Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Tirada dadka qaba cudurka qaaxada oo ku badanaysa isbitaallada magaalada Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
September 11, 2018
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Tuulada Dhiciso oo heshay rug caafimaad ee dhalmada haweenka

Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Madaxda xarumaha caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan bilihii la soo dhaafay tirada dadka qaba cudurka qaaxada.

Sida ay uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr Maxamed Cabdiraxmaan Cumar (Dr. Qalbi), oo ah madaxa qeybta qaaxada ee isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee gobolka Banaadir, 73 qof ayaa isbitaalka lagu daweeyay tan iyo bishii May ee sanadkan. Waxaa marka la barbar dhigo sanadkii hore oo dhan isbitaalka lagu daweeyay 183 qof oo qabay cudurka qaaxada.

Dr Maxamed ayaa sheegay in 58 kamid ah dadkaas ay yihiin bukaan socod daawada bannaanka ku qaato, halka 15 kalana ay oo shan ay carruur yihiin ay haddaba isbitaalka jiifaan oo xanuunka laga daweynaya. Wuxuu intaa ku daray in daawada iyo baaritaanku ay yihiin mid bilaash ah.

Wuxuu tilmaamay in kiiskii ugu darnaa ee ay kulmeen uu ahaa hooyo sidda  ilmo yar oo dhallan 22 maalin, kaas oo uu sheegay in uu cudurka ka qaaday dadka ay daraska la yihiin qoyskiisa. Ilmaha ayaa daawada loogu darayaa dhalada uu caanaha ku cabo.

 Nasro Abshir Maxamed waxa isbitaalka Banaadir kula jirtaa ilaa siddeedii bishan wiilkeeda oo labo jir ah oo laga helay qaaxada. Waxay u sheegtay Raadiyo Ergo, in muddo saddex bilood ah uu aad u qufacayay, iyaduna ay moodeysay in qabow iyo hargab ay yihiin waxa haya. Waxaa uu ka go’ay qaadashada cuntada, jirkiisana waa uu sii daciifayey marba marka ka dambeysa, ilaa ay Nasra markii dambe go’aansatay in ay isbitaalka keento.

Xaaladda wiilka Nasra hadda way ka soo reyneysaa, waxaana loo qoray dawooyin, iyadoo uu isbitaalka ku sii jiri doono muddo laba toddobaad ah, intaas wixii ka dambeeyana wuxuu daawada ku qaadan doonaan gurigooda.

Xarunta daaweynta cudurka qaaxada ee ku taala degmada Xamar-jajab ee Muqdisho ayaa iyaduna saddexdii bil ee la soo dhaafay la geeyay 200 oo bukaan, waxaa labadii toddobaad ee u dambeysay lagu daweeyey 25 qof oo qaba cudurka qaaxada. 12 ka tirsan dadkaas waa carruur da’doodu ka yar tahay shan sano, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey madaxa xaruntan Dr Nuur Maxamed Cabdi.

Dr Nuur Maxamed Cabdi waxaa uu sheegay in marka qofka xanuunka lagu arkaba aanan laga daweyn si dhakhso ah ay qaadan karto muddo dheer daweyntiisa, wuxuuna bulshada ku baraarujiyey in haddii ay ka shakiyaan in qofku qabo qaaxo ay si deg-deg ah u geeyeen goob caafimaad.

Xarunta waxay daawayn iyo baaris bilaash ah u samaysaa dadka danyarta ah iyo kuwa deggan xeryaha barakacay, waxaana dhaqaatiirtu ay ay cudurkan qaaxada ku ogaadaan marka bukaannadu ay u yimaadaan howlo kale oo caafimaad.

Xog ururin ay sameeyeen sanadkii hore wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu ogaaday in jirto tiro gaareysa 62,000 oo qof oo qabo cudurka qaaxada Soomaaliya oo dhan, sida aan ka soo xiganay madaxa qeybta qaaxada ee wasaaradda, Dr Abuukar Diini

Dr Diini ayaa sheegay in cudurkan la is qaadsiiyo uu si aad ah ugu faafo koofurta Soomaaliya gaar ahaan dadka jooga magaalooyinka sababo la xirirra tiradooda oo aad u badan.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay inay wadeen wacyigelin ka dhan ah cudurkan, kaas oo dadka loogu sheegayo muhiimadda uu leeyahay in carruurta la tallaalo.

Previous Post

Muqdisho: Boqol qof oo naafo ah oo gawaari la siiyay ku aada waxbarashada iyo shaqada

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo