Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Mudug: In ka badan kun qof oo ka faa’idaysatay adeeg caafimaad oo laga siiyay xarun dhowaan la furay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 3, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Daawada oo gabaabsi ka ah isbitaalka baladweyne

Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dadka ku nool 38 tuulo oo ku yaalla koonfur-bari gobolka Mudug ayaa 7-dii bishii Agoosto xarun caafimaad oo bilaash ah looga furay deegaanka Qaydaro ee gobolkaas ka tirsan. Dadkan oo isbitaalka ugu dhow u tagi jiray magaalada Gaalkacyo oo u jirta in ka badan 100 km ayaa haweenka uurka leh jidka ku dhiig bixi jireen inta ay u sii socdaan Gaalkacyo.

Deegaannada helay adeegga caafimaad oo ay ka mid tahay Bacaadweyne waxay Raadiyo Ergo ka werisay haween iyo dhallaan sababsaday adeeg caafimaad la’aan oo halkaa ku dhintay dabayaaqadii sanadkii hore, waxaana dhaqaatiirta Galmudug oo baaris ka sameeyay deegaannada u arkeen deegaanka Qeydaro in xaruntan laga furo maaddaama ay ku taalla bartanka tuulooyinka sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed Maxamuud Siyaad madaxa isbitaalka halkaas laga hirgeliyay.

Axmed Maxamuud Siyaad madaxa xaruntan caafimaad ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 13 qof oo shaqaale ah iyo 3 dhaqtar ay ka howlgalaan xarunta, muddadii uu furnaana ay qaabileen 1,300 oo qof oo u badan haween iyo carruur, isagoo intaa ku daray in inta badan dadkan ay ka yimaadeen deegaannada Caad, Camaara, Bacadwayne iyo ilaa Xarar-dheere.

”’Wuxuu ka kooban yahay isbitaalka qaybaha bukaan jiifka oo loogu talogalay carruurta iyo dadka waawayn, qaybta umulisada oo hooyada uurka leh aanu ku qaabilno, qaybta bukaan socodka iyo qaybta daawada, muddadii aan shaqaynay dadka ugu badan ee la keenayay waxa ay ahaayeen caruur iyo haween uur leh.”’

Caasho Maxamed Cali waa hooyada toddobo carruur ah oo ku nool deegaanka Qaydaro, waxay ka mid tahay haween badan oo ku nool deegaankaas oo aan horay u haysan daryeel caafimaad iyaga iyo carruurtooda. Waxay isbitaalka kaga faai’daysatay in daawo ay u heshay gabar 5 jir ah oo ay nafaqo xumo haysay oo ay isbitaalka gaysay, iyaoo xustay in haddii aan isbitaalkan aan la furi lahayn ay ku qasbanaan lahayd in gabadha ay u qaaddo Gaalkacyo oo qarash badan kaga bixi lahaa.

‘’Gabadha hadda way roontahay, 16maalin baan isbitaalka kula jiray, hadda waxaaan geeyaa isbitaalka si xaaladeeda loola socdo, buskud nafaqo ahna waa la siiya, waan ku faraxsanahay in adeegyada cafimaad ee aan u baahanayn iyaga oo bilaash ah aan halkeenna ku heli doonno,’’.

Dabayaaqadii sanadkan hore ee 2017-kii ayay sheegtay Caasho in gaari korkiis ay ku umushay, xiligaas oo loo waday isbitaalka Gaalkacyo, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in labo saac oo gaarigu jidka ku jiray ay wiil dhashay, ayna dalbatay in dib loogu celiyo Qaydaro si qarashka gaarigu uusan ugu badan.

”’Inta aanan dhalin ka waxaan foolanaayay saddex maalin, si dirqi ah ayaan gaariga ku helay, markii aan saacado joognay waxaan arkay in cunuggu uu xanuunsan yahay oo naqas hayo, gaari kale oo deegaanka jooga ayaa waa la waayay, kaddibna  waa dhintay ”

Haweenka uurka leh keliya waxaa la geyn jiray xarrun caafimaad marka ay wajahaan dhibaatooyinka dhanka dhalmada ah, hayese ahaatee waxaa xaruntan ay fursad u siinaysaa hooyooyihka wuurka leh inay la socdaan xaaladooda, waxaana Bishaaro Cabdullaahi Xasan oo leh uur 7 bilood ah ay Raadiyo Ergo u sheegtay in muddadii uu furnaa isbitaalka cusub ay booqatay laba jeer si ay xaaladdeeda ula socoto.

Bishaaro oo ah hooyada shan carruur ah waxay rajeynaysaa markii ugu horeysay inay ku umusho isbitaalka looga dhisay deegaanka Qaydaro iyadoo aanay lacag ka bixin.

””Waxay inoo tahay farsad aad iyo aad aan ugu baahnayn xiligan isbitaal aan adeegyada caafimaad oo aan u baahanahay ka helayno, waxaan soo marnay xilli adag oo dhalmada aan ku dhibaatoon jirnay, waxaan jeclahay anoo aan meel kale u bixin in aan ku dhalo hadii Alle idmo ilmahana aan gaysano xiliga xanuunada,””

Bishii shanaad ee sanadkan ayay Bishaaro Gaalkacyo gaysay saddex carruur ah oo ka xanuunsatay oo mid weli ku jiro isbitaalka oo ay doonayso inay isbitaalkan dib ugu soo celiso. Waxay xustay in lagu leeyahay lacagta ay carruurta ugu qaadday isbitaalka iyo mid ka hartay mar ay isbitaalka Gaalkacyo ku umushay oo gaaraysa $350 aysanna awoodin inay iska bixiso.

”Carruurta muddo ayuu xanuun hayay, ilmaha xanuunku marka uu ku dhaco dhaqso tacaal ma heli jirin waayo xarun caafimaad nooma dhawayn, cuniga marka xaalad halis ah uu galo uun baa laqaadaa.”’

Sanadkii 2016-ki ayay Bishaaro cunigeeda u yar ilmaheeda ku dhashay isbitaalka Gaalkacyo, markii Qaydaro oo ay ku foolanaysay labo maalin looga qaaday gaari kiro ah oo ay dayn ku heshay, wuxuu jidka rafka ah ee u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Qaydaro kula jiray lix saac sida ay ii sheegtay Bishaaro, waxaana isbitaalka Gaalkacyo lagu hayay labo bilood markii dhiig bax ay la kulantay xiligii foosha. Hadda kama welwelayso inay la kulanto xaaladdaas oo kale.

qurbe-joogta Galmudug oo isbitaalka dhisay waxaa wakiil uga ahayd Shukri Xasan Gurey, Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in qaylo dhaan la xariirta adeeg la’aan cafimaad oo deeganadaas ka jirtay ay qurbe-joogtu  ka jawaabtay, islamarkaana xaruntan ay hirgaliyeen.

‘’Ururka dhaqaatiirta Galmudug ayaa qurbe-joogta Galmudug ee ku nool Yurub iyo Maraykanka u soo gudbiyeen macluumaad muujinaya dhibaatooyinka caafimaad ee halkaas ka jiray kaddib baaris ay sameeyeen horraantii sanadkan, qurbe-joogtuna ay ka jawaabtay baahidaas cafimaad’’

Shukri ayaa xustay in jaaliyaddu ay balan qaadday bixinta qarashka adeegga caafimaad ee isbitaalka iyo shaqaalaha ka howlgala, waxaana isbitaalkan uu wax badan ka beddeli doono baahida ka jirtay deegaanada ku xeeran Qaydaro.

Previous Post

Akhriso wararka qiimaha xoolaha

Next Post

Dhallinyaro Soomaali ah oo ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Liibiya

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Dhallinyaro Soomaali ah oo ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Liibiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo