(ERGO) – Deeqo Saleebaan Xaashi oo 30 jir ah, waxay maqaayad shaaha laga cabo ku leedahay xerada qaxootiga Xagardheer ee Dhadhaab. Maalin walba waxay shaqaysaa in ka badan 12 saacadood oo xiriir ah. Marka ay shaah karinta bilowday 10 sano kahor, waxay iskuulka uga hartay fasalka toddobaad, kaddib markii ay isku wadi wayday shaqada iyo waxbarashada.
Shaqada ay hayso, waxaa ku tiirsan nolosha qoyskeeda oo ka kooban 12 qof oo isugu jira hooyadeed, waalaheed, iyo afar caruur ah oo uu dhalay walaalkeed oo shaqo la’aan ku ah xerada.
Waxay qoyskeeda guri uga dhistay magaalada Kismaayo 2017-kii, oo kasoo barakaceen 2008-dii, si haddii ay qaxootiga dib uga laabtaan ay ugu noolaadaan guri hanta ah oo leeyihiin.
Mudadaas waxay waxbarasho ka bixisay afar wiil iyo gabar la dhalatay oo isugu jira qaar iskuullo dhammeeyey iyo kuwa wali dhigta heerarka kala duwan ee jaamacadaha. Yuusuf Saleebaan Xaashi wuxuu hadda heerka saddexaad ee jaamacadda (PHD-da), ku diyaariyaa waddanka Turkiga oo uu ku helay si lacag la’aan ah. Deeqa ayaase ka bixisay waxbarashadiisii heerarka koowaad iyo labaad ee jaamacadda oo uu ku qaatay waddanka Uganda. Lacag $7000 ayay ku bixisay mudadaas oo ay ku jirto biilkii uu qaadanayay intii uu waxbarashada ku jiray.
Yuusuf oo aan taleefanka kula xiriirnay wuxuu Ergo u sheegay in marnaba qorshuhu ahayn in Deeqa ay ilaa xilligan sii shaqeyso, hase ahaatee duruufaha ka jira xeryaha Dhadhaab oo aan u suuragelin in xubnaha kale ee qoysku shaqeeyaan iyo isaga oo weli ku guda jira waxbarashadiisii ay sabab u tahay in ilaa hadda nolosha qoyskoodu ay kusii tiirsanaato shaqada ay Deeqo hayso.
Wuxuu sheegay in qorshihiisu ahaa marka uu dhammeeyo jaamacadda heerka labaad uu shaqo bilaabo hase ahaatee uu helay fursad kale oo ah deeq waxbarasho oo laga yaabo in aanay mar kale soo marin.
“Runtii maanta heerka aan joogo ama kaalinta aan joogo masoo gaareen Deeqa la’aanteed,” ayuu yiri Yuusuf.
Deeqa oo Raadiyo Ergo la hadashay ayaa sheegtay inay shaqadan sii wadi doonto inta uu qofkale oo walaaleheed uu shaqo bilaabayo, isla markaana uu kala wareego masuuliyadda qoyskooda oo weli u baahan taageero dhinaca nolosha ah, kaddibna ay ka nasan doonto. Waxay intaas ku dartay inay muddo dheer taageero buuxda la garab taagnayd qoyskeeda.
Deeqo waxay sidoo kale shaqo-abuur u samaysay labo gabdhood oo shaaha la kariya oo ay middiiba mushahar usiiyo bishii lacag dhan 12,000Ksh oo u dhiganta ($120).
Dadka xeryaha qaxootiga Dhadhaab ku nool oo aanay ku filnayn kaalmada raashinka ah ee ay ka helaan hay’adaha samafalka oo qofkiiba uu bishii helo 3.5 kiilo oo sareen iyo moordi isugu jira, ayaa halgan ugu jira sidii ay u maarayn lahaayeen noloshooda. Shaqooyinka ay haweenku qabtaan ayaana ah kuwa ay qoysas badan ku tiirsan yihiin.










