Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeralay degaano ka tirsan Badhan ka faa’iidaystay biyo xidheen cusub

Radio Ergo by Radio Ergo
September 28, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraleyda Buurdhuubo oo dib u abuuray beerihii uga baaba’ay fatahaadda

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Jibriil Xasan Muuse waxaa uu ka tirsan yahay beeraleyda Midi-gale, wuxuuna leeyahay beer cabirkeedu dhan yahay higtar barkiis. Waa aabaha qoys ka kooban 22 qof Laba toddobaad ka hor waxaa beertiisa ka soo go’ay dalag u badan khudaar uu u iib geeyey suuqa deegaanka Midi-gale oo 40km dhinaca koonfur ka xigta degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

‘Laba sano sanadkaan ayuunbaa wax ii soo baxeen, intii hore abaar daran ayaa ka jirtay deegaanka”
Jibriil wuxuu ka mid yahay 100 qoys oo xoolo dhaqato beeraley ah, kana faa’iideysanaya biyo xidheen maamulka Puntland bishii May ee sanadkaan ka hir geliyey deegaankaas.
Deegaankaas oo aan lahayn biyo qabatino, beeralaydu waxay ku tiirsanaayeen biyaha roobka, markii lawaayana ma heli karin biyo ay ka dhigtaan waraab.
Jibriil oo muddo beeraley ahaa wuxuu tilmaamayaa in wax soo saarka beertiisa ay qoyskiisa oo dhan ka wada faa’iideysanayaan. Marka laga tago masruufa qoyskiisa waxaa uu sidoo kale wax soo saarka beertiisa uu kaga bixiyaa waxbarashada 2 Caruur ah oo uu dhalay iyo Shan walaalihiis ah oo ka tirsan Qoyskiisa
Biyo xireenkan laga hirgeliyey Mida-gale ayaa qeyb ka ahaa mashruuc balaaran oo loogu talagalay in dadka deegaankaas ay kaga faa’iideystaan biyo ahaan iyo wax soo saar ahaanba kaas oo ay maalgalineysay hay’adda hormarinta Qaramada Midoobey ee UNDP, waxaana fulinayey wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Puntland.
Sida uu noo sheegay Eng Cabdiweli Yuusuf Aadan oo ah injireenka guud ee wasaaradda deegaanka Puntland ee la dhisay biyo xireenka, cabirka biyo xireenkan ayaa gaarayo ilaa 2 mitir, halka uu balac ahaan dhan yahay 50 Mitir, wuxuuna halkii mar qaadaya 150 kun oo fuusto oo biyo ah oo u dhiganta 30 Milyan oo liitar.
Cabdinuur Maxamed Faarax oo markii ugu horreysay noloshiisa sanadkan uu noqday beeraley kaddib markii Mida-gale biyo xireenka loo sameeyey ayaa isna u sheegay Raadiyo Ergo in ay uga soo go’een khudaarta cagaaran. Muddo saddex bilood ah ayaa isaga iyo saddex qof oo la shaqeysa ay beerta ka shaqeynayeen. Wuxuu xusay in markii hore ee billaabay in uu wax beerto uu cabsi ka qabay sida uu noqon doono dalagga, laakiin hadda markii ay soo go’day ay rajo badan ku abuurtay in uu sii wado wax beerashada.
“Runtii waxaan geliyey beertan ilaa $1,000, aad baan uga shaqeeyey. Waa shaqadeyda keliya, iyada uun baan ka shaqeeyaa, oo aan reerka ka biilaa. Dalagii hadda soo go’ayna waxaan isugu jiraa mid aan beerta dib u geliyey, mid aan aniga biishay iyo mid aan mushaar shaqaalaha ku bixiyey”
Guddoomiyaha maamulka deegaanka Midi-gale Awgeed, Cawad Cali Jaamac ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in fursadaha wax beerashada ee deegaanka ay kordheen wixii ka dambeeyey markii biyo xireenka la higeliyey. Wuxuu intaas ku daray in deegaanka ay abaarihii gobolka Sanaag ka dhacay si xun saameeyeen, taasoo muddo beeraleyda ka hor-istaagtay in ay wax beertaan.
Beeraleyda Mida-gale ayaa rajeynaya in xilli roobaadka Deyrta ee la filaya bisha soo socota ee October ay kordhiyaan beerashadooda, taasoo ay xuseen in ay dadka iyo deegaankuba ay faa’iido ugu jirto.
Waxyaabaha kale ee ay rajeynayaan dadka deegaanka ayaa ah heerkii biyo la’aanta ee horay oga jiray deegaanka & in markii ugu horeysay deegaankaasi laga iibgeyn doono Qudaar ka soo baxday Beeraha laga hirgaliyay deegaankaasi

Previous Post

Indho fiiqis lacag la’aan ah oo dadka qaxootiga Dhadhaab ku nool loo sameeyey

Next Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo