Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hargeysa: Somaliland oo aan barakac u aqoonsayn dadka koonfurta Soomaaliya ka yimaada

Radio Ergo by Radio Ergo
August 30, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii laga burburiyay xeryaha KM 13 oo weli bannaanka daadsan

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas ka soo barakacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ku nool xeryaha barakaca ee ku yaalla dhanka bari ee magaalada Hargeysa ayaan helin adeegyada aasaasiga, iyadoo ay sababtu tahay in aysan Somaliland u aqoonsaneyn inay yihiin dad gudaha ku barakacay.

Hogaamiyeyaasha xeryaha ayaa sheegay in 771 qoys ay ku nool yihiin xeryaha Nasa-Hablood A iyo B. Aaggan oo dadka deegaanka ay sidoo kale u yaqaannaan Istanbul waa dhul engagan oo boorka uu ku badan yahay oo ku yaalla duleedka magaalada. Keliya aqallo cooshado ah iyo jiingado ayay dadku ka dhisan karaan goobahan, taas oo ay ugu wacan tahay dadka dhulka leh oo aan oggoleyn inay dhismeyaal waaweyn ka sameystaan.

Qoyska Shariif Cismaan Geelle oo ka soo barakacay Afgooye ayaa ka mid ah qoysaska  ka yimid koonfurta Soomaaliya ee xeryahan deggan. Qoysaskaan wax aqoonsi ah ma haystaan oo ay ku heli karaan adeegyada asaasiga ah ee ay helaan dadka kale ee barakacay.

Shariif ayaa Radio Ergo u sheegay in ay ku adag tahay helista 2,000 oo shilinka Somaliland ah ($0.25) oo ah lacagta uu ku iibsan karo labaatanka liitar ee biyaha ah oo ah waxa ugu yar ee uu maalintii u baahan yahay. Markii ay xaaskiisa dhashay cunnuggoodii ugu dambeeyay wuxuu ku qabsanaaday inuu bixiyo $30, maaddaama uusan fursad u heli karin adeegyada caafimaad ee sida bilaashka ah ay ku helaan dadka kale ee gudaha ku barakacay.

Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa kaararka aqoonsiga siisa dadka soo barakacay kaddib marka ay iska diiwaan geliyaan ha’yadda Barakaca iyo Qaxootiga ee Somaliland. Sidoo kale xafiiska UNHCR ee Hargeysa ayaa qaxootiga siiya kaarar aqoonsi ah.

Shariif ayaa xusay inuu jeclaan lahaa inuu dib ugu noqdo degmada Afgooye oo gobolka Shabeellaha hoose ah, halkaas oo sanadkii 2012 uu uga soo barakacay colaad, hase yeeshee ma haysto lacag uu ku guuro ama uu dib ugu billaabo noloshiisii halkaas.

Cabdi Bade Yuusuf oo ah guddoomiyaha xerada barakaca ee Naasa-hablood B ayaa tilmaamay in 26 qoys oo ka tirsan 231 qoys oo deggan xeradaas aanay haysan kaarar aqoonsi ah, sababtuna waa in ay ka yimaadeen koonfurta Soomaaliya.

Sahan ay sanadkii 2016 sameysay wasaaraddii Dib-u-dejinta Somaliland ayay ku sheegtay in 50,000 oo qoys oo ay ku tilmaantay ‘qaxooti’ ka yimid koonfurta Soomaaliya, Yemen iyo Itoobiya ay ku nool yihiin xeryo kala duwan oo Somaliland ku yaalla.

Hay’adda madaxa-bannaan xuquuqda aadanaha ee ka shaqeysa gudaha Somaliland (Human Rights Center) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka koonfurta Soomaaliya ka yimid ay u nugul yihiin dhibaatooyinka sida tacaddiyada ku saleysan jinsiga.

Hay’addu waxay sheegtay in gabar dhimirka ka xanuunsan sanadkii hore lagu kufsaday xerada Naasa-hablood B. Kiiskaas lama ogeysiinin laamaha ammaanka, oo ehelada gabadhaas oo ka yimid koonfurta Soomaaliya uma aysan tagin booliska, iyagoo ka cabsaday in dhib intaas ka badan loo geysto.

Guuleed Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha hay’adda ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay muhiim tahay in dadkaas loo aqoonsado barakac ama qaxooti, si ay u helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin. Dadka qaar waxay xeryaha lagu barakacay ee Hargeysa ku biireen siddeed sano ka hor welina ma kala cadda xaaladdooda barakac ama qaxooti.

Previous Post

Sheybaar la marsiinayo xoolaha la qalanayo oo laga hirgeliyay Baydhabo

Next Post

Barnaamijka Gobaad

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post

Barnaamijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo