(ERGO) – Afar boqol iyo toddobaatan qoys oo ku nool xeryo barakac oo ku yaalla degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, ayay muddo 4 bilood ah haysataa cunto-yaraan. Qoysaskan oo beeraley ahaa kuna soo barakacay fatahaaddii uu webiga Jubba sameeyay bishii Abiriil ee sanadkan, ayaan helin wax gargaar ah tan iyo markii ay meesha yimaadeen.
Waxay noloshooda ku maareeyaan shaqooyin yar yar oo aanay joogto u helin, ama kaalmo ay qaarkood ka helaan ehelladooda oo meelo kala duwan jooga.
Markii ay ku biireen xeryaha afar bilood ka hor, waxay rajo ka qabeen helitaanka gargaar raashin ah. Laakiinse waxaa sii adkaatay noloshoodii oo cunto ku filan ma helaan. Qaarkood hal waqti ayay dabka shitaan.
Dhowr iyo toban tuulo oo oo ka tirsan Buurdhuubo oo uu maro webiga Jubba ayay ka saameysay fatahaaddii uu webiga sameeyay bishii Abriil, kuwaas oo ay ka barakaceen qoysaskii beeralaha tacban jiray, waxayna ku waayeen dhammaan dalagyadii u beernaa, keydadkoodii cunto iyo qalabkii beeraha sida matoorradii ay ku waraabsan jireen.
Qoyska Xaliimo Nuur oo 11 qof ka kooban, hal wakhti ayay maalintii wax karsadaan. Waxayna noloshoodu ku tiirsan tahay boorash, ama digir ay shaah ku cabbaan. Xaliimo oo mar mar hesha fursado dhar-dhiqid ah, ayaa sheegtay in xataa halka wakhti waxa ay karsadaan aanay ku filnayn, maadaama qoyskeedu uu ballaaran yahay.
Ma aha shaqo ay joogto u hesho, oo toddobaadki waxay sheegtay in ay fursaddaan hesho ugu badnaan 3 maalmood. Laakiin waxay xustay in maalmaha ay shaqadaas soo qabato ay hesho lacag dhan 47 kun oo shilin Soomaali oo u dhiganta $2, taas oo ay ku iibsato nus kiilo sokor ah, koombo digir ah iyo saliid ay ku iidaantaan. Waxay tilmaantay in seygeeda oo la nool uusan haynin wax shaqo ah.
Qoyska Xaliimo waxay ka soo barakaceen tuulada Helo-mareer oo toddobo km u jirta Buurdhuubo. Waxay tilmaantay in markay tuuladooda ka soo barakacayeen ay rajeynayeen inay kaalmo raashin ah ka heli doonaan xerayaha barakaca, laakiin tan iyo bishii May oo ay ku soo biirtay xerada ma helin wax gargaar ah. Waxaana kaalmo raashin ah oo laga bixiyo xeryaha barakaca ee Buurdhuubo ugu dambeysay muddo saddex sano ah ka hor.
Faarax Muxumed, oo isna uu qoyskiisu ka kooban yahay 11 qof ayaan haynin shaqo joogto ah oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa. Waxayna saameynta cunto-yaraanta ah kala siman yihiin qoyska Xaliimo.
Qoyska Faarax waxay ku tiirsan yihiin raashin ay karsadaan hal waqti maalintii oo dhan, taas oo uu sheegay inay ku caawiyaan mararka qaar dad eheladiisa ah oo ku nool magaalada, halka mararka qaarna isagu uu helo fursado xoogsi sida biyo dhaamin aan joogto ahayn.
Raadiyo Ergo ayuu taleefanka ugu sheegay inuu go’aansaday in Buurdhuubo uu yimaado maaddaama dhaqaale la’aantu u saamixi waydya inuu aado degmooyinka Luuq oo Buurdhuubo u jirta 85 km iyo Garbahaarrey oo 42 km u jirta. Sidoo kale wuxuu sheegay in aqoon uusan u lahayn meelo ka baxsan Buurdhuubo ehelna uusan ku lahayn, sidaas darteedna ay dantu ku khasabtay inuu Buurdhuubo tago.
Beeraleyda barakaca ku ah Buurdhuubo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inaanay hayn qorshe ay xilligan dib ugu noqdaan deegaannadoodii ama ay ku aadaan degmooyinka kale ee gobolka. Qoysaskan ayaa intaanay saamayn fatahaadu waxay ku tiirsanayeen wax soo-saarka beerahooda, mana jirin baahi ay u qabeen in la kaalmeeyo ama ay ku biiraan xeryaha lagu barakacay ee Buurdhuubo. Sidoo kale dalagyada u soo go’a waxay u suuq gayn jireen degmada Buurdhuubo.
Xaliimo beer 5 hektar ah oo ay ku lahayd tuulada Helo-mareer ayaa fatahaaddii Abriil uga baaba’day. Xilligii ay fatahaaddu dhacaysay waxaa tacbanaa qudaar ay beertay bil ka hor fatahaaddi, laakiin waxba ugama badbaadin, haddana rajo kama qabto inay ku laabato tuuladeedii si ay u sii wadato beero falashada maaddaama hadda aanay fatahaad jirin, beerihina ay biyihi ka baxeen.
Faarax Muxumed ayaa Xaliimo kala mid ah dhibaatada beertiisa ka soo gaartay fatahaada oo isna ku waayay beer lix hektar oo uu ku lahaa tuulada Suriyo oo 13 km u jirta Buurdhuubo.
Degmada Buurdhuubo waxay go’doonsan tahay muddo afar sano ah, taas oo qeyb ka ah sababaha dhaliyay in cunto yaraan ay ka dhacdo xeryaha lagu barakacay ee degmada ku yaalla, sida uu Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay guddoomiyaha degmada Xasan Maxamuud Cali.
Go’doonkaas ay ku jirto degmada waxay keentay inuu kor-u-kaco qiimaha la kala siisto raashinka daruuriga ah.










