Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal beeraley oo ka barakacay colaadda Shabeellaha dhexe oo gaaray xeryaha Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
August 28, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Kumanaan oo qoys oo ku dhibaataysan Tiyeeglow

Barkacayaal/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO): Dagaal ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Al-Shabaab maalmahan ku dhexmarayey deegaanka Basra, oo 15-km  dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa ku khasbay in ay guryahooda ka barakacaan 600 oo qoys oo beeraley ah.

Qoysaskan ayaa tobankii maalmood ee u dambeeyey soo gaaray kaamka Nasteexo oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, sida uu  Raadiyo Ergo xaqiijiyey guddoomiyaha degmadaas, Maxamed Ismaaciil. Qoysaskan ayaa la dejiyey guryo cooshado ka sameysan oo ku dhex-yaalla kaamka.

Xabiibo Cali Aadan waa hooyada shan carruur ah waxay iyada iyo qoyskeeda yimaadeen xerada Nasteexo 19-kii bishan. Dagaal ka dhacay Basra ayaa sababay in iyada iyo saddex carruurteeda ah ay u soo qaxaan Kamxda.

Labo wiil oo ay dhashay iyo aabahoodna uu midba meel gooni ah u baxsaday, markii uu dagaalku dhacay.  Inkastoo aysan si cad u ogeyn meesha ay hadda ku sugan yihiin, haddana dad ay ehel yihiin oo ay xiriirtay ayaa u sheegay in ay joogaan deegaanka Sabiid oo degmada Afgooye u jira 10-km dhinaca koonfureed.

Xabiibo qoyskeedu waxay deegaanka ay ka soo barakaceen ee Basra ku lahaayeen beer, iyo dukaan ay ku iibin jirtay raashinka iyo khudaarta cagaaran.

Xerada ay qoysaskan soo degeen ma jiro wax gargaar ah oo laga bixiyo, ilaa haddana cid u gurmatay barakacayaashan cusub ma jirto marka laga reebo in dadkii xerada sii deganaa ay siiyeen qoysaskan guryo ay degaan oo qoyskiiba hal guri la siiyey.

Si ay carruurteeda ugu hesho nolol ayey Xabiiba markii ay timid kaamka Nasteexo waxay billowday shaqo dhar dhaqid ah – iyadoo subax subax xaafadaha kale ee magaalada ka raadiso cid ay dhar u dhaqdo, waxayna maalintii ay shaqeyso heshaa $5.

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ee ay qoysaskan yimaadeen, ayaa sheegay in awoodooda keliya ay ku kooban tahay in qoysaska soo barakacay ay siiyaan guryo ay degaan, iyagoo la kaashanaya dadka kaamka Nasteexo ku nool.

“Xilligii ay dadkan goosan lahaayeen  beeraha ay beerteen bishii April ee sanadkan ayey soo barakaceen. Dadku ma aheyn dad abaar ka soo barakacay ,waa dad colaadaha ka soo barakacay. Noloshooda aad bay u liidataa 100%. Guryaha ay heleen ma ahan ,wax kale oo u dheer ma jiraan”. Sidaas waxaa yiri guddoomiyaha degmada Maxamed Ismaaciil.

Caasho Cabdi Isaaq waa hooyada sagaal carruur ah oo aabbahood ku dhintay duqeyn ka dhacay deegaanka Basra billowgii bishan, waxaa ay timidka kaamka afar cisho ka hor.

Waxa ay sheegtay in iyada iyo carruurteeda ay u soo lugeynayeen kaamka ilaa saddex maalmood kaddib markii ay weysay fursad ay lacago ama raashin ku soo qaadato markii mar qura dagaal uu ka qarxay. Deegaanka ay ka soo lugeeyeen ee Basra wuxuu u jiraa Muqdisho ilaa 55 Km.

Waxay ku laheyd Basra dukaan alaabaha bakaasha lagu iibin jiray iyo beer lix hektar. Hal wakhti oo kamid ah saddexda wakhti ee wax la cuno ayey hadda carruurteedu helaan, waxaana ku caawiyo horjoogaha kaamka ay soo degtay.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cabdinuur Furdug oo isna la hadlay Raadiyo Ergo, ayaa sheegay in ay jiraan qoysas kale oo ka soo barakacay tuulooyin kale oo soo gaaray Balcad cabsi ay ka qabaan in ay waxyeello ka soo gaarto colaadda gobolka ka taagan.

Deegaanka Basra oo wali ay dagaalladu ka socdaan waxaa jira ilaa 50 qoysas oo ku haray, kuwaasoo  sheegayo in ay dantu bidday in ay sii joogaan deegaankooda.

Previous Post

Dugsi sare oo cusub oo laga furay deegaanka Duruqsi ee gobolka Togdheer

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-AUG-2026

IDAACADDA 25-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo