Laba boqol iyo kontan qoys oo xoolo-dhaqato ah kuna nool deegaanka Horgale oo Gaalkacyo waqooyi uga beegan qiyaastii 30 KM ayaa waxaa soo wajhaday biyo la’aan. Muddo 15 bari ah ayay biyo ku helaan inay gawaarida maraya wadada ee u socda Garoowe waydiistaan biyo ay cabbaan.
Dadkan oo koox koox u taagan wadada ayaa gawaarida gacanta u haatiya si ay u istaajiyaan dabbadeedna biyo u waydiistaan. Gaadiidka mara wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Gaalkacayo ayaa ah kuwa badan, hayeeshee maaha kuwa wata biyo dadkan ku haqab-beeli karaan.
Dadkan ayaa laba toddobaad ka hor biyaha ka heli jiray booyado ka soo qaada maagaalada Gaalkacyo oo qaab dayn ah ugu shubi jiray, balse marki lagu yeeshay dadkan lacag dhan $1300 ayey mulkiilayaasha booyadayihii joojiyeen inay biyo u keenaan. Deegaanku maleh goobo biyaha celiya sida waraha ama balliyo iyo ceelal toona. Waxaa ku yaalla laba barkad oo ah nooca kor u dhiska ah kuwaasi oo roobku uusan biyo galin karin kuwa lagu shuba mooyee.
Laba-doolle Axmed Aadan oo ka mid ah dadka deegaanka oo wata caag 20 litter qaad ah, ayaa subax walba soo istaaga wadada si uu biyo ay cabbaan ugu helo qoyskiisa oo ka kooban 8 ruux.
Sideedda aroornimo ayuu soo joogsadaa laamiga isaga oo quud-darrayna in uu helo biyo. Markii aan wareysananay wuxuu taagnaa goob uu baabuurka ku sugayo. waxaa hareerihiisa taagan dhawr carruur ah oo u dhalay oo la sugaya biyaha. Wuxuuna joojiyaa gaari walba oo soo mara.
“Mararka qaar maalin dhan ayay igu qaadataa in aan jirigaan biyo ah aan helo maxaa yeelay gadiidka wadada isticmaala intooda badan biyo masaarna,” ayuu yiri.
Raashinka uu carruurta dabka u saaro ayuu ka helaa qoys ay ehelyihiin oo deggan Gaalkacyo isla markaana bishiiba mar baabuurta u soo saara raashin bur, bariis iyo sonkor isugu jira.
Wuxuu xusay in uu kamid ahaa odayaal wakiil ka ahaa in daynta biyaha lagu cabbo. Haddase markii dadku awoodi waayeen bixinta lacagta ay joojiyeen biyihii ay keenayeen.waxaana uu sheegay in dadkii lahaa booyadaha ay joojiyeen keenida biyaha
“Duhurki ayaan helaa biyaha ugu horreeya sida 1:00 oo kale, mararka qaar ilaa casarka ayaan gaaraa anoo yaaban oo ka welwelsan sidii aan carruurta ugu noqon lahaa ayaa ilaah ii sahlaa,” ayuu yiri.
Inta badan noloshiisa wuxuu ku qaatay deegaanka. Wuxu hadda haystaa 36 neef oo uga haray 500 oo neef oo ay abaarta ka laysay. Laba-Doolle ayaa sheegay in abaartii ka hor ay iska bixinayeen biyaha iyaga oo adeegsanaya oo iibsan jiray xoolaha, intii ay jirtay abaarta waxay biyaha ka heli jireen maamulka Puntland iyo hay’ado samafal oo uu ka xusay hay’ada Sasvi oo toddobaadkii mar biyaha ugu shubi jirtay barkad. Halki mar ayuu tilmaamay in booyada biyaha ay ku keeni jirtay $40 doller.
Guddoomiyaha deegaanka Horogle Farax Maxamuud Xaashi ayaa Radio Ergo u sheegay in mudadii biyo la’aanta jirtay ay ku dhawaad laba boqol oo qoys ay u barakaceen magaalada Gaalkaacayo bartamihii bishii August kuwaas oo barakac ku joogay deegaanka. Waxa uu sheegay in ay u sahashay barakacooda iyagoon aan haysan wax xoolo ah oo kusii celinkaray deegaanka.
Wuxuu sheegay in dadka ku haray deegaanka ay yihiin kuwo xoolihi abaartii uga badbaaaday dhaqanaya isla markaana ka cabsi qaba haddii ay barakac galaan xooluhu in ay ka dhintaan. Kaam ku dhexyaal magaalo aan xoolo lagu dhaqan karin.
Caasho Bishiir Faarax waa hooyada qoys ka kooban 6 qof ah, mudo sanad ah ayay barakac ku joogta deegaanka Horogle xilligii abaaraha ayey ka soo barakacday deegaanka Qalloocan oo ku yaalka kilinka shanaad, Waxay hadda degan tahay meel wada u jirta hal KM. Subax walba laba caag oo tobonlayaal ah ayey la istaagtaa wadada waxayna biyo waydiisataa gaadiidka.
“Sidaa ayaan biyo ku helaa, carruurta iyo 10 neef oo ari ah oo irmaan ayaan u qaybiyaha biyaha aan soo helo ileen carruurta yaa igu nool caanaha ma qadin karo biyaha ariga,”ayay tiri.
Waxay tilmaamnay in tobanka neef ee u joogo aysan gadi karin hadda, waayo ma haysato hanti intaas dheer oo ay carruurta wax ay cunaan ugu heli karto, waxay ka welwel qabtaa haddii xaaladdu sii xumaato waxa dhici doono.
Maalinti waxay soo heshaa labaatanle biyo ah. oo ay u kala qaybiso cabitaan iyo cunto karin. Maalin walba oo ay 20 litrr oo biyo ah ay soo hesho, waxay u qeybisaa qoyskeeda iyo 10-ka neef ee ariga ah.









