Wasaaradda caafimaadka Puntland, ururka dakhaatiirta iyo guddiga hubinta caafimaadka Puntland ayaa go’aan ka soo saaray xayaysiinta dakhaatiirta iyo daawooyinka ee ay warbaahintu sameyso.
Wasiir ku xigeenka wasaaraddaas Faarax Warsame oo u waramay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in ay xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ee dalka ay ka hawlgalaan dakhaatiir Soomaali iyo ajaanib ah oo aan la xaqiijin takhasusyadooda kuwaas oo ka been sheega shaqada ay rabaan in ay bulshadda u qabtaan iyagoo sameysta xayaysiin.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa wasaaraddu sheegtay in ay shaqadda ka joojisay laba dakhtar oo sidaas oo kale lagu helay kana howlgelayay xarun caafimaad.









