Hay’adda maamulka biyaha iyo dhulka Soomaaliya ee SWALIM oo ka tirsan hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay FAO ayaa sheegtay in roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan wakhtigaan dhulka sare ee Ethiopia, ayna keeneen in heerarka biyaha webiga Shabeelle kor u kacaan.
Hay’adda ayaa saadaalisay in Dayrtan la filayo roobab ka badan heerarkoodii, iyadoo ay jiraan meelo badan oo webiga shabeelle qararkiisa ah oo furan, meelahaas oo keeni kara fatahaad.
Haddaba Prof Muuse Shaaciye oo ah khabiir dhinaca biyaha iyo dhulka Soomaaliya, kana tirsan SWALIM ayaa Maxamed Xasan uga warramay xaaladdaha roobabkaan iyo khataraha fatahaad ee jiri kara wakhtigaan.










