Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Shillinka Soomaaliga oo Beledweyne laga diiday oo saamayn ku yeeshay xoolo dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
July 20, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Lacagta shillin Soomaaliga la diiday oo saamayn ku yeelatay dan yarta iyo xoolo dhaqatada

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Diiriye Cumar Jimcaale waa 60 jir, xoolo dhaqato ah, waana aabe qoyskiisa ka kooban yahay 8, wuxuu ag taagan yahay 2 neef oo geel ah oo uu keenay sayladda xoolaha ee Beledweyne, kana soo safriyey Bukure oo ka tirsan dhulka ismaamulka Soomalida Itobiya oo xad la leh gobolka Hiiraan, isagoo saddex maalmood la soo lugaynayey xoolaha.
Markuu sayladda yimid waxaa loo sheegay in sida keliya ee looga iibsan karaa tahay in lacag dollar ah EVC ahaan loogu tiro teleefonka gacanta, isaguse taasi dhib ayey ku tahay.
“Lacagtaan telefonka lagu shubayo kama baxsan karno oo ma naqaano si loo isticmaalo lacagtaas mararka qaar waxan la kulano telefonkii oo dansan iyado lacagta ku jirto inaan ka baahnano sababto ah dab la,aan ayuu la damaya baadiyaha anteeno la,aan ayuu noqonaya marka dhib weyn ayaan ku qabna lacagta nagala diiday “ AYuu yiri Diiriye
Wuxuu intaas ku daray in iyagu shillinka ay gacanta ku qaataan ee tirsadaan ay tahay habka ay baahidooda ku daboolan karaan.
“Way igu adagtahay inaan fahmo inaan dhacanahay iyo in kale marka EVC la isoo diro, koob shaaha kama cabi kartid” Ayuu yiri Diiriye.
Beledweyne guud ahaanba lagama isticmaalo shillin Soomaali, magalada hadda dhex wareegtana cid sidata lacagta ma arkaysid, lacagta hadda laga isticmaalo waa dollar la isugu diro telefonka. Dadka xoolo dhaqata ah waxay ku nool yihiin deegaano aysan ka jirin koronto, taaso sababta in talefanka uu ka damo iyadoo lacagta ay ugu jirto oo ay waayaan meel ay wax uga iibsadaan, halka markii shilinka uu shaqeynayay ay jeebkooda ku wateen lacagta.
Diiriye wuxuu sheegay in hadda aqalkiisa ay dhex taalo lacag dhan 45 malyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2,045 dollar oo uu ka bixiyay 2 neef oo geel ah maalmo ka hor inta aanan la diidin bartamihii 2017 isticmaalka lacagta somaliga, wuxuuna wali hanka ku haaya in mar uun dib loo isticmaali doono lacagta jawaanada la taalo.
Xoolaleyda iyo dalaaliintaba waxay Raadiyow Ergo u sheegayaan in isticmaal la,aanta shilin Soomaaliga ay suuq xumo kusoo kordhisay sayladda xoolaha mudada sanadka ah ee aan Baledweyne wax lagu kala iibsanayn.
Cismaan Dhacdhacoow oo ka mid ah dalaaliinta ugu caansan sayladda xoolaha Baledweyne wuxu sheegayaa in ay haysato shaqo la’aan.
“Xoolaha markaan shillinka ku iibino lacagta aan kala tirino ayaan qaybteenna la haraynay, haddase lacagba arki maysid labadii qof ayaa fariin ahaan isugu diraya” Ayuu yiri Cismaan.
Wuxuu sheegay markii shillinka socday in neefka adhiga ah ee uu iibiyo uu ka qaadan jiray 50 kun oo u dhiganta 2 dollar, geellana shan dollar, maalintiina lacag 15 dollar ka badan uu heli jiray, ayna ku filnayd qoyskiisa nolol ahaan.
“Hadda qofkii marka loo diro lacagtiisa waan daba orddaa ama in badan ayaad baryeysaa inuu hal dollar ama nus dollar kuu soo tuuro waa dhacdaa, inta badanna ay iskala tagaan” Ayuu yiri Cismaan.
Lacagta la diiday waxay helitaankii nolosha ku adkaysay dadka muruq maalka ah ee ka xoogsada dhismaha guryaha. Muuse Xuseen Faarax waa 42 jir, wuxuu ahaa xoogsato dhismaha ka shaqeeya, horaantii 2018 ayuu u guuray magaalada Muqdisho, waa aabaha shan carruur ah.
“Sacir barar ay lacagta keentay darteed, shaqo ayaan waayey, 7 bilood ayaan baaga muudo ahaa muddo shan bilood ah baaga mudeynayo oo nolosha qoyskeyga ay noqotay midaan mararka qaar xata halka waqti an wayneyno ayaan go’aansaday inaan u guuro meelaha shilinka laga isticmaalo” Ayuu yiri Muuse
Hadda wuxuu ka shaqaystaa suuqa Bakaaraha ee magalada Muqdisho oo si caadi ah shillin Soomaaliga looga isticmaalo, wuxuuna sheegay in uu helo shaqooyin, fursaduna ka fiican tahay.
Beledweyne waa magaalada keliya ee gobollada dalka ee uusan ka socon shilin Soomaaliga.

Previous Post

Dhadhaab: Adeegyada xeryihii la xiray ee IFO2 iyo Kaabi caws oo lagu wareejiyey maamulka Garisa

Next Post

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo