Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Dad ku go’doonsan degmada Balcad oo cunno yaraan iyo caafimaad darro haysato

Radio Ergo by Radio Ergo
September 19, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Caafimaadka, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer Jowhar oo ugu dambeyntii ku guulestay iney xiraan buqda webiga

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Saddex kun afartan iyo kow qoys ayay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ku haysataa tuulooyin ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Muddo afar bil ah ayay dadkaan go’doonsan yihiin, mana haystaan cunto ku filan iyo adeeg caafimaad toona, sidaas waxaa Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay qaar ka tirsan dadka tuulooyinkaas oo aan la hadalnay.

Dhibaatada haysata dadkaan waxaa sababay fatahaad uu sameeyay kanaal maro dhanka bari ee tuulooyinkaas, kaas oo qararka jabsaday marki uu buux dhaafay. Dadku waxay sheegeen in biyaha aysan dhulka ka qallalin, taasna ay sabab u tahay kanaalka oo aan waqtigaan celi karin biyaha uu ka soo qaado webiga, oo uu dhinac ka dumay.

Tuulooyinkaas waxaa ka jiro cunto yaraan iyo caafimaad-darro ka dhalatay biyaha oo weli jiifa dhulka iyo dhaqaale la’aan u saamixi waysay dadka badankood inay ka baxaan meelaha ay joogaan, maaddaama gaari uusan jirin, lacagta doonyaha lagu raacana ay badan tahay.

Dadkaas waxaa ka mid ah qoyska Xaawo Muuse Maxamed oo 9 qof ah kuna nool tuulada Damalley oo Balcad u jirta 24 km. Hal waqti ayay 24-kii saacba wax karsadaan, waxay ku nool yihiin kalluun dabasho iyo raashin ay mararka qaar ku caawiyaan dad eheladooda ah.

“Subaxdi siduu waaga u beryo hal mar baa wax la kasadaa, quraacna way tahay cashana way tahay. Mallaay baa la dabtaa, marka suuqa la geeyo shan saac oo kale baa laga imaadaa, badar baan ku soo beegannaa, cambuulo iyo digir baan karsanaa. Wax la shinsanaayo oo guriga lagala soo baxaayo ma laha, oo wixi aan tacbannay oo dhan baa naga halaagmay.”

Waxay Raadiyo Ergo u sheegay in aysan xataa haysanin qalabka lagu soo dabto kalluunka, oo ay ka qaataan dadka deriska la ah.

Cunno yaraanta waxaa usii dheer cudurro ay mallaariya iyo xanuunnada maqaarka ka mid yihiin oo ka dhashay biyo weli jiifa qeybo tuulada ka mid ah. Labo carruurteeda ka tirsan oo 8 jir iyo 10 jir kala ah waxaa hayo xasaasiyad ay ka qaadeen biyaha oo ay ku dabaasheen. Saddex toddobaad ayuu kor cun-cunkaas hayaa, sida ay Xaawo tilmaantay.

Waxay xustay in odaygeeda oo 80 jir ah iyo carruurta kale qaarkood ay ku dhacday duumo, laakiin wax dawo ah lama siinin oo qoyska dhaqaale ahaan uma saamixin inay carruurta u qaadaan xarun caafimaad, oo ay ugu sokeyso Balcad, sidoo kale duruufta dhaqaale la’aanta uma saamixin inay ka guurto tuulada.

Xaawo qoyskeeda wuxuu ahaa beeraley, waxayna qudaar iyo dalagyo kale ku tacban jireen beer 7 hektar ah oo ay tacab ugu dambeysay bishii Juun ee sanadkaan, xilligaas oo ay saameysay fatahaad uu sameeyay kanaal biyaha ka soo qaada webiga Shabeelle.

Shaami Xasan Maxamuud, oo ku nool tuulada Far-baraki oo Balcad u jirta 26 km, wuxuu ka mid yahay dadka go’doonsan ee aan haysan cunno ku filan. Wuxuu Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay inuusan qoyskiisu haysanin wax keyd raashin ah, ayna ku nool yihiin dad ehel ah oo mararka qaar ku caawiya lacago ay raashin ku iibsadaan.

Wuxuu intaas ku daray inuusan awoodin inuu ka guuro Far-baraki, oo lacagta doonta lagu raaco uusan iska bixin karin. Shaami waa 60 jir qoyskiisu ka kooban yahay 18 qof, mana laha xirfad uu ku shaqeysto. Wuxu tilmaamay noloshooda ku tiirsaneyd beer 73 saac (24 hektar) ah oo ay ku beeran jireen galley, digir, sisin iyo qudaar.

“Tabar kaa bixiso haddaad hesho waad ka bixi kartaa, haddaad waysana meeshaadaad ku xayirnaaneysaa. Inaan baxo waan rabaa inta uu dad meesha iiga dhiman lahaa, dantaa nagu kallifeyso oo ma hureyso. Xamar ama Balcad baan iska aadi lahaa haddaan doon helo, wax kaloo lagu baxo oo aan doon ahayna malaha,” Ayuu yiri Shaami.

Gaadiidka tuuladaas looga bixi karo ama lagu soo gali karo waa doon, mana sahlana in dadku ay helaan xilli kasta. Doontaas laga raaco Far-baraki waxaa lagu kireeyaa 2 milyan iyo 400 oo kun oo Shilin Soomaali ah oo u dhiganta $100, waxaa lagu tagaa tuulada Mukay-dheere oo u jirta 5 km, halkaas oo dadka ay ka raacaan baabuur ay ku aadaan degmada Balcad.

Dadka aan wareysannay ayaa noo sheegay in biyaha webiga uu jooggoodu sarreeyo oo ay soo kordhayeen toddobaadkaan, ayna sidoo kale idaacado maxalli ka dhegeysteen inay suuragal tahay inuu fatahaad sameeyo webiga, taas oo ku abuurtay cabsi ah in xaaladdooda ay ka sii darto.

Hay’adda maamulka biyaha iyo dhulka Soomaaliya ee SWALIM oo ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in roobab mahiigaan ah oo xilligaan ka da’aya dhulka sare ee Itoobiya ay keeneen in heerarka biyaha webiga Shabeelle kor u kacaan.

Hay’adda waxay saadaalisaa in dayrtan la filayo roobab ka badan heerarkoodii, iyadoo ay jiraan meelo badan oo webiga shabeelle qararkiisa ah oo furan, meelahaas oo keeni kara fatahaad.

Pro. Muuse Shaaciye oo la taliye dhinaca fatahaadaha iyo heerarka webiyada u ah hay’adda (SWALIM) oo u warramay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in guud meelaha uu webiga Shabeelle ka maro gudaha Soomaaliya ay ilaa 50 goobood xilligan furan yihiin, inta ugu badanna ay ku yaallaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada degmada Balcad Axmed Sheekh Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay dadka deggan meelaha ka ag dhow qararka webiga ay kula taliyeen inay ka fogaadaan, si haddii uu webigu biyo soo fataho aysan waxyeello u soo gaarin.

“Matoorradii iyo wax kastoo ka ag dhow webiga in laga soo fogeeyo ayay hadda mareysaa, cabsidana aad bay u xooggan tahay. Olole joogto ahna waan wadnaa si bulshada ay mar walba diyaar ugu ahaato haddii fatahaad ay dhacdo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Tuulooyinka waqooyiga Balcad ku yaalla waxay isu jiraan 2 ilaa 7 km, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed.

Previous Post

Mudug: 40 qoys oo beeroley ah oo dalagyadii ugu horreeyay goostay saddex sano kaddib

Next Post

Kumannaan qoys oo ku go’doonsan tuulooyin ka tirsan Balcad ayay ku adagtay helista cunto

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Roobab ka da’aya buurallayda Itoobiya oo laga digayo inay khatar fatahaad ku keenaan webiga Shabeelle

Kumannaan qoys oo ku go'doonsan tuulooyin ka tirsan Balcad ayay ku adagtay helista cunto

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo