Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: 40 qoys oo beeroley ah oo dalagyadii ugu horreeyay goostay saddex sano kaddib

Radio Ergo by Radio Ergo
September 18, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
BARNAAMIJKA BEERAHA

Keyka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aweys Xirsi Daahir oo ka mid ah 40 qoys oo beeraley oo ku nool deegaanka Xeero-dhagaxley oo 60 KM galbeed kaga beegan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa markii ugu horreysay saddex sano kaddib beec geeyey sanadkan dalagyo kala duwan oo uga soo go’ay beertiisa oo dhan 230 mitir oo isku wareeg ah.

Beerahan oo loo adeegsado 36 ceel oo nooca gacan qodaalka ah ayaa sanadihii wax lagu beerayay waxaa saamayn ku yeeshay abaaro ku soo noq-noqday deegaanka. Waxaa beeralayda ka caawisay matoorrada ay biyaha kula soo baxaan hay’dda ICRC.

Aweys oo ah aabbaha qoys ka kooban toban qof ayaa sheegay in tacabka beertiisa uu galiyay $470  oo uu deyn ku helay. Bishii March ee sanadkan ayay u suurogashay in uu beerta abuurka geliyo. Bilihi Juulaay iyo Agoosto oo ay u soo go’een dalagaydii ugu horreeyey sida qaraha, haruurka, digirta, yaanyada, kabsarta, barbarooniga iyo basal ayuu u suuq geeyay magaalada Wisil. Wuxuu ka helay dalagyada lacag dhan 11 milyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $340.

Sanadkii 2015 abaartii dhacday ayaa keentay in beertiisa biyo loo waayo, abaartii 2016-kiina waxaa meesha ka baxay arigia uu dhaqanayay oo ahaa 130 neef, kuwaas oo baad iyo biyo la’aan sababsaday. Wixii xilligaas ka dambeeyey wuxuu u barakacay deegaanka Wisil oo ku noolaa muddo sanad ah.

Aways Xirsi Daahir, ayaa sheegay in hay’adda ay u soo jeedisay fikirkan ah in ay ceelasha qotaan, kaddibna ay ka codsadeen in ay ku caawiso matoorro. Hay’adda oo ka jawaabeysa codsiga beeraleyda ayaa bishi labaad ee sanadkan ugu qeybisay matoorro.

Wuxuu xusay in xataa haddii roob la waayo biyo la’aan uusan ka cabsi qabin baqayo oo uu ceelka u qotay si uu abaarta uga gaashaanyo. Aways ayaa intaa ku daray in hadda qorshaha aysan ugu jirin in dib uu u dhaqdo xoolo maaddaama lacag badan ay ku kacayaan haddii uu xoolo mar kale tabcan lahaa. Lacagta uu ka helay beerta ayuu sheegay in qaar uu meel dhigan doono, si reerku ay ugu joogaan tan iyo beerashada dambe.

Nolosha qoyska Maxamuud Jimcaale ayaa kamid ah dadka u wax ka beddeley fikirkan cusub ee biyaha loo helay beeraha. Wuxuu kaga maarmay muddo labo sano ah oo ku tiirsanaa caawimaad ay sii jireen dad ehelkiisa oo kala jooga Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Cabdi Maxamuud Jimcaale, waxaa u baxa digir, galey, haruur, moos, liin iyo barbarooni. Markii ugu dambeysay wuxuu goostay bishii Agoosto. Wuxuu ka helay lacag dhan 1,800 oo dollar. Isagoo deyn isaga bixiyay $900 oo uu beerta galiyay markii uu abuurayay. Nolol maalmeedka ayuu ku debberaa lacagta uu ku gatay dalagyadii hore.

Ceel lix mitir ah ayaa uga qodan labadiisa beerood dhexdooda oo uu biyaha kaga soo jiito matoor.Afartan matoor oo ah nooca biyaha soo jiida ayey heystaan beeraleyda deegaanka Xeero- dhagaxley, waxaana shidaalka ku baxa biyaha matoorka uu yahay mid ay iibsadaan beeraleyda.

Guddoomiyaha iskaashatada beeraleydan, Cali Carab Gabeyr ayaa  sheegay in ay leeyihiin nidaam is-caawin ah, oo ah in ay iska taageeraan dhinacyada ceel qodista, kii matoorku uu u  shaqeyn waayo la tageero oo qof kam mid ah beeraleyda uu ku caawiyo in uu la isticmaalo matoorka  inta uu kiisa cilladaysan yahay.

Dhanka tabcashada beeraha ayuu sheegay in ay isaga faa’iideeyaan oo qofba qofka uu aqoon dheer yahay uu uga faa’iideeyo.

Previous Post

Dadkii ku barakacay duufaantii Sagar oo wali aan ka soo kaban saameynteeda

Next Post

Dad ku go’doonsan degmada Balcad oo cunno yaraan iyo caafimaad darro haysato

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Reer Jowhar oo ugu dambeyntii ku guulestay iney xiraan buqda webiga

Dad ku go'doonsan degmada Balcad oo cunno yaraan iyo caafimaad darro haysato

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo