In ka badan saddex kun oo qoys oo ku nool tuulooyin ka tirsan degmada Balcad ee gobol Shabbeellaha dhexe ayaan haysan cunto ku filan, caafimaad iyo dhaqaale ay uga baxaan tuulooyinka ay ku nool yihiin oo biyo soo fatahmay bishii Juun ay go’doomiyeen. Warbixintaan oo faahfaahsan waxaa inoo haya Maxamed Xaashi Tawakal.









