Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Laascaanood: Xoolo-dhaqato ka cabanaya bacda ku jira qashinka lagu daadiyo dooxooyinka xooluhu daaqaan

Radio Ergo by Radio Ergo
August 9, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Laascaanood: Xoolo-dhaqato ka cabanaya bacda ku jira qashinka lagu daadiyo dooxooyinka xooluhu daaqaan

Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aadan Axmed Cilmi waa xoolo-dhaqato ku nool deegaanka Canjiid oo ah dooxo xooluhu daaqaan oo 12 km waqooyi uga beegan magaalada Laascaanood. Muddo labo bilood gudahood ah ayuu ku waayay 10 neef oo Ari ah, kuwaas oo u dhintay sababo uu ku sheegay baco ay cuneen. Xoolahaas ka dhintay waxay ka tirsanaayeen 25 neef oo abaarti uga soo badbaaday.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in neefka marka uu cuno bacda uu yeelanayo calaamado ay ka mid yimiin dhogorta oo isbadesho, in neefku madoobaado, inuusan daaqin, caloosha oo weynaato iyo in neefku afka uu dhulka u dhoweeyo ilaa uu ka dhinto.

Aadan wuxuu sheegay inay tahay dhibaato kale oo soo wajahday xoolo-dhaqatada dooxadaas ku nool oo weli la tabaalaysan abaartii wadanka ka dhacday labadii sano ee la soo dhaafay.

Xoolo dhaqatada ku nool dooxooyinka xoolo-daaqeenka ah ee duleedyada magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in gaadiidka qashinka ka soo qaada magaalada ay subax kasta ku soo daadiyaan dooxiyinka daaqsinka ah ee bannaan, qashinkaas oo in badan oo ka mid ah ay baco yihiin, taasoo dul fuushay cawskii iyo geedihii ku yaallay dhulka una sahleysa xooluhu inay cunaan.

Caadi ahaan xoolaha ayaa cunista bacda ka raadiya macdan jirkooda ka maqan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Maxamed Xasan Cabdulle oo ah dhakhtar xoolaha ah kana tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha FAO. “Bacda markay calaashanayaan waxay u dhadhantaa dhanaan ama macaan,” ayuu yiri Dr. Maxamed.

Dheef-shiidka neefku ma shiidi karo bacda, taasoo keenaysa in bacdu ay is duubto gudaha caloosha, waxayna neefka ka celisaa daaqa ilaa uu dhinto, sida uu sheegay Dr. Maxamed Xasan oo xusay in neefka cuna bacda lagu badbaadin karo oo keliya in lagu sameeyo qalliin caloosha ah, adeeggaasna aanu hadda dalka ka jirin.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale bacda markay caloosha neefka tagto rinjiga iyo maadooyin kale oo ku jira ay caloosha neefka dhuuqdo, kaddibna neefka dhiigiisa raacdo sidaas caanaha iyo hilibka ay ugu gudubto, maaddadaasna ay bani’aadamka u keento cudurka kansarka.

Xoolo-dhaqatada ku nool deegaanna Dhuyug-xuusho, Ilkami, Taala-darato, Gol-dhamiijo iyo Xargaga Dhuyug-xuusho, Ilkami, Taala-darato, Gol-dhamiijo iyo Xargaga oo dhamaantood dhinaca waqooyi iyo waqooyi galbeed ka xiga Laasaanood ayaa sheegay in aroor walba ay u jarmaadaan aruurinta bacaha ayna isugu geeyaan meelaha jeexdimaha biyo-mareenka ah kaddibna ay halkaas ku gubaan.

Dadkaas waxaa ka mid ah Faadumo Suleymaan Cali oo ku nool dooxada Xargaga. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in qashinku yahay wax maalin kasta lagu soo qubo deegaanka. Bishii la soo dhaafay ee Julaay waxaa Faadumo uga dhintay bacdaas ay xooluhu cunaan uga dhineen 4 neef oo Ari ah oo ka tirsanaa 15 neef oo abaarti uga badbaaday.

Lixdan qoys oo xoolo-dhaqatada deegaankeeda ka tirsan ayaa u guuray sababo dhibaatada bacda ay xoolahooda ku hayso darteed ah, waxayna u guureen deegaanka Ari-cadeeye oo leh daaqisin dhibaatada bacduna aysan saameynin, laakiin qoysas uu Faadumo qoyskeedu maysan guurin oo waxaa nageeyay gaadiid la’aan. Awrkii reerku ku guuri jiray wuxuu uga dhintay abaarti.

Xoola-dhaqatadu waxay qashinka lagu qubayo dooxooyinka xooluhu daaqaan ku eedeeyeen shirkadaha qashinka qaada ee Laascaanood.

Shan shirkadood oo qashinka ka qaada magaalada ayaan la xiriirnay si aan wax uga weydiinno eedeymaha loo soo jeediyay. Nooma suura gelin inaan helno saddex shirkadood, laakiin labada kale waxay iska diideen eeddaas uga timid xoolo-dhaqatada.

Deeq Maxamed Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda qashinka qaadda ee Gool ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in labo jeer ay dadka xoolo-dhaqatada ah u yimaadeen iyaga oo ka cabanaya gaadiidkooda qashinka qaada, laakiin ay u sheegeen in aanay iyagu ku jirin kuwa qashinka ku quba dooxooyinka.

Guddoomiyaha Laascaanood Cabdiraxmaan Khadar ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay soo gaartay cabashada dadka xoolo-dhaqatada ee ku aaddan dhibaatada ay xoolahooda ku qabaan bacaha ku jira qashinka la qubo, ayna socoto diyaarinta labo god oo waaweyn si loogu gubo qashinka laga qaado magaalada, kuwaas oo laga qodayo deegaannada Nuur-daaq iyo Xog-dhamiijo oo 5 km dhanka bari ka xiga magaalada.

Wuxuu intaas ku daray inay soo saareen sharciyo ay ku ciqaabayaan shirkadaha qashinka ku daadinaya goobaha xoolo-daaqeenka ah, sharcigaas oo ah $100 doolar in lagu ganaaxo gaarigii lagu qabto arrintaas. Sharciga ayaa dhaqan galaya marka la dhammeeyo qodista godadka hadda diyaarintoodu ay socoto.

Previous Post

Barnaamijka Dalan-dool

Next Post

Doolow: 74 arday oo ku biiray dugsi sare oo markii u horreysay laga hirgeliyay degmada

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post

Doolow: 74 arday oo ku biiray dugsi sare oo markii u horreysay laga hirgeliyay degmada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo