Xeerkan kufsiga Somaliland oo muddo lix sano iyo afar bilood ah hor yaallay golaha baarlamaanka oo 27-kii bishii Agoosto uu saxiixay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayay hay’adaha xuquuqal insaanka iyo laamaha gar-soorka Somaliland rajo ka qabaan inuu hoos u dhigo tacadiyada ay la kulmaan haweenku.
Xeerkan hadda la ansixiyay waxaa uu sharaxayaa noocyada xadgudubyada jinsiga ah sida kufsi wadareedka, oo ah koox rag ah oo wada kufsaday Gabadh, hal qof oo kufsi u gaystay qof kale, guurka khasabka ah, xadgudubyada haweenka loogu geysto goobaha shaqada iyo suuqyada.
Xeerka waxaa diyaariyay ururada u dooda xuquuqda arrimaha haweenka ee ka jira Somaliland taasi oo uu wakiishay golaha wakiilada Somaliland.
Gar-yaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah ururka qareennada Somalild waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in xeerkan loo sameeyay sidii loo yareyn lahaa kiisaska kufsiga ee ka dhaca guydaha deegaannada Somaliland, wuxuu sharaxay gar-yaqaanka dambiyada uu sheegayo xeerka iyo ciqaabta ka dhalanaysa.
80 kufsi ayaa sanadkii 2017 Deegaanada Somaliland halka 54 konton kiis ay ka dhaceen afartii bilood ee u horeeyay sanadka 2018 sida ay sheegeen ciidamada Booliisku, Isbarbardhigan waxaa uu muujinayaa inay kor u kaceen kiisaska kufsiga sanadkan.
“Xeerkan waxaa uu la jaan qaadayaa dambiyada cusub ee la xiriira tacaddiyada kufsiga, tusaale qof wadar loo kufsaday ayaa la xeer noqonaya qof kufsi kaliya ah ku dhacay, wuxuu ka hadlayaa noocyada kufsiyada iyo tacadiyada oo kala duwan, Kooxda geysata kufsi-wadareedkii waxaa uu ku xumayaa 15 ilaa 25 sano xabsi ah. Qofkii naafada ahaa ama aan gaadhin da’da 15 jirka ee loo geystay kufsi waxaa uu ku xumayaa 23 sano ilaa 30 sano, xeerkan sidoo kale qofka haweenka uurka leh gaadhsiiya in ilmuhu ka soo dhaco ama cudurka HIV AIDS qaadsiiyay xabsi daa’in (Live In prison).
Sidoo kale guurka khasabka ah ciqaabtiisu waa lix ilaa siddeed sano oo xarig ah, weligii gabadha ee khasabka ku bixinayay ayaa lagu dabar goynayaa, odeyaashii ka xaali jiray tacadiyada kufsiga ee qaabka beelaysan uga wada hadli jiray meesha waa uu ka saaray, ninkii lagu arko isagoo dacwad ku jira oo baabi’inaya kiis kufsiya waa siddeed sano oo xarig ah,” ayuu yiri.
Ciqaabta Kufsi wadareedka kuma Jiro ganaax lacageed oo lagu waajibiyay eedeysanayaasha.
Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga ayaa ka kooban shan cutub oo kala ah erey-bixinta xeerka, noocyada xadgudubyada jinsiga, nidaamka dacwada, ciqaabta iyo qodobbo isku dhafan oo ka waramaya waajibaadka hay’adaha dowladda ee uu ku waajibayo fulinta.
Siddeed iyo labaatankii bishan ayaa xeerka loo gudbiyay maxkamadaha kala duwan ee Somaliland si loogu xukumo dadka tacadiyada jinsiga lagu eedeeyo ee fal-dambiyeedkaas loo soo xiro laguna helo wixi ka soo billowdo markii la saxiixay kaddib. Laakiin maxaabiista ku eedeysnayd tacaddiyada kufsiga ee dacwaduhu ay kaga socdeen maxkamadaha Somaliland ka hor saxiixista xeerkaan, laguma qaadayo xeerkaan cusub sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Garyaqaan Mubaarak, waxaana loo cuskanayaa ama lagu xukumi doonaa xeerka ciqaabta guud oo la sameeyay 1964-kii, oo horay loo adeegsan jiray.
Xeerkaas hore waxaa uu dhigayay nooca kufsiga ee ah nin kufsaday gabar, kaas oo lagu xukumayay 5 ilaa 15 sano oo xarig ah. Qaadiga ayaa u eegayay xukunka kiisaska kufsiyada sida u kala dhaceen ee loo geystay.
Xeerkaan cusub ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha ayaa xukunka ugu yar ee eedeysane ku dhaca waxa uu noqonayaa 7 sano oo xarig, wuxuuna xeerkaan qabanayaa qof kasta oo fal dambiyeed kufsi la xiriira loo soo taago maxkamad wixii ka dambeeyay 28-kii bishii Agoosto ee la soo dhaafay. Waliga gabadha ugu guuriya si khasabka ah ayuu xukunkaasi qabanayaa sida uu sheegay xeerku.
Ciidamada booliiska Somaliland waxaa uu farayaa xeerkani inay baaris madax bannaan ku sameeyaan kiisaska laga diwaan geliyo saldhigyada xaafadaha, degmooyinka iyo saldhigyada tuulooyinka, una gudbiyaan xeer-ilaalinta si dacwadahooda looga furo maxkamadaha Rayidka ah.
Yaxye Xuseen Yuusuf oo ah guddoomiye ku-xigeenka maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in xeerkani uu hadda kaddib yareyn doono dhegeysiga dacwadaha kufsiga oo muddo labo bilood ah socon jiray, mararka qaarna ay adkeyd sida loo garnaqo maaddaama aanay jirin xeerar loo eego.
Maxkamada Gobolka Maroodi jeex waxaa xeerka loo gudbiyay kowdii bishan September taasi oo ay usoo gudbisay xeer ilaalinta Gobolku.
Wuxuu xusay in aanay jirin dacwado kufsi ah oo saddex maalmood oo u dambeeyay soo gaaray maxkamadaha Maroodi-jeex, balse ay xeerkaan cusub ku qaadayaan eedeysaneyaasha ugu horreeya ee kiisaska kufsiga lagu helo.
“Dambi kasta oo tacaddi ah oo dhacay oo aanu aragnay intaanu maxkamadaha joognay waa uu ku qoran yahay isaga iyo ciqaabtiisiiba arrintaasi ayaa noo fududeynaysa inaan xal degdeg ah gaarno markaanu caddeymaha ka helno booliiska iyo xeer ilaalinta.”
Yaxye ayaa intaas ku daray in xeerkaan cusub uu dhigayo in dhageysiga dacwadaha ku saabsan kufsiga ay ahaadaan kuwa xiran si loo ilaaliyo xuquuqda dhibbanaha iyo eedeysanaha muddada lagu jiro ka gar-naqidda.
Eedeysanaha iyo dhibbanaha waxaa uu xeerka kufsigu sheegayaa in dowladdu ay u qabato qareenno u dooda si loo helo caddaalad labo dhinac ah. Sidoo kale wuxuu oggolaanayaa xeerku in dhibbane kasta oo la kulmay fal kufsi ah oo haysto caddeymo muujinaya falkaas inuu dacwoon karo xilli kasta, xataa haddii sanado ay ka soo wareegeen.
Gabadha la kufsado ama la kulanto xadgudub jinsi ah waxaa uu xeerkani dhigayaa in ay waajib tahay in cidda falka gaystay laga qaado lacag meher ah oo u dhiganta inta lagu mehersado haweenka meesha ama magaalada ay joogto lagu meheriyo. Lacagtaas meherka ah maxay ka dhigan tahay? Maxay uga duwan tahay tii odayaashu qaadi jireen.
Sidoo kale xeerka ayaa faraya hay’adda xuquuqda aadanaha ee Somaliland iyo wasaaradaha arrimaha gudaha iyo caafimaadka inay dhibbanaha siiyaan kharashaadka uu u baahan yahay muddada ay kaga soo kabanayso dhibtii soo gaartay iyo inay hesho niyad-dhis loona sheego inaanay bulshada ka dhex bixin.
Xadgudubyada ama tacaddiyada kufsiga ee haweenka Somaliland ku nool ama carruurta oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay ayuu xeerkani hoos u dhigayaa si aanay falalka noocaas ah ugu faafin bulshada dhexdeeda sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Guuleed Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka ee Human Rigth Center ee ka howlgasha Somaliland.
“Runtii wuxuu qeexayaa qofka wixii uu xaq u lahaa markuu tacaddi ku dhaco, maalin kasta hooyo cabanaysa ayaa xafiiska iigu imanaysa oo wixii ay kuu sheegayso aan xeerba ka jirin, waxay ku dacwooto iyo meel ay u dacwooto aanay jirin, hadda kaddib waxaanu filaynaa inay mar kasta iyo meel kasta u dacwoon karto oo arrintaasi culeyskeedu naga yaraan doono,” ayuu yiri Guuleed.
Sida uu ii sheegay guddoomiyaha maxkamada Gobolka Maroodi jeex Kufsiga Axmed Dalmar caruur aan qaan gaadhin ayaa kusoo badanaya Somaliland. Xeerka ayaa faraya xarumaha Baahi-koob oo ah qeyb ka mid ah 3-da isbitaal ee ugu waaweyn Somaliland, kuna shaqo leh baarista iyo xaqiijinta falalka kufsi inay baaritaan bilaash ah u sameeyaan dhibbaneyaasha la kufsado kana caawiyaan inay dacwadahooda u gudbistaan booliska.
Baahi-koob waxay xarumo ku leedahay isbitaallada waaweyn ee magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama. Raaqiya Yuusuf Ibraahim agaasimaha waaxda cabashooyinka ee guddiga xuquuqal aadanaha u qaabilsan xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in muddo badan ay ka shaqeynayeen sidii xeerkan loo ansixin lahaa si haweenku ay u helaan xuquuqda ay leeyihiin mararka ay la kulmaan Kufsiga iyo guurka khasabka ah. Waxay sheegtay in bishan afartan kiis ay ka badan yihiin haweenka u soo dacwooda ee la kulmay kufsi, guur khasab ah ama jir-dil ay kala kulmaan ragga qaba.
Xarunta xuquuqal Insaanka dowlada waxaa ay golaha wakiilada ku daba galeen inay ansixiyaan xeerka, sida ay sheegtay Raaqiya oo ka mid ahayd xubnihii qoray Xeerka.
“Awood badan ayuu siinayaa haweenka la kulmay dhibaato, oo gabadha marka hore mahadho ku dhacday markay dib u soo kabato ayay dacwadeeda gali kartaa halka markii hore saddex maalmood wax ka badan aan la oggolaan jirin inay dacwadda ku keenaan. Dhibaatadan ina haysata ayay hoos u dhigeysaa oo wiilka dambi gala marka toddoba sano lagu xukumo markiiba wuu soo baxayay balse hadda wakhti dheer ayuu ku jirayaa xabsiga oo dhalinyaradii kale ayaa ku cibro qaadanaysa,” ayay tiri Raaqiya.
Ciqaabta qofka gala dambi kufsi oo yareyd ayaa keenaysa in dambiiluhu wakhti yar kaga soo xabsiga.
Dhanka kale culimada magaalada Hargeysa ayaa ka soo hor jeeda gabi ahaanba 29-ka qodob ee xeerkaan uu ka kooban yahay iyo ciqaabaha uu dhigayo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Sheekh Jaamac Aadan Faarax oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa.
“In diinta la waafajiyo wax kasta oo aynu sameynayno waa muhiim, innagu kufsigii iyo tacaddi kasta oo ku dhaca haween iyo qof kale diinteena iyo kitaabka ayaa inoo sheegay, xeerkan ma waafaqsana diinta Islaamka, gabadh waligeedu bixiyay ayuuba xukumayaa, wax diintu sheegtayna xadhig iyo lacago ayuu ku baneeyay, qofkii kufsi gala waala jeedalaynayaa ee nolosha lama baal marinayo dhaqan celin iyo waanin ayaa loo sameynayaa,” ayuu yidhi Sheekh Jaamac.
Qodobada ay xeerka uu dhigayo waxaa uu sheegay sheekhu inaanay diintu dhigeyn oo ay banaantahay in la adeegsado shareecada Islaamka.










