(ERGO) – Aweys Xirsi Daahir oo ka mid ah 40 qoys oo beeraley oo ku nool deegaanka Xeero-dhagaxley oo 60 KM galbeed kaga beegan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa markii ugu horreysay saddex sano kaddib beec geeyey sanadkan dalagyo kala duwan oo uga soo go’ay beertiisa oo dhan 230 mitir oo isku wareeg ah.
Beerahan oo loo adeegsado 36 ceel oo nooca gacan qodaalka ah ayaa sanadihii wax lagu beerayay waxaa saamayn ku yeeshay abaaro ku soo noq-noqday deegaanka. Waxaa beeralayda ka caawisay matoorrada ay biyaha kula soo baxaan hay’dda ICRC.
Aweys oo ah aabbaha qoys ka kooban toban qof ayaa sheegay in tacabka beertiisa uu galiyay $470 oo uu deyn ku helay. Bishii March ee sanadkan ayay u suurogashay in uu beerta abuurka geliyo. Bilihi Juulaay iyo Agoosto oo ay u soo go’een dalagaydii ugu horreeyey sida qaraha, haruurka, digirta, yaanyada, kabsarta, barbarooniga iyo basal ayuu u suuq geeyay magaalada Wisil. Wuxuu ka helay dalagyada lacag dhan 11 milyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $340.
Sanadkii 2015 abaartii dhacday ayaa keentay in beertiisa biyo loo waayo, abaartii 2016-kiina waxaa meesha ka baxay arigia uu dhaqanayay oo ahaa 130 neef, kuwaas oo baad iyo biyo la’aan sababsaday. Wixii xilligaas ka dambeeyey wuxuu u barakacay deegaanka Wisil oo ku noolaa muddo sanad ah.
Aways Xirsi Daahir, ayaa sheegay in hay’adda ay u soo jeedisay fikirkan ah in ay ceelasha qotaan, kaddibna ay ka codsadeen in ay ku caawiso matoorro. Hay’adda oo ka jawaabeysa codsiga beeraleyda ayaa bishi labaad ee sanadkan ugu qeybisay matoorro.
Wuxuu xusay in xataa haddii roob la waayo biyo la’aan uusan ka cabsi qabin baqayo oo uu ceelka u qotay si uu abaarta uga gaashaanyo. Aways ayaa intaa ku daray in hadda qorshaha aysan ugu jirin in dib uu u dhaqdo xoolo maaddaama lacag badan ay ku kacayaan haddii uu xoolo mar kale tabcan lahaa. Lacagta uu ka helay beerta ayuu sheegay in qaar uu meel dhigan doono, si reerku ay ugu joogaan tan iyo beerashada dambe.
Nolosha qoyska Maxamuud Jimcaale ayaa kamid ah dadka u wax ka beddeley fikirkan cusub ee biyaha loo helay beeraha. Wuxuu kaga maarmay muddo labo sano ah oo ku tiirsanaa caawimaad ay sii jireen dad ehelkiisa oo kala jooga Muqdisho iyo Gaalkacyo.
Cabdi Maxamuud Jimcaale, waxaa u baxa digir, galey, haruur, moos, liin iyo barbarooni. Markii ugu dambeysay wuxuu goostay bishii Agoosto. Wuxuu ka helay lacag dhan 1,800 oo dollar. Isagoo deyn isaga bixiyay $900 oo uu beerta galiyay markii uu abuurayay. Nolol maalmeedka ayuu ku debberaa lacagta uu ku gatay dalagyadii hore.
Ceel lix mitir ah ayaa uga qodan labadiisa beerood dhexdooda oo uu biyaha kaga soo jiito matoor.Afartan matoor oo ah nooca biyaha soo jiida ayey heystaan beeraleyda deegaanka Xeero- dhagaxley, waxaana shidaalka ku baxa biyaha matoorka uu yahay mid ay iibsadaan beeraleyda.
Guddoomiyaha iskaashatada beeraleydan, Cali Carab Gabeyr ayaa sheegay in ay leeyihiin nidaam is-caawin ah, oo ah in ay iska taageeraan dhinacyada ceel qodista, kii matoorku uu u shaqeyn waayo la tageero oo qof kam mid ah beeraleyda uu ku caawiyo in uu la isticmaalo matoorka inta uu kiisa cilladaysan yahay.
Dhanka tabcashada beeraha ayuu sheegay in ay isaga faa’iideeyaan oo qofba qofka uu aqoon dheer yahay uu uga faa’iideeyo.









