaba ah looga saaray xeryo barakac. Tiradaan ayaana laba goor ka badan kuwii 2017 laga saaray guryahooda oo ahayd 122,000.
“Waxaa sababy in dadkan laga raro xerayah ay ku nool yihiin dhismaha magaalooyinka oo sii fidiya iyo dowladda oo bilowday soo celinti hantida guud maadama dad badan oo abaaraha saameeyeen ay so gal;een magaalooyinka” Ayey tiri Evelyn .
Toddobaatan kun oo dadkaas ka mid ah waxaa laga barakaciyey xeryo ku yaalla magaalada Muqdisho. NRC waxay tilmaantay in meelaha barakacu ka dhacay aysan ahayn Muqdisho oo kaliya balse laga sameeyey magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo meelo kale, ayna ku ogaadeen barakicinta dadki u saameeyey oo ay la kulmeen iyo baaritaan ay sameeyeen ka hay’ad ahaan.
Dagaallada iyo abaaraha soo laablaabta oo keenay barakaca ayaa sababay in kumanaan qoys ay soo galaan sanadkasta magaalooyinka. Waxaa la sheegaa in dadkaas ay degaan meel banaan kadibna ay noqoto degaan. Sidaasna uu dhulku u noqodo mid rajo dhaqaale uga muuqdo, sidaasna ay dadka ku barakiciyaan.
NRC waxay sheegtay in qoysaska la barakiciyey qaar ay dulsaar ku noqdeen ehelkooda, qaarna ay ku biireen xeryaha kale, ayna ku caawiyaan qoysaskaa teendhooyin ay hoy ka dhigtaan.










