Toddobaatan ardayda wax ka baratay dugsiyada hoose/dhexe ee degmada Doolow ayaa 4-tii bishaan markii ugu horreysay waxbarashada dugsiga sare ka billabay iskuul degmada laga hirgeliyey. Horay ardaydu waxay waxbarashada dugsiyada sare ugu doonan jireen wadamada Itoobiya iyo Kenya oo ay deris la tahay magaladaani, ayna ardayda iyo qoysaskooduba dhibaatooyin ku qabeen.
Toddobo iyo afartan ka tirsan ardaydaan waa kuwii ka soo barmoosay laba dugsi hoose/dhexe oo ku yaalla degmada, halka inta kalena ay yihiin ardaydii horay u wayday fursado dugsi sare inay u aadan wadamada deriska.
Macallin Farxaan waa madaxa waxbarashada ee Doolow wuxuu sheegay in dhismahaan oo ka kooban lix fasal iyo labo qol oo maamulka ah ay ku baxday 60 kun oo doolar, dhaqalahaasna ay bixiyeen qurbo joog iyo dadka ganacsatada ee degmada.
“Iskuulka waxaa loogu talo-galay in uu qaado 180 arday, mushaharka macallimiintana sanadka hore jaaliyadii iyo ganacsatadii dhistay ayaa ballan qaaday inay bixinayso, ardayduna lacag la’aan ayay wax ku baranayaan” Ayuu yiri Farxaan.
Macalin Farxaan wuxuu sheegay in 41 dugsi hoose ay ku yaallaan degmada Doolow ayna 2 iskuul keliya sanadkaan sameeyeen imtixaanaadka fasalka sideedaad, halka kuwa kale ardaydu aysan wax imtixaanad ah samayn, taasoo uu ku sababeeyey dugsi sare la’aanta ka jirta degmada ay ardayda dugsiyadaas dhiganaysay marka ay soo gaaraan fasalka lixaad ay isaga harayeen waxbarashada.
Ardayda loo diro waddamada deriska ah ayaa ku qabay dhibaato markay u doontaan waxbarasho, waalidku waxay u diraan qoysas ehelkooda ah, qaar kale qolal ayay uga kireeyaan magaalooyinka Doolow-Cado iyo Mandeera, halka kuwo kalena ay subaxii u kalahaan Doolow-Cado oo Itoobiya ah, iyagoo goynaya xuduudka oo ay saaran tahay buundo.
Diiriye Axmed Faarax waa 20 jir, wuxuu ka mid yahay ardayda waxbarashada dugsiga sare subax kasta u gudbi jirtay Doolow-Cado. Diiriye oo sanadkaan dhammeeyey fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Doolo-Cado ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in markii uu tegay iskuulkaas inuu ku biiro uu caqabad kala kulmay.
“Maamulka iskuulka waxay ku oranayaan dugsi hoose kamaad soo dhamayn Itoobiya gudaheeda, qof ajaanib ah ayaad tahay, marka ma aqbalayno wadan kale qof ka yimid, dood dheer kadib marka aan sharaxno sababta aan waxbarashada usoo doonanay inay tahay dugsi sare la’aan ka jirta Doolow ayay ogolanayaan” Ayuu yiri.
Diiriye wuxuu afartii sano ee dugsiga sare subax kasta ka kalahayey masaafo 6 km ah oo uu u jiro iskuulka sare ee uu gudaha Itoobiya ka dhiganayay.
“Maalintii 100 bir lacagta Itoobiya ah una dhiganta 3 dollar ayaa igu baxaysay gaari raaca sii socod iyo soo socod iyo qadada” Ayuu yiri.
Diiriye qoyskoodu waa dan yar waxayna ka kooban yihiin 7 qof, hooyadii Maryan Cismaan ayaana miis ay ku iibiso bagaashka nolosha qoyska uga soo saarta, inkastoo iskuulka Doolow-Cado uu ka dhiganayay aan wax lacag ah laga qaadayn.
“In badan lacagtaan waan waayi jiray waxayna danta igu khasbaysay inaan lugeeyo 2 saacadood oo sii socod ah iyo 2 soo socod ah” Ayuu yiri Diiriye.
Iskuulka hadda la furay ayaase hadda ardayda Doolow ku nool siinaya fursad ay uga badbaadaan caqabadahaas horay u haystay
Fatxi Cali Dool waa gabar 17 jir ah, waxay kaalinta labaad ka gashay imtixaanadkii fasalka sideedaad ee sanadkaan oo 47 arday ay galeen degmada Doolow.
Fatxi waxay ka mid tahay ardayda fursadda u heshay inay sanadkaan ku biiraan dugisiga sare ee cusub ee hadda Doolow laga billaabay.
“Annaga qoyskeenna waa 11 carruur ah, aabahay ayaa wax aan badnayn ka qaato $150 doolar goob ganacsi oo uu ka shaqeeyo,” ayay tiri.
Waxay sheegtay in ay ku faraxsantahay fursaddaan ay heshay, dugsigaan sare la’aantiisna aysan rajaynayn inay hesho waxbarasho, aysanna qoyskeedu u direen meel kale inay wax ka soo barato, dhaqaale ahaanna aysan u awoodiin, gabar ahaanna aysan suurto gal u ahayn.
“Waxaan rajaynayaa inan gaaro heer jamacadeed oo aan barto dhakhtarnimo ama macallinimo, oo dadkayga wax u qabto,” ayey tiri.
Fatxi waxay sheegtay in gabdhihii ay fasalka koowaad ee dugsiga hoose ay isla bilaabeen ay ka wada baxeen, fasalkeeda oo tirada ardayda dhigataa ahayd 26, keliya lix ay gabdho kaga ahaayeen.
“Gabdhihii way iska wada niyad jabeen, waayo waalidka uma dirayaan meelo kale inay gabadhooda u aado waxbarasho ama inay reer kale dulsaar uga dhigaan, Doolowna ma lahayn dugsi sare arrimahaas ayaana ahayd dhibaato u keenay niayd jabka, oo markay sida wax loo qoro bartaan ayey isga baxayeen iskuulka” ayay tiri
Waxayna intaas ku dartay in hadda dugsigaan sare uu u abuuray gabdhaha reer Doolow rajo ay waxbarasho ku heli karaan.
Liin Shaaciye waa hooy 48 jir ah waxay dhashay lix carruur ah, laba wiil ayaa sanadkaan uga soo baxay dugsiga hoose dhexe ee Doolow. Cabdicasiis Ibraahim Xasan oo ah 14 jir ay dhashay Liin ah wiilka 47-da arday ee sanadkaan Doolow fasalka siddeedaad imtixaanka u fariistay kaalinta koowaad u galay.
“Waxaan dareemayaa laba farxadood, wiilkayga oo kalinta koowaad galay iyo dugsigii ugu horreeyay ee sare ee lanooga furay Doolow oo labadaydii wiil u heleen fursad waxbarasho,” ayay tiri Liin.
Waxay sheegtay in odayga qoyska oo ka shaqeeya dukaan ganacsi uu bishii ka qaato 250 dollar, taasina aysan dhaafsiisnayn nolosha qoyska, iskuulkaan hadda la furay la’aantiisna aysan u hesheen waxbarasho dugsi sare labadeeda wiil.
“Doolow aad ayay ugu badan yihiin carruuraha loo diray Itoobiya iyo Kenya, qoys ila deris ah wiil ayaa ugu maqan Mandeera oo dugsi sare ka dhigta, bishiina waxay u diraan 200 oo dollar, oo ah jiifka iyo waxbarashada,” ayay tiri Liin.
Macallin Farxaan oo ah madaxa waxbarashada ee Doolow wuxuu sheegay in hadda 8 macallin ay u qoreen iskuulka, jaaliyadihii iyo ganacsatadii bixisay dhaqaalaha ku baxay dhismaha iskuulka ayna sanadka u horreeya sii wadayaan mushaharka iyo dhaqaalaha iskuulka ku baxaya oo dhan $6 kun oo doolar bishiiba, kaddibna wasaaradda waxbarashada ee Jubaland ay la wareegi doonto hashiisa.
Degmada Doolow xuduudaha is gooyo ka sokow waa barta ay ku kulmaan labada webi ee Daawo oo ka soo baxa dhinaca Kenya iyo Jubba oo ka yimaadda Itoobiya, waxayna dadkeedu yihiin xoolo dhaqato iyo beeralay. Xilligii dawladihii hore waxay ardayda dugsiyada hoose dhamaysaa dawladdu u qaadi jirtay degmada Garbahaarrey oo Doolo u jirta 90 km.









