Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

200 oo geed oo laga abuuray Gaalkacyo oo ay hoos fariistaan ganacsatada yaryar

Radio Ergo by Radio Ergo
September 10, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Degaanka Inamed oo bari ka xiga Dhuusamareeb oo aan lahayn adeeg caafimaad

Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ganacsata yaryar ee magaalada Gaalkacyo oo aan horay u haysan gabbaad ay maalintii qoraxda ka harsadaan ayaa ka faa’idaystay geedo ay si iskaa wax u qabso ah u beereen dhalinyaro ku midaysan ururka Horseedka Horumarka gobolka Mudug.

Geedahaan oo ay kamid yihiin, dhamas, baxar-saaf, iyo miri-miri, waxaa hadda ku hoos ganacsada 15 haween ah oo intooda badan gada bagaashka iyo cunooyinka fudud sida sambuuska qaraha iyo cambaha, sidaas oo kale qiyaastii 20 rag ah oo tirsan sariflayaasha Gaalkacyo ah, kuwaas oo aan awoodin inay kiraystaan goobo ay ku ganacdsadaan.

Geedahan oo intooda badan lagu abuuray hareeraha waddooyinka iyo goobaha bulshadu iskugu timaaddo sida goobaha waxabarashada iyo kuwa ganacsiga hortooda ayaa halkii geed waxaa ku baxday 120 kun oo shlin soomaali ah oo ururka dhallinyaradu iska aruuriyeen, waxaana geedahan markii ay yaryarayeen laga iibiyay dadka ka ganacsada geedaha bartamihii sanadkii hore ee 2017.

Faadumo Cabdi Ismaaciil oo afar carruur ah korsata waxay muddo saddex bil subax walba fariisataa mid ka mid ah geedaha la abuuray, waxay sheegtay in ka hor ay hadba meel qorax ah fariisan jirtay ama ay la wareegi jirtay gaari-gacanka waxyaabaha ay ka ganacsato u saran yihiin. Radio Ergo ayay usheegtay  in muddo 3 sano ah oo ay ganacsigaan ku jirtay aysan fursad u helin goob nuucaan oo kale ah. maaddama gaalkacyo aysan horay ugu oolin geedo la harsado iyo jardiimo bulshada kadhaxaysa.

”Maalintii oo dhan waxaa dhici jirtay in aan fariisan, marna aan istaagsanahay marna aan socdo, waayo meel aan fariisto oo ku nasto ma haysan, xarumha ganacsi hortood kuma ganacsan kartid, waa nagala kicin jiray qorraxda iyo socodka dhibane ayaan u ahaa, hadda meeshaan fariisto,markaan danleeyahay kali ayaan ka kacaa, geedahan iyo goobtaanba faaido ayay nooleeyihiin haddaanu nahay dadka danta yar”’

Lixdan kun oo shiling Soomaali ah ayay sheegtay in inta badan maalinkii in ay ka hesho ganacsigeeda taasi oo ay ku dabarto nolosha qoyskeeda, waxay xustay in ganacsigeeda si fiican uu socodo dadkuna ay goobtaan ku barteen.

Cabdinaafac Yasac Macallin oo hormuudka dhallinyarada is xilqaamay ayaa Radio Ergo u sheegay in Gaalkacyo oo ah meel cimiladeedu kulushahay geeduhuna ku yaryihiin ay ku fikireen inay ku dhex beeran geedo faa’ido u yeelan kara bulshada, wuxuu sheegay inay kaashadeen dad aqoon fiican u leh geedaha ku haboon magaalada dhexdeeda in lagu beero.

Cabdinaafac ayaa tilmaamay inay biyo-galin ay sameeyeen markii geedaha ay beereen, si waraab fiican u helaa, kolkii dambana ganacsatada magaalada ay gacan ku siiyeen hirgalinta jardiimo ay ku wareejiyeen geedaha ay beereen.

”’ Maaddama dhallinyarada is xilqaamayaashu ay yihiin kuwii jaamacadaha ka soo baxay intooda badan, inta aysan shaqo shaqsi ahaanayd u fikrin, waxay xoogga saareen wax yaabaha muhiimka uh bulshada, Gaalkacyo inta aanan geedahan ku beerin ma lahayn geed laharsado, maanta geedo bulshada ka dhexeeya oo faai’do badan u leh bilic ahaana magaalada muhiim u ah ayaa ku yaal oo sababteeda dhalinyaradu lahayd,”’

Wuxuu sheegay in si joogto ah ay ula socdaan ka warqabka geedahaas islamarkaana hadda ay joogaan heer ganacsatada iyo shirkadaha magaalada Gaalkacyo ka howl gala iyaguna ay bixiyaan lacagta biyaha lagu waraabiyo geedahaas. 200 oo geed ayuu sheegay in ay ku beeran yihiin magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka koonfurta.

Subeyr Guray Shaare wuxuu kamid yahay sariflayaasha magaalada Gaalkacyo, Raadiyo Ergo ayuu  sheegay in ka hor geedahan inta aan la beerin ama ay yar yaraayeen ay dhibaato ku qabi jireen qorraxda maalintii. Wuxuu xusay inay taas u dheerayd in aysan lahayn sariflayaasha uu kamid yahay goob fariisin u ah oo hadba goob ganacsi horteed laga kicin jiray, hadase ay heleen jardiimo ay fariitaan iyo hooska geedaha. Sheekada halkaan ku jirtay ee ay gabadhu soo sheegtay aan ka baddalno.

Waa aabbaha qoys ka kooban 8 qof mdudo13 sano ah ayuu ahaa sarifle, waxaana halkaas uu ka soosaara nolol maalmeedka qoyskiisa , wuxuu ii sheegay in muddo laba sano ah uu maalin walba bixinayay lacag 20 kun shiling Soomaali ah oo uu ka qaadi jiray ganacsade xaruntiisa horteeda uu fariisan jiray, haddase taasi ay meesha ka baxday oo waxa uu haystaa hoos lacag la’aan ah cidina aanay ka kicinaynin.

”’Kooxdeenaan sariflayaash ah halkaan ayaa fariisin noo ah,  maalintii oo dhan labada waqti ee galab iyo subax halkan ayaan ku ganacsannaa, oo subixii dhinacaas ayaan fariisana marka qoraxdu soo wareegtana halkan ayaan fariisana, waan ka helay faaido badan oo ay kamid tahay meel aan kakac lagu dhahayn lacag aadan kubixinayn islamarkaana  hoos leh, halka markii hore dalad aan xiran jiray oo dhibaatooyin badan ku qabi jirnay markay qoraxdu kulushahay daladu waxbadan kuuma tarayso 4 bilood ayaan halkan kuganacsanayna oo geedahan harsanayna,,”’

Wuxuu sheegay Subeyr in sariflaasha uu kamid yahay ay bixiyaan bishii $10 dollar oo lagu waraabiyo geedaha, waxaana biyahaasi tubbo ka keenta ceelka riiga ah ee Gaalkacyo, intaas waxa uu ku daray in iyaga isxilqaan xaggooda ah ay ku waraabiyaan geedaha balse wax lagu qasbay aysan ahayn.

”’Bushada Gaalkacyo way ku baraarugeen faaidada geeduhu leeyihiin, wayna ilaalsadaan oo wax ka dhexeeya weeye, geedahan intaan la beerin kahor, halkan bilic ma lahayn maanta waad arkaysa bilicda geedahan cagaaran ee indha u roon ay u soo jiideen waa faai’do dhankasta”’. ayuu yiri Subeyr

Dhallinyaro jooga gobollo kala duwan ayaa shantii sano ee la soo dhaafay olole-haan dhir beerista ah ka samaynayay magaalooyinka ay joogaan, taas oo faa’ido u leh bilicda iyo caawinta dadka jooga meelaha geedaha laga abuuray oo ay Gaalkacyo ka mid tahay.

Previous Post

Puntland: Wasaaradda caafimaadka oo digniin u dirtay dadka leh goobaha caafimaadka

Next Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo