Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Doon gurmadka degdegga ah oo bukaannada Caluula u sahashay inay dhakhso ku gaaraan isbitaalka Boosaaso

Radio Ergo by Radio Ergo
July 6, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
GALDOGOB: 400 OO QOF OO HELAY BAARITAANNO IYO DAWEYN LACAG LA AAN AH

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Doon yar oo ambalaas ah oo ay leedahay wasaaradda caafimaadka ee Puntland, ayaa khafiifisay dhibaatadii ay bulshada ku nool Cadaado iyo deegaanno hoostaga ka mari jireen in bukaan halis ku jiro la gaarsiiyo Boosaaso.

Ilaa bishii Abriil ee sanadkaan oo doontaas ay shaqeynayso waxaa isbitaalka Boosaaso lagu geeyay lix bukaan oo saddex ka mid ay yihiin haween uur lahaa oo dhalmada ay ku adkaatay. Hay’adda badbaada carruurta ee Save the Children, ayaa bishii Maarso ee sanadkaan doonta ugu deeqday wasaaradda.

Hooyada dhaleysa ee gasha xaaladda degdegga ah, oo wax looga qaban waayo isbitaalka Caluula waxay ku qaadan jirtay in Boosaaso in la geeyo wax ka badan 30 saacadood oo ah waqtiga uu sii socon karo baabuurka dheereeya, ama in loo helo kharashka doon kuwa kalluumeysiga ah oo ay ku cayso kiradeeda wax ku dhow kun doolar.

Degmada Caluula waxay ku taallaa halka ay iskaga darsamaan badaha gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya, waxayna Boosaaso u jirtaa qiyaas ka badan 430 km. Waddada u dhexeysa Boosaaso iyo Caluula waa buuro dhagaxyo ah iyo togag ay ku adag tahay socodka dadka iyo gaadiidka.

Hooyooinka qaar inta ay sii saaran yihiin gaadiidka dhulka mara, waxay wajihi jireen khataro. Intooda aan awoodin kharashaadka doonta ama gaadiidka kale waxay ku khasbanaayeen inay ku umulaan isbitaalka Caluula iyagoon ka heli karin dhammaan adeegga ay ubaahan yihiin.

Caluula iyo deegaannada xeebaha ku teedka ee hoostaga dadka ku nool ma haystaan dhaqaale buuran oo ay mar walba suuragal ugu tahay inay ugu safraan Boosaaso marka ay xaalad caafimaad oo degdeg ah qabsato.

Laakiin hadda doonta ambalaasta ah ayaa loo isticmaalaa in lagu badbaadiyo bukaannada gargaarka degdegga ah u baahan iyo hooyada ay dhalmada ku adkaato.

Doonta oo ah mid dheeraysa waxay ku qaadataa inay ku tagto Boosaaso oo Caluula u jirta 170 mayl oo dhanka badda ah muddo 6 saacadood.

Afar dumar ah ayaa adeegga doontaan ambalaasta oo bilaash ah lagu caawiyay labadii bilood ee la soo dhaafay markii ay foosha ku adkaatay. Saddex qof oo kale oo mid isagoo xiji guraya ka soo dhacay buur iyo labo qof oo qabay dhaawacyo toorrey ah, oo u baahnaa qalliimo degdeg ah ayaa sidoo kale doontaan lagu keenay Boosaaso.

Farxiyo Maxamed Axmed, oo ah hooyada shan carruur ah ayaa ka tisan hooyooyinka lagu caawiyay doonta. Waxay deggan tahay degmada Xaabo oo ka tirsan degmada Caluula. Waxay 20 cisho ka hor ku umushay isbitaalka Boosaaso oo lagu keenay doonta, kaddib markii ay saddex maalmood ku foolaneysay isbitaalka Caluula.

Waa ilmihii saddexaad ee ay ku umushay isbitaalka Boosaaso, iyadoo mar kasta oo ay dhalaysay ay ku adkaan jirtay foosha. Labo jeer oo hadda oo doonta ay caawisay ka horreysay waxaa halki marba Boosaaso lagu keenay 800 oo doolar oo loogu soo kireynayay doon kuwa kalluumeysiga ah.

Farxiyo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in dhakhaatiirta isbitaalka Caluula ay u sheegeen inay qabto dhiig-karka haweenka ku dhaca xilliga uurka, sidaas darteedna aan xaaladeeda wax looga qaban karin halkaas oo Boosaaso sidaas loogu soo gudbiyay.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Gardafu ee Puntland Dr. Aadan Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in isbitaalka Caluula oo si bilaash ah ay bil walba ugu umulaan in kabadan 30 haween ah uusan lahayn adeeg dhammeys tiran oo ay ka heli karaan bukaannada qalliinka u baahan iyo hooyada dhaleysa ee ay foosha ku adkaato ama xaalad kooma ah gasho.

Sidoo kale isbitaalka waxaa adeeg caafimaad u raadsada bulshooyinka ku nool 80 tuulo oo hoostaga degmada.

Aamina Jaamac waa kalkaaliso sare oo ka howlgasha isbitaalka Caluula, waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in doontani ambalaaska ah ay fududeysay adeegyada caafimaad ee gobolka iyo isku-xirka isbitaalka. Tuulooyinka xeebta ku teedsan eek a tirsan Caluula ayaa sidoo kale doontaas lagu gaarsiiyaa tallalka, waxaana ay doonta ka soo qaaddaa bukaannada u baahan in la keeno isbitaalka.

Deeganada durugsan ee Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari ayaa u badan buuralay aan lahayn wadooyin wanaagsan oo la isticmaali karo, mana jiraan adeegyo caafimaad oo dhammeys ah oo laga heli karayo.

 

Previous Post

Caluula: Doomo loo isticmaalo sida gaadiidka gurmadka deg-degga ah

Next Post

Walaalo ka soo laabtay waddanka Yemen oo shaqo abuur u sameeyay danyar Baydhabo deggan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Walaalo ka soo laabtay waddanka Yemen oo shaqo abuur u sameeyay danyar Baydhabo deggan

Walaalo ka soo laabtay waddanka Yemen oo shaqo abuur u sameeyay danyar Baydhabo deggan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo