Idiris Xasan Cali oo ah 26 oo sanadkan ka qalin-jabiyey kulliyadda injireeninada ee jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa ayaa siddeed maalmood si toos ah ula shaqeynaya shirkadda korontada ee Som Power, afar sano kaddib oo uu shaqo raadis ahaa. Waxaana uu shirkadda ka qabtaa howl injireenimo ah oo dhinaca cilllad bixinta korontada ah.
Idiris waxaa uu ka tirsan yahay 150 arday oo dhawaan la siiyey tababar la xiriira fursadaha shaqo abuurka, habka sameynta ganacsiyada yar yar iyo sida loo wajaho xafiisyada ay fursadaha shaqo ka bannaan yihiin, tababarkaas oo uu bixiyey ururka Shaqo-doon oo ka shaqeeya arrimaha shaqo abuurka.
Shaqo doon waa urur xidhiidh wada shaqeyneed la leh ha’yadaha iyo xafiisyada dowlada kaasi oo dhalinyarada ka caawiya inay shaqooyin helaan, sidoo kalena ay ganacsiyo abuuraan. La macaamilka ha’yada ayaa u sahlay dhalinyarada ay tababaraan inay shaqo si fudud u helaan.
Ardaydan waxaa laga soo kala xulay jaamacadaha Golis, Admas, jaamacadda Hargeysa, New Generation, Alpha iyo Camuud oo isugu jira jaamacado xarumo iyo kuwa faracyo ku leh magaalada Hargeysa.
Idiris Xasan ayaa todobaadkii hore shaqadan bishii ku bilaabay $300, kadib markii la ogolaaday. Hadda waxaa uu dareemayaa farxad ah inuu noloshiisa iyo qoyska uu ka dhashey dabari doono maaddaama ay lix iyo tobankii sano ee u dambeeyay ka taageerayeen dhaqaalaha ku baxay waxbarashadiisa dugsiga Hoose, Dhexe,sare iyo jaamacaddaba.
“Culeyskii shaqada waxbaan kasoo bartay, waa la ii carbiyay inaan shaqeysan karo sidaasi ayaan ugu dhiiraday inaan shaqadan qabto, runtii jaamacadaha lanaguma barin sida loo shaqeysto oo caqabad na hortaagan ayay ahayd, Ilaahay ayaa mahadle mar haddii aan shaqo galay anigoo xirfadeedii garanaya”ayuu Yidhi
Idiris waa curadka qoys ka kooban lix qof, dareen gaar ah ayay ku leedahay fursadan shaqo ee uu billaabay, waxaana uu damacsan yahay in hooyadii oo suuqa yaanyo ku gada uu ka joojiyo bisha u horreysa ee uu mushaar qaato. Tobankii sano ee u dambeeyay hooyadii ayaa biileysay qoyska Idiris kaddib markii aabihii oo qoyska u shaqeyn jiray uu geeriyooday sagaal sano ka hor.
Waxaa uu sheegay in waxyaabaha tababarka uu ka faa’iiday ay kamid aheyd sida shaqo loo raadsado, iyo qaabka looga shaqeeyo xafiisyada, hase yeeshee shaqadan cusub ee uu billaabay ay u tahay fursad uu ku dhiso karo waaya-aragnimadiisa si shaqooyin kale uu u raadsado mustaqbalka dhow.
“Meel kasta oo aad shaqo u doonataa xirfad iyo waayo aragnimo ayay ku waydiinaysa amma ma baratay field aad shaqo ka codsaneysa. Markaanad intaa isku hubin waan iska soo noqonayay, hadda waxaan garanayaa sida ganacsi loo abuuro ee aniga la iigu shaqeyn lahaa xiitaa haddaan shaqadan ka tago, markaa wax waliba waa ii baxsan yihiin maanta. Kaalintii qoyskayaga igaga aadaneyd ayaa galay”
Shaqooyinka ay dhalinyaradu ku shaqeynayaa tabarucaadka ayay ka baranayaan waayo-aragnimada shaqada.
Madaxa ururka Shaqo-doon, Xamse Maal Maal Cabdi ayaa u sheegay Raadiyo Ergo, in dhallinyarada Somaliland caqabadaha heysta ay kamid yihiin xirfadaha lagu shaqeysto oo aanay aqoon u laheyn iyo khibradda shaqada ay u leeyihiin oo hooseysa, taasina ay keento tirada dhallinyarada shaqo la’aanta oo badata.
Waxaa uu ka warramay sababihii ugu waa weynaa ee ay tababarka u qabteen iyo waxyaabaha ay filayaan in ay ka beddesho shaqo la’aanta heysata ardayda jaamacadaha.
“Cilmi ayuu baranayaa ardeygii laakiin shaqo ma baran taas ayaa keentay inay ku jaho wareeraan markay soo shaqo tagaan, caqabadaas oo jirta ayay shaqo doon waxay arrinta u qabatay in xal laga gaadho dhibaatada haysata dhalinyarada si ay shaqooyinka u helaan ama iyagu u sameysteen goobo loogu shaqeeyo”.
Cabdinaasir Xasan Nuur oo isna 29 jir waxaa uu kamid yahay dhallinyarada helay fursado shaqo carbin ah, horraantii toddobaadkan ayuuna ka billaabay xarunta Network ee ka shaqeysa xuquuqda haweenka. Shaqo carbinta uu helay waxaa uu ka qaadan doonaa lacag gunno ah oo dhan iyadoo uu ka kororsan doono waaya-aragnimo iyo habka loo shaqeeyo.
Cabdiqaadir ayaa bishii June ee sanadkan dhameystay waxbarashada jaamacadda Hargeysa, isagoo bartay cilmiga dhaqaalaha. Wuxuu sheegay in tan iyo markii uu jaamacadda dhameeyey iyo intii ku jirayba uu shaqo raadin jiray, laakiin codsi kasta oo shaqo laga diidi jiray sababaha ugu badanna ay aheyd khibrad shaqo oo uusan laheyn.
“Culeyskii shaqada waxbaan kasoo bartay, waa la ii carbiyay inaan shaqeysan karo sidaasi ayaan ugu dhiiraday inaan shaqadan qabto, runtii jaamacadaha lanaguma barin sida loo shaqeysto oo caqabad na hortaagan ayay ahayd, Ilaahay ayaa mahadle mar haddii aan shaqo galay anigoo xirfadeedii garanaya”ayuu Yidhi.
Inkasta oo dhalinyarada jaamacadaha kasoo baxa aanay suuqa la iman xirfado ay ku shaqo tagi karaaan haddana waxaa uu aaminsanyahay Mukhtaar Jaamac Muxumed oo ah dhaqaalayahan u dooda arrimaha bulshada in ay muhim tahay in dhallinyarada marka ay jaamacadaha dhameeyaan ama ay shaqo raadis ku jiraan lala raadiyo shaqo oo laga caawiyo sidii ay shaqo buuxda ama mid shaqo carbin ah ku heli lahaayeen si buu yiri ay taas hoos u dhigto tirada dhalinyarada jaamacadaha kasoo baxa ee shaqo la’aantu hayso.
“Jaamacadaheenu ma baraan dhalinyarada siddii uu shaqo u abuuran, waa arin muhiim in ay helaan goobo shaqada loogu carbiyo, qofkii ayaa shaqadii baranayay, waxay yareynaysaa arrintani in shaqada marwalba si wacan ay u galeen oo waxkasta isku dayaan, marka tababar noocan oo kale la siiyo fadhigii ayaa ku yaraanayaa oo qofkii shaqo abuur ayuu marwalba ku dhiirinayaa”.
Dhalinyarada shaqo la’aanta ee Somaliland ku nool waxaa lagu qiyaasa lix boqol oo kun oo dhalinyaro ah, 50% kamid ah tiradaas waa dhallinyarada ka soo baxda jaamacadaha Somaliland tobankii sano ee lasoo dhaafay sida ay shegtay wasaarada qorsheynta ee Somaliland.










