Lix boqol oo tahriibayaal Soomaali ah oo ku jiray xabsi ku yaalla meel 15km u jirta magaalada Kareemiya ee dalka Liibiya ayaa ka baxsaday xabsiga kaddib dagaal ka dhacay magaalada, waxaana dhallinyaradaas inta ay jidka ku sii jireen dhex ka qabsaday koox burcad ah oo lacag ka qaatay.
Cabdullahi Maxamed Axmed wuxuu kamid yahay dhallinyarada ku nool Kareemya, waxaa isaga iyo dhallinyaro kale ay dib u dejin u sameeyen soomaalidaasi soo gaartay magaalada. Wuxuu u warramay weriyaha Raadiyo Ergo Munasar Maxamed Cabdi.










