Xilli 13 bil laga joogo markii ganacsatada magaalada Baledweyne ay diideen inay wax ku iibsadaan lacagta shilinka Soomaaliga oo ay u sababeyeen lacag badan oo been abuur ah suuqa soo gashay ayaa magaalada laga bilaabay isticmaalka lacagta doolarka Maraykanka gaar ahaan tan teleefanada gacanta lagu qaato ee EVC-ga loo yaqaano taas oo keentay jahwareer baahsan.
Warbixintan waxaa diyaarisay soona jeedinaysa weriyaha Raadiyo Ergo Leyla Cabdi Maxamed









