Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Indho fiiqis lacag la’aan ah oo dadka qaxootiga Dhadhaab ku nool loo sameeyey

Radio Ergo by Radio Ergo
September 28, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
700 oo qaxootiga Dhadhaab ku nool oo daaweyn indho fiiqid ah loo sameeyey todobaadkaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Axmed Cabdi Geelle waa 60 jir oo tan iyo 1991-dii ku noolaa xerada qaxootiga Xagar-dheer oo kamid xeryaha Dhadhaab ee gobolka waqooyi-bari Kenya waxaa uu ku faraxsan yahay in markii ugu horreysay uu wax arki muddo toban sano ah oo uu aragga la’aa kaddib. Waxaa uu aragga ku waayey wayxeello ka soo gaartay geedo indhihiisa ku dhacay xilli uu xaabo ka gurayey baadiyaha Xagar-dheer.
Wuxuu dareemayaa farxad aan la qiyaasi karin. Waxaa halkan hadda garbihiisa fadhiya mid kamid ah carruurtiisa iyo xaaskiisa, waxaa indhaha uga xiran faashadda loo xiro marka qofku uu galo qalliinka indho-fiiqista. Wuxuu saacad ka hor ka soo baxay qol indhaha loogu fiiqayey, waxaa qorshuhu yahay in daqiiqado kaddib faashadda laga furo.
Waxaa si rasmi ah ugu soo laabtay araggiisa, wakhti aan idinla hadlayo wuxuu eeg-eegayaa hareerihiisa, isagoo mid mid u aqoonsanaya dadka ag-fadhiya oo cod ahaan mooyee uusan muddadii uu aragga la’aa arkin. Carruurtiisa ayaa kamid ah dadkaas.
Waxaa uu kamid yahay 700 oo qaxooti Soomaali ah oo toddobaadkan ka faa’iideystay olole indho-fiiqis ah bilaash ah oo laga wada-sameeyey saddexda xero ee ay Dhadhaab ka kooban tahay.
“Axlmadulilha maanta si fiican ayaan wax u arkaa. Horay waxaan u ahaa qof aan waxba arkeyn xitaa haddii wax I waxyeeleynayo ay igu soo socdaan ma arki jirin. Laakiin maanta taas way dhamaatay oo labadeydii indhoodba waxbaan ka arkaa”
Ololahan oo billowday 21-kii bishan wuxuu socon doonaa ilaa maanta oo Jimcaha oo uu soo gabagaboobaya, waxaana maalgeliyey hay’adda Axya Turat oo hay’ad samafal ah oo laga leeyahay dalka Kuwait, waxaase fududeynaya oo gacan ka geysanaya fulintiisa hay’adaha caafimaadka ee xeryaha Dhadhaab ka howlgala sida, MSF,IRC iyo KENYA RED CROSS, iyadoo howsha indho-fiiqista u sameynaya bukaannada dhakhaatiir ka socotay isbitaallada waa weyn ee Kenya ku yaalla. Sida uu Raadiyo u sheegay Dr Xamsa Sheekh Cabdi oo ah madaxa arrimaha bani’aadanimada Axya Turat.
“Sida la la socdo dadka qaxootiga ah way ku adkeyd in ay inta badan helaan dhaqaatiir markasta baahida aragooda wax ka qabata isla markaana aan awoodin in ay qalitaan dhanka indhaha ah u doontan qeybaha kale dalkani Kenya maadama aysan heysanin sharciga wadada lagu maro. Marka faa’iido gaar ah ayey u tahay, annagana waan ku faraxsanahay in aan wixii karaankeena ku caawinay”
Axmed Cabdi Geelle wuxuu rabaa in araggiisa u soo noqday uu kaga faa’iideysto in uu carruurtiisa wax ku taro, aadi karo magaalada ama masaajidka isagoo aanan u baahan qof caawiya. Muddada tobanka sano ee uu aragga ka maqnaa ayuu xusay in uu guri joogi iska ahaa oo uu xitaa shaqeyn jirin, markii uu u baahdo in uu meel aadana ay carruurtiisa caawin jireen
“Waa nolol cusub oo ii billaabatay, Illaahay ayaa ku mahadsan. Waxaan dareemayaa in ay kala duwan yihiin nolosha uu ku jira qof wax arki karo iyo qof aan waxba arki kari. Waxaan rabaa in aan dadka indhoolayaasha aan caawiyo, waayo waan ogahay dhibka ay leedahay marka qofku waxba arki karin. Wuxuu u baahan yahay taageero, taas ayaan rabaa in aan siiyo”
Xabso Sheekh Cabdiqaadir ayaa kamid ah dadka ka faa’iideystay indho-fiiqista. Waa 50 jir, saddex sano ka hor arageeda weysay. Waxay xustay in ahmiyad weyn ay u leedahay in ay wax arki karto.
“Aad baan runtii u dareemayaa farxad aan la soo koobi karin, waayo labadeydii indhoodba wax waan ka arki karaa. Markii hore dhaqaale aan indhaha la iigu fiiqo ma heysan, sababtaas ayaan isaga fiiqi waayey. Waa fursad dahabi ah oo si gaar ah nolosheyda mustaqbalka u saameyn doonto”
Ololaha idho-fiiqista ee xeryaha oo dhan laga wada sameeyey waa kii ugu ballaarnaa ee noociisa oo kale ah ee laga sameeyo Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn adduunka ee martigelisa qaxooti.

Previous Post

700 oo qaxootiga Dhadhaab ku nool oo daaweyn indho fiiqid ah loo sameeyey todobaadkaan

Next Post

Beeralay degaano ka tirsan Badhan ka faa’iidaystay biyo xidheen cusub

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Beeraleyda Buurdhuubo oo dib u abuuray beerihii uga baaba’ay fatahaadda

Beeralay degaano ka tirsan Badhan ka faa'iidaystay biyo xidheen cusub

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo