Magaalada Hargeysa dhallinyaro badan oo dhameysa jaamacadaha ma shaqeeyaan, arrintaas oo sababaha loo aaneeya ay kamid tahay loo shaqeeyeyaasha oo dadka shaqooyinka soo codsada ku xira waaya-aragnimo.
Haddaba si looga baxo caqabadaas ay dhallinyarada la kulmaan ayaa qaar badan waxay raadsadaan sidii looga caawin lahaa in ay helaan fursado shaqo carbin ah oo ay ku shaqo bartaan si markaas kaddib ay shaqooyin rasmi ah u helaan.
Dhallinyarada qaar ayaa helay fursado noocaas oo kale ah sida uu sheekadan ku faahfaahinayo weriyaha Raadiyo Ergo ee Hargeysa, Ilyaas Cabdi Cali.










