Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Boqol qof oo naafo ah oo gawaari la siiyay ku aada waxbarashada iyo shaqada

Radio Ergo by Radio Ergo
September 10, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
SARE U QAADIDDA TAYADA DADKA NAAFADA AH EE GAROWE

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)- Ibraahim Nuur Iimaan oo 25 sano jir naafo ah, wuxuu maalintii siddeed iyo tobonaad shaqadiisa oo uu garguurad ku aadi jiray ku tagaayaa gaari loogu talagalay dadka aan lugahooda ku socon Karin. Waxaa ka muuqan jiray boor iyo daal badan marka uu shaqada tago inta uusan gaarigan helin.

Wuxuu ka mid yahay boqol qof oo naafo ah oo 80 ay ah ku nool yihiin xeryaha barakaca magaalada Muqdisho oo maamulka gobolka Banaadir u qeybiyay gawaarida dadka naafada ah ku socdaan, kuwaas oo guddoomyeyaasha degmooyinku ku xusheen inaysan awoodin inay gataan gawaarida.

Ibraahim oo farsamo-yaqaan ah wuxuu nolol maalmeedkiisa ka raadsadaa shaqo uu ka qabto shirkadda Sahal oo ka shaqaysa qeybta baarista iyo fududeynta adeegyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu bishii ka helo lacag dhan $150.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay muddo sanad ah oo uu garoonka ka shaqaynaayay uu guurguurad ku tagi jiray kagana soo laaban jiray, isagoo intaa ku daray in haddii uu qaadan lahaa bajaaj uusan awoodin lacagteeda, iyadoo ay u sii dheerayd inuu u baahnaan jiray in la saaro oo uusan wadeyaasha bajaajta ka wada helaynin.

Gawaaridan ma ahan kuwo iyaga is wada balse waa kuwo ku dhaqaaqaya marka qofka wata uu labadiisa gacmood ku dhaqaajiyo taayarada uu gaarigu ku socdo. Waxaana fursaddani uga dhigan tahay dadkan baahiyaha gaarka ah qaba mid wax badan u taraysa habsami u socodka noloshooda.

Jaamac  Maxamed Axmed oo ku nool xero barakac, wuxuu ka mid yahay dadka ka faa’iidaystay gawaaridan,wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in intii aanu helin gaariga ka hor uu ka daahi jiray iskuul uu dhigto, gaariga la siiyayna wax ka beddelay waqtigii uu iskuulka tagi jiray.

Waa 18-sano jir dhigta fasalka 8-aad ee iskuulka Xamar-weyne oo ku yaalla degmada Xamarweyne. Wuxuu horay u isticmaali jiray gaarigan oo kale sanadkii 2012-kii oo uu deeq ahaan ugu helay. Wax badan kuma uusan nagaanin gaarigaas oo waxaa cilad uga timid katiinkii uu ku soconaayay, mana uusan helin cid ka caawisa hagaajintiisa.

Muddo 5 sano ah oo uu iskuulkan dhiganayaay ayuu subax kasta gurigiisa oo ku yaalla degmada Shangaani iyo dugsiga u kala socon jiray, haddase wuxuu adeegsanayaa gaarigan, wuxuu sheegay in xitaa uu ku dhib qabay gawaarida waddooyinka maraya oo uu sugi jiray inta ay ka dhamaanayaan taas oo waqti kala kaga bixi jiray.

“Macalimiintu way iigu garaabi jireen baahida aan qabo, haddase xiisada waqtigeeda ayaan tagaa, dibna uma dhaco, markii la ii sheegay inaan nasiib u helay gaarigan aad baan u farxay, waayo wuxuu udub-dhexaad u yahay socdaalkayga qofeed,”ayuu yiri Jaamac.

Dadka naafada way ku adag tahay inay socdaan xilliyada roobku da’ayo waxay ku qasban yihiin inaanay dibadda u soo bixin dan kasta oo ay leeyihiin. Jamaac ayaa raadiyo Ergo u sheegay in sanadkaan guduhiisa ku dhowaad toban jeer uu iskuulka kaga baaqday roob da’ayay dartiis.

Basmo Caamir Shakeeti guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa Radio Ergo u sheegtay in ujeedka kaalmadan loogu wareejiyay dadka baahida u qaba ay tahay inay arkeen dadka ku garguurta oo ku dayacan waddooyinka magaalada, kuwaas oo u nugul in waxyeello gaarto.

Deeqdan gawaarida ah oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka soo gaartay dowladda Sacuudiga ayaa maamulka gobolka Banaadir sheegay in wasaaradda ay ka codsadeen in la siiyo dadka baahiya gaarka ah qaba ee shaqeeya ama waxbarta ee ku nool xeryaha barakaca gobolka, waxaan isku keenistooda kala shaqeeyay guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Previous Post

Boqollaal qoys oo ka barakacay dagaal ka jiray deegaanka Dhumey oo ka tirsan gobolka Sool

Next Post

Tirada dadka qaba cudurka qaaxada oo ku badanaysa isbitaallada magaalada Muqdisho

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Tuulada Dhiciso oo heshay rug caafimaad ee dhalmada haweenka

Tirada dadka qaba cudurka qaaxada oo ku badanaysa isbitaallada magaalada Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo