Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoolo dhaqato ka barkacday duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 10, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Inka badan 200 oo qoys oo xoolo-dhaqato ayaa ka barakacay labadii toddobaad ee u dambeysay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay tuulooyinka Laan-qurac, Nus-dariiqo, Gaddoon dhawe iyo Khadiijo oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Duqaymahaan ayaa waxaa geysanaya diyaarado dagaal oo la sheegay in ay beegsanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab, waxayna dadka u barakaceen deegaannada Buusaar,Dhamase, Caracase, Likooley iyo Garsaal oo u dhexeeya Beledxaawo iyo Ceelwaaq.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ka mid ah odayaasha degaankaas ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in duqaymahaan degaankaas ka dhacayey ay ku dhinteen 5 qof oo xoolo dhaqato ah ku dhinteen labadii bilood ee la soo dhaafay.

Aadan Cabdi waxaa uu kamid yahay xoolo dhaqatada ka barakacay tuulada Nus-dariiqo oo Ceelwaaq u jirta ilaa 38 km dhanka waqooyi, waana aabaha siddeed carruur ah. Wuxuu labo maalmood ka hor isaga qoyskiisa ka yimaadeen tuulada Garsaal kaddib markii duqeyn halkaas ka dhacday labo maalmood ka hor ay ka dishay 38 neef oo isugu jira geel iyo ari, waxaana u harey 51 neef oo isugu jira geel iyo ari.

Waxaa uu sheegay in inkastoo muddo ay duqeymaha ka dhacayeen deegaankiisa, haddana uu mar kasta rajeynayey in ay joogsan doonaan, ilaa ugu dambeyn uu go’aansaday in uu naftiisa, tan qoyskiisa iyo xoolaha uu la baxsado si ay u badbaadaan.
“Nafteena ayaa la soo baxsanay – kuma aanan noolaan karin Nus-dariiqo. Meel kasta waxaa daadsanaa raqda xoolo badan oo madaafiic laayeen, waxa nagu dhacay ma aheyn waxaan aragnay. Dad masaakiin ah oo xoolo iska dhaqanaya oo mar ka war helay wax cirka uga imanaya”.

Tuulooyinka ay ka soo barakaceen dadka reer miyiga ah ayey ku heysteen daaq iyo biyo fiican, hase yeeshee deegaannada ay u soo barakaceen oo aysan roobabkii Gu’ga si wanaagsan uga di’in ayaa biyaha iyo daquba ay gabaabsi yihiin, Aadan Cabdi-se waxaa uu sheegay in uu ku khasban yahay in u sii joogo Garsaal ilaa xaaladda meeshii uu ka yimid ay ka soo reyneyso.

Duqeymihii ugu dambeeyey waxay ka dhaceen maalintii Arbacada ee 8-dii bisha, tuulada Laan-qurac oo kamid ah deegaannada ay dadka ka barakacayeen, waxaana ku dhintay nin kamid ahaa odayaasha tuulada, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo ay ku jiraan hooyo iyo gabar ay dhashay oo jira, sida uu noo sheegay Mahad Xasan oo kamid ah odayaasha tuulada Laan-qurac oo Ceelwaaq kaga beegan Km 43km dhinaca waqooyi.

Mahad oo laf ahaantiisa ay qoyskiisa barakaceen ayaa sheegay in 65 qoys ay ka barakaceen Laan-qurac hal toddobaad oo keliya markii dadka ay qaati ka noqdeen duqeymo uu xusay in deegaanka ay ku soo noq-noqdeen.

”’Dadkii deganaa tuulada way ka barakaceen guryahooda iyagoo ka cararaya duqeymaha soo laablaabtey,waxayna dadkan qaarkooda ay horey u sii kaxeysteen xoolahii ay dhaqanayeen,qoysaska waxay kala gaareen dhamaso,Likooley iyo Ceelwaaq,mana haystaan wax nolol ah ,waa dad reer miyi ah , duqeymahaan waa joogto bishii labo jeer ilaa saddex jeer ayay dhacaan”.

Muxumad Caddow Cali oo qoyskiisu ka kooban yahay 12 ruux ayaa kamid ah xoolo-dhaqatada ka barakacay deegaanka Gaddoon-dhawe oo 40km waqooyi ka xiga Ceelwaaq. Waxay isaga iyo qoyskiisu gaareen deegaanka Liikooley saddex cisho ka hor markii sida uu Raadiyo Ergo u sheegay duqeyn ka dhacday Gaddoon-=dhawe ay kaga dhaawacantay gabar shan jir ah, 8 neef oo ari ahna ay kaga le’deen.
Wuxuxu kamid ahaa xoolo-dhaqatadii ka laabtay gobolka Jubbada dhexe bishii April ee sanadkan markii ay roobabka da’een, halkaasoo uu xoolaha la aaday sanadkii 2017 markii ay abaaraha ka dhaceen gobolka Gedo.

“Halkaan baan nimid, dhibaatada jirta ayaan ka soo baxnay. 58 neef oo geel ah iyo xoogaa ari ah ayaan la imid. Dhibaatada halkan aan ku qabno waxay tahay biyo xoolaha cabaan lama helaya. Waraha dad gaar ah ayaa leh, haddii aad rabto in aad xoolaha biyo ka waraabisa toddobaad kasta hal neef ari ayaa nala qaadayaa, mana awoodno”.

Xoolo dhaqatada barakacay waxay hadda uun ka soo kabanayeen abaaro xoolo badan ay uga le’deen. Inkastoo ay ogyihiin in beegsiga duqeymaha deegaannada ku dhacay aysan iyaga loola jeedin haddana waxy codsanayaan in dhibaatada soo gaareysa si deg-deg ah wax looga qabta. Nabadoon Faarax Hire Guhaad ayaa sheegay in waxa dhaca aysan wax ay aqbali karaan oo dhib kasta deegaanka ka dhacda ay gaareysa dadka shacabka – dhinacyada is haya ayuu ugu baaqay in ay shacabka dhibaatada ka dulqaadaan.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Ceelwaaq, Sahal Macallin Aadan ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in 175 neef oo xoolo ah ay ku dhinteen duqeymaha labadii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay afarta tuulo ee laga barakacay.

‘Runtii deegaanka dhibaato badan ayaa ka jirto – si dhow baanan ula socanaa, dad badanna way ka carareen waxa dhacaya bilahii la soo dhaafay. Dadku waa reer miyi, waxa wataan intii Abaarta ay ka reebtay xoolahii ay dhaqanayeen. Tuulooyinu badan baa la galay. Annaga ka maamul ahaan waa u qeylo-dhaaminay haddii ay noqon laheyd dhinaca dowladda iyo Xamar in dadkan dhibaata ay qabaan wax laga qabto. Waxaan rajeyneynaa in dhibaatadu joogsato”.

Dhibaatooyinka kale ee u sii dheer dadka ku nool deegaanada horey loo duqeeyey ee Gobolka Gedo ee deganaansho la,aanta ka jirta deegaanadaasi ayaa saameyn adag oo dhinaca nolosha ah ku yeelatey adeegyadii.

Biyaha,waxbarashada,Caafimaadka,meheradahii ganacsiga ee ka jirey Deegaanadaasi,arimahaasi oo idilna waxay sii adkeeyeen Nolasha kumanaan Qoys oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeraley danyar ah oo iyagu Cabsi iyo wal wal ka qaba Duqeymaha Diyaaradaha Kenya.

Guud ahaan dad shacab ah oo gaarayo 55 qof ayaa ku dhintay duqeymaha ku soo noq-noqonayey deegaannada dhowrrkii sano ee u dambeeyey, 92 kalana way ku dhaawacmeen,, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey Nabaddoon Faarax Hire Guhaad oo kamid ah odayaasha deegaannadaas oo intaas ku daray in labadii bilood ee u dambeysay shan qof oo xoolo dhaqato ah ay duqeyntu dishay.

Previous Post

Doolow: 74 arday oo ku biiray dugsi sare oo markii u horreysay laga hirgeliyay degmada

Next Post

Akhriso wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post

Akhriso wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo