Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

Radio Ergo by Radio Ergo
July 20, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

Maryan iyo hooyadeed Cosob/Sawir/Cabdiraxmaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Maryan Siciid Maxamed oo 18 jir ah, waxay ka mid tahay gabdhaha 10 arday ee ugu sareeya ka galay natiijadii shalay la soo saaray, waxayna gashay kaalinta afraad.
Maryan waxay wax ka baranaysay Iskuulka Imamu-Nawawi ee Boosaso, iyadoo la hadlaysa Raadiyo Erg ayaa sheegtay in dadaalka ay ku soo baxday uu ahaa mid ay ka dambeeyeen qoyskeedu.
“Waalidkay markasta waxay raaci jireen nidaamka aan wax u akhristo iyo sida aan wax u baranayo, in kastoo aysan iskuulka imaan jirin, laakiin marka aan guriga joogo shaqada guriga ee inta badan gabdhaha loo diro imaysan diri jirin, waxayna I siinayeen dhiiri gelin” Ayey tiri Maryan
Qoyska Maryan wuxuu ka kooban yahay siddeed qof oo ay saddex gabdho yihiin, waxayna sheegtay in labadii gabdhood ee kale ay ka hareen waxbarashada markii ay dugsiga dhexe marayeen, kuwaasoo ka waaweynaa, iyagoo da’dii 18ka aan gaarinna la guursaday.
Cosob Ciise waa hooyada dhashay Maryan, waa 45 jir, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in waalidiintu ay inta badan gabdhaha waxbarashada sare ka reebaan, taasoo ay ugu wacan tahay dhaqan bulshada ka dhex jira oo ah in gabadha la leeyahay waxay u geleysaa reer kale, wixii dhaqale lagu bixiyana ay tahay wax la khasaariyey ama la door bido in nin lagu daro.
Salma Yusuf oo ka socotay Iskuulka Al-Najah iyo Maryan Cabdisalan oo iyana dhiganaysay dugsiga saree e Boosaso, ayaa galay kaalimaha sideedaad iyo sagaalaad.
Natiijada imtixaanaadka waxbarashada Puntland ayaa tilmaamaysa tirada gabdhaha dugsiga sare ka baxay ay aad uga hooseeyaan marka loo eego wiilasha, tirada ardayda u fariisatay imtixaanka sanadkaan ayaa ahayd 4,359 arday, 1,600 ka mid ah ayaa gabdho ah.
Agaasimaha imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud  Warsame ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dugsiyada hoose/dhexe ay tirada gabdhaha iyo wiilashu isu dhow yihiin, laakiin gabdhaha markay dugsiga sare soo gaaraan ay ka haraan waxbarashada, sababo uu ku sheegay iyagoo la guursado, qoyska oo shaqada guriga u dira iyo duruufo kale oo dhinaca dhaqaalaha ah oo qoysaska la soo derista, taasoo keenta in qoysku wiilasha waxbarashadooda xoogga saaraan.
Cosob Ciise oo ah hooyada Maryan ayaa sheegtay inay jirto dhaqan ah in gabadha wixii dhaqaale waxbarasho looga bixiyo ay la aadayso guri kale, aysana munaasib ahayn, taasina ay qayb weyn ka qaadato ka harista waxbarashada ee gabdhaha.
Natiijada waxbarashada dugsiyada sare ee Puntland waxay tilmaamaysaa in ardayda kaalimaha ugu saraysa gashay 13 ka mid ahi ay ka yimaadeen afar dugsi oo ku yaal Boosaaso, halka saddexda kalena ka yimaadeen dugsiyo ku yaal Garoowe iyo Gaalkacayo.
Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in sanadkii hore hal gabar ahi ku jirtay 10ka arday ee ugu sareeya, wuxuuna u sababeeyay guusha gabdhahan in ay ka dambayso dadaalkooda iyo fahamka qoysaska ee ahmiyadda waxbarashada gabdhaha oo soo wanaagsanaanaysa.
“Iskuulada sare qaarkood ayaa bilaabay fursado dhiiri geliya waxbarashada gabdhaha, sida inay ugu dhex diyaariyeen agabkii nadaafadda ee ay u baahnaayeen iyo goobo ay ku nastay markay xanuun dareemayaan”Ayuu yiri Axmed.
Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan sidoo kale mashriic gabdhaha ka bixiya dharka ay qaataan. Wuxuuse sheegay gabdhuhu qayb ahaan wiilasha ayay la mid yihiin xaga tartanka sida wiilashu u dadaalayaan oo u tartamayaan baa gabdhuhuna u tartamay
Wasaaradda waxbarashaddu waxay tobanka kaalimood ee sare u raadisaa waxbarasho oo ku wajahan caafimaadka iyo Injineeriyadda siisaa ardayda kaalimaha hore ku soo baxa sanad walba, kuwaas oo dibedda loo diro.
Maryan ayaa sheegtay inay quud daraynayso inay barato culuunta takhtarnimada, gaar ahaan qaliinka neerfayaasha, maadaama aysan wadanka jirin.

Previous Post

Shillinka Soomaaliga oo Beledweyne laga diiday oo saamayn ku yeeshay xoolo dhaqatada

Next Post

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo kaalimaha sare sanadkaan saddex gabdhood ka mid noqdeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo