Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dugsi sare oo cusub oo laga furay deegaanka Duruqsi ee gobolka Togdheer

Radio Ergo by Radio Ergo
August 28, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dhegeyso barnaamijka Dalan-dool ee halisa tahriibka

Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

250 arday oo ku nool deegaanka Duruqsi ee gobolka Togdheer, dugsiga sarena ka dhiganayay degmada Balli-dhiig ayaa muddo toban maalmood ah wax ka dhiganaya dugsi sare oo looga furay Duruqsi.

Dugsiga oo ka kooban sagaal fasal labo ka mid ah ayaa loogu talagalay in ardaydu seexdaan,wuxuu leeyahay cunno iyadoo ardaydu ku noolaanayaan inta ay waxbaranayaan. Waxy isugu jiraan ardayda dhigta dugsigan kuwo dhiganayay iskuullo ku yaalla burco iyo deegaanno kale.

Lixdan carruur ah oo sanadkii hore waxbarashada dhameystay ayaa afartan ka tirsani ka hadheen waxbarashada kuwaasi oo hadda labaatan ka mid ah dib  ugu soo laabteen dugsigan.

Sacad Maxamed Qowdhan Guddoomiyaha guddida dhismaha dugsiga sameeyay  ayaa sheegay in si tayada waxbarashada ardayda kor loogu qaado ay dugsiga ka dhigeen mid la joogo si ay ardaydu waxbarashada u ilaashadaan oo aanu ku mashquulin waxyaabaha kale ee ka jira deegaanka sida in aanay waxbarashada ka guurin dhalinyaaradu markay ay reeruhu u guuraan daaq raaca ama abaaraha.

Deegaankan oo 56 sano lahaa dugsi hoose/dhexe ayaa ardayda dhameeya dugsiga dhexe waxay dugsiga sare u aadi jireen magaalooyinka Balidhiig iyo Burco, waxaana qurbe-joog kasoo jeeda deegaanka ay dugsigan sare iskaa wax u qabso uga dhiseen deegaanka.

Farxaan Jaamac Muuse oo fasalka labaad ee dugsiga sare ka baranayay Ballidhiig oo labo saac uu u sii lugeynayay subax kasta  ayaa dhiganaya dugsiga Qowdhan ee laga furay sagaal iyo tobankii bishan deegaanka Duruqsi oo markii u horeysay dugsi sare yeelatay.

Hadda wuxuu ku faraxsanyahay in deegaankaasi uu si fudud wax uga baranayo, Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in waqti badan ay ku qaadan jirtay inuu waxbarasho helo.

“Meel naga fog ayaan wax ka baranayay nagu dhib ayay ahayd oo gaadhina uma baxayn lug ayaa ku tagaysay oo aad kaga imanaysay, waxaan rajeynayaa in si wanaagsan oo bilaa rafaad ah hadda kaddib aanu wax u baran doono,”ayuu yidhi Farxaan.

Farxaan waxaa uu sheegay in baahi ay u qabeen dugsigan, maaddaama ay dhib ku haysay fogaanshaha dugsiga ay hore u dhigan jireen, hadda fasalkiisa oo ka kooban labaatan arday waxaa ay si caadiya u wadaan casharada fasalka labaad ee dugsiga sare. Raadiyo Ergo ayuu uga waramaya dhibaatada ay ku qabeen dugsigii masaafada fogaa u jiray.

“Markii hore Burco ayaan tagay xaafad sabool ah ayaan ku degay, nolloshii ayaa igu adkaatay nususaacihii, direyskii iyo buugaagtii ayaa la iga bixin kari waayay markaasi kadib ayaan kusoo noqday tuulada oo aan Balidhiig tagay, dulsaan ayaan noqday oo nolosha ayaa igu adkaatay runtii, socodkii iyo dhibaatadii dugsiga aan usoo wareegay howl kasta hala haatee waxaan ku noolaa gurigeyag”

Farxaan fogaanshaha dugsiga waxaa uu kala kulmay in xiisada dugsiga uu ka habsaamo taasina ay keentay in casharadu dhaafaan oo loogu soo celin waayo, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in casharada dhaafayaa ay keenayaan in maalin kasta uu ka tago dugsiga isagoo ka niyad jabsan xiisada uu waayay maalintaasi.

Lixda Subaxnimo ayay guriga ka bixi jireen ardaydu, waxay dugsiga gaari jireen Siddeeda subaxnimo ilaa siddeeda iyo badhka mar Xaali Xirsi oo ah hooyo shan iyo afartan jir ah waxay sanadkii hore gabadheeda oo dhameysay dugsiga hoose dhexe ee deegaanka waxbarasho sare u geysay qoys ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada Burco, waxay sheegtay inay kala fogaadeen gabadheeda oo ay ahayd in waalidkeed la joogto, markii dugsi sare ay wayday ayay dantu ku qasabtay inay meel kale u rarto.

“Gabadheydii ayaanu kala qaaranay anigu qof weyn ayaan ahay oo kamaan maarmeen, walaahi wax hasii dhigato ayaan lahaa kuwan deegaanku la geeyo way ku fogyihiin cabsina way ka qabtay inay lugeyso.”

Hadda Todobaadkii hore ayay kusoo celisay dugsiga deegaankeeda laga furay, waxaay sheegtay inay ku faraxsantahay in xal loo helay dhibaato sanadkii hore ku kaliftay in gabadheeda ay ka kaxayso deegaanka ay ku nooshahay.

Ubax Cabdi Haybe oo ah toddobo iyo toban sano jir ku nool Duruqsi oo  fasalka saddexaad ka dhiganaysay Ballidhiig waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inaanay marna filayn in loo dhiso dugsi ku yaalla deegaankooda.

Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in aadista dugsigii hore ay cabsi ku haysay maaddaama ay sii mari jirtay dhul baadiyaha oo dugaag ku nool yahay, waxay xustay in dugsigan ay badalka u soo qaadatay oo hadda ay ku jirto si usii wadato waxbarashada. Waxay xusay in sanadkii hore iyadoo dugsiga kusii socota ay uu maalin dhan eryanayay nin waalan oo ay damacday inay joojiso waxbarashada.

 “Ardeyda kale haddii ay kaa hortagaan waad iska joogaysay xayawaanka iyo cid kasta oo meelahaas joogta ayaa ku dhibaateyn ayaan  ka cabsi qabay hadda dugsigu waxba uma jiro guriga oo waan ka nasanayn socodkii dheeraa”

Ururka Horumarinta deegaanka Duruqsi oo ay ku midoobeen dadka deegaanadaasi kasoo jeeda ayaa dhameystiray dhammaan qalabka iyo dhismaha dugsiga, waxaana ay maamulka dugsiga ku wareejiyeen wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland.

 Sacad Maxamed Qowdhan Guddoomiyaha guddida dhismaha dugsiga sameeyay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhallinyarada deegaanka oo waxbarashada kusoo badanaysa iyo waxbarashada sare oo aanay haysan ay ku kaliftay inay sameeyaan dugsiga sare.

Wuxuu “Laba kun oo arday  oo deegaanka waxbarasho ku jira in ay dugsi sare la’aan qabsato way noo fiicnaan wayday sidaasi markii ay noqotay ayaan howshan galnay si dhibaatada aan Meesha uga saarno, walaahi Alle wuu nagu guuleeyay maantana dhalinyaradii deegaanku waxbay baranayaan oo dhibtaasi ma qabaan”

Guddoomiyaha degmada Duruqsi Axmed Gaabyoone wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in dhalinyarada deegaanka ay ku adkaatay inay waxbartaan markay ka dhameysataan dugsiga hoose dhexe taasina ay ku noqotay caqabad ay wax lagu sii baran karo oo ka socota deegaanka. oo hadda ku biiray dugsigan.

 “Jiil dhan oo waxbartay ayaa markaliya Meesha ka baxayay oo markuu dugsigu ku dheeraado meel kale iskaga tagayay ama dhibaato ku qabay inay socod badan sameeyaan Ilaahay naga soo gaadhay ayaa mahadleh, dowladda.

Wasaarada waxbarashada Somaliland waxay bixinaysaa lacagta ku baxaysa macalimiinta waxaana dugsiga ay ku dartay kuwa ay aqoonsatay ee waxbarashada sare laga dhigto ee ku yaala deegaanada gobolka Togdheer.

Previous Post

Togdheer: Arday ka faa’iideysanaya dugsi sare oo looga furay deegaankooda

Next Post

Boqollaal beeraley oo ka barakacay colaadda Shabeellaha dhexe oo gaaray xeryaha Muqdisho

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Kumanaan oo qoys oo ku dhibaataysan Tiyeeglow

Boqollaal beeraley oo ka barakacay colaadda Shabeellaha dhexe oo gaaray xeryaha Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-AUG-2026

IDAACADDA 25-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo