Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Doolow: 74 arday oo ku biiray dugsi sare oo markii u horreysay laga hirgeliyay degmada

Radio Ergo by Radio Ergo
August 9, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Toddobaatan ardayda wax ka baratay dugsiyada hoose/dhexe ee degmada Doolow ayaa 4-tii bishaan markii ugu horreysay waxbarashada dugsiga sare ka billabay iskuul degmada laga hirgeliyey. Horay ardaydu waxay  waxbarashada dugsiyada sare  ugu doonan jireen wadamada Itoobiya iyo Kenya oo ay deris la tahay magaladaani, ayna ardayda iyo qoysaskooduba dhibaatooyin ku qabeen.

Toddobo iyo afartan ka tirsan ardaydaan waa kuwii ka soo barmoosay laba dugsi hoose/dhexe oo ku yaalla degmada, halka inta kalena ay yihiin ardaydii horay u wayday fursado dugsi sare inay u aadan wadamada deriska.

Macallin Farxaan waa madaxa waxbarashada ee Doolow wuxuu sheegay in dhismahaan oo ka kooban lix fasal iyo labo qol oo maamulka ah ay  ku baxday 60 kun oo doolar, dhaqalahaasna ay bixiyeen qurbo joog iyo dadka ganacsatada ee degmada.

“Iskuulka waxaa loogu talo-galay in uu qaado 180 arday, mushaharka macallimiintana sanadka hore jaaliyadii iyo ganacsatadii dhistay ayaa ballan qaaday inay bixinayso, ardayduna lacag la’aan ayay wax ku baranayaan” Ayuu yiri Farxaan.

Macalin Farxaan wuxuu sheegay in 41 dugsi hoose ay ku yaallaan degmada Doolow ayna 2 iskuul keliya sanadkaan sameeyeen imtixaanaadka fasalka sideedaad, halka kuwa kale ardaydu aysan wax imtixaanad ah samayn, taasoo uu ku sababeeyey dugsi sare la’aanta ka jirta degmada ay ardayda dugsiyadaas dhiganaysay marka ay soo gaaraan fasalka lixaad ay isaga harayeen waxbarashada.

Ardayda loo diro waddamada deriska ah ayaa ku qabay dhibaato markay u doontaan waxbarasho, waalidku waxay u diraan qoysas ehelkooda ah, qaar kale qolal ayay uga kireeyaan magaalooyinka Doolow-Cado iyo Mandeera, halka kuwo kalena ay subaxii u kalahaan Doolow-Cado oo Itoobiya ah, iyagoo goynaya xuduudka oo ay saaran tahay buundo.

Diiriye Axmed Faarax waa 20 jir, wuxuu ka mid yahay ardayda waxbarashada dugsiga sare subax kasta u gudbi jirtay Doolow-Cado. Diiriye oo sanadkaan dhammeeyey fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Doolo-Cado ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in markii uu tegay iskuulkaas inuu ku biiro uu caqabad kala kulmay.

“Maamulka iskuulka waxay ku oranayaan dugsi hoose kamaad soo dhamayn Itoobiya gudaheeda, qof ajaanib ah ayaad tahay, marka ma aqbalayno wadan kale qof ka yimid, dood dheer kadib marka aan sharaxno sababta aan waxbarashada usoo doonanay inay tahay dugsi sare la’aan ka jirta Doolow ayay ogolanayaan” Ayuu yiri.

Diiriye wuxuu afartii sano ee dugsiga sare subax kasta ka kalahayey masaafo 6 km ah oo uu u jiro iskuulka sare ee uu gudaha Itoobiya ka dhiganayay.

“Maalintii  100 bir lacagta Itoobiya ah una dhiganta 3 dollar ayaa igu baxaysay gaari raaca sii socod iyo soo socod iyo qadada” Ayuu yiri.

Diiriye qoyskoodu waa dan yar waxayna ka kooban yihiin 7 qof, hooyadii Maryan Cismaan ayaana miis ay ku iibiso bagaashka nolosha qoyska uga soo saarta, inkastoo iskuulka Doolow-Cado uu ka dhiganayay aan wax lacag ah laga qaadayn.

“In badan lacagtaan waan waayi jiray waxayna danta igu khasbaysay inaan lugeeyo 2 saacadood oo sii socod ah iyo 2 soo socod ah” Ayuu yiri Diiriye.

Iskuulka hadda la furay ayaase hadda ardayda Doolow ku nool siinaya fursad ay uga badbaadaan caqabadahaas horay u haystay

Fatxi Cali Dool waa gabar 17 jir ah, waxay kaalinta labaad ka gashay imtixaanadkii fasalka sideedaad ee sanadkaan oo 47 arday ay galeen degmada Doolow.

Fatxi waxay ka mid tahay ardayda fursadda u heshay inay sanadkaan ku biiraan dugisiga sare ee cusub ee hadda Doolow laga billaabay.

“Annaga qoyskeenna waa 11 carruur ah, aabahay ayaa wax aan badnayn ka qaato $150 doolar goob ganacsi oo uu ka shaqeeyo,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in ay ku faraxsantahay fursaddaan ay heshay, dugsigaan sare la’aantiisna aysan rajaynayn inay hesho waxbarasho, aysanna qoyskeedu u direen meel kale inay wax ka soo barato, dhaqaale ahaanna aysan u awoodiin, gabar ahaanna aysan suurto gal u ahayn.

“Waxaan rajaynayaa inan gaaro heer jamacadeed oo aan barto dhakhtarnimo ama macallinimo, oo dadkayga wax u qabto,” ayey tiri.

Fatxi waxay sheegtay in gabdhihii ay fasalka koowaad ee dugsiga hoose ay isla bilaabeen ay ka wada baxeen, fasalkeeda oo tirada ardayda dhigataa ahayd 26, keliya lix ay gabdho kaga ahaayeen.

“Gabdhihii way iska wada niyad jabeen, waayo waalidka uma dirayaan meelo kale inay gabadhooda u aado waxbarasho ama inay reer kale dulsaar uga dhigaan, Doolowna ma lahayn dugsi sare  arrimahaas ayaana ahayd dhibaato u keenay niayd jabka, oo markay sida wax loo qoro bartaan ayey isga baxayeen iskuulka” ayay tiri

Waxayna intaas ku dartay in hadda dugsigaan sare uu u abuuray gabdhaha reer Doolow rajo ay waxbarasho ku heli karaan.

Liin Shaaciye waa hooy 48 jir ah waxay dhashay lix carruur ah, laba wiil ayaa sanadkaan uga soo baxay dugsiga hoose dhexe ee Doolow. Cabdicasiis Ibraahim Xasan oo ah 14 jir ay dhashay Liin ah wiilka 47-da arday ee sanadkaan Doolow fasalka siddeedaad imtixaanka u fariistay kaalinta koowaad u galay.

“Waxaan dareemayaa laba farxadood, wiilkayga oo  kalinta koowaad galay iyo dugsigii ugu horreeyay ee sare ee lanooga furay Doolow oo labadaydii wiil u heleen fursad waxbarasho,” ayay tiri Liin.

Waxay sheegtay in odayga qoyska oo ka shaqeeya dukaan ganacsi uu bishii ka qaato 250 dollar, taasina aysan dhaafsiisnayn nolosha qoyska, iskuulkaan hadda la furay la’aantiisna aysan u hesheen waxbarasho dugsi sare labadeeda wiil.

“Doolow aad ayay ugu badan yihiin carruuraha loo diray Itoobiya iyo Kenya, qoys ila deris ah wiil ayaa ugu maqan Mandeera oo dugsi sare ka dhigta, bishiina waxay u diraan 200 oo dollar, oo ah jiifka iyo waxbarashada,” ayay tiri Liin.

Macallin Farxaan oo ah madaxa waxbarashada ee Doolow wuxuu sheegay  in hadda 8 macallin ay u qoreen iskuulka, jaaliyadihii iyo ganacsatadii bixisay dhaqaalaha ku baxay dhismaha iskuulka ayna sanadka u horreeya sii wadayaan mushaharka iyo dhaqaalaha iskuulka ku baxaya oo dhan $6 kun oo doolar bishiiba, kaddibna wasaaradda waxbarashada ee Jubaland ay la wareegi doonto hashiisa.

Degmada Doolow xuduudaha is gooyo ka sokow waa barta ay ku kulmaan labada webi ee Daawo oo ka soo baxa dhinaca Kenya iyo Jubba oo ka yimaadda Itoobiya, waxayna dadkeedu yihiin xoolo dhaqato iyo beeralay. Xilligii dawladihii hore waxay ardayda dugsiyada hoose dhamaysaa dawladdu u qaadi jirtay degmada Garbahaarrey oo Doolo u jirta 90 km.

Previous Post

Laascaanood: Xoolo-dhaqato ka cabanaya bacda ku jira qashinka lagu daadiyo dooxooyinka xooluhu daaqaan

Next Post

Xoolo dhaqato ka barkacday duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay Gedo

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post

Xoolo dhaqato ka barkacday duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo