Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Walaalo ka soo laabtay waddanka Yemen oo shaqo abuur u sameeyay danyar Baydhabo deggan

Radio Ergo by Radio Ergo
July 6, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Walaalo ka soo laabtay waddanka Yemen oo shaqo abuur u sameeyay danyar Baydhabo deggan

Isxaaq Maxamed Aadan (bidix) iyo Taabit Cali Axmed oo miis cabbiraya/Muxyadiin Xusni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Taabit Cali Axmed iyo Isxaaq Maxamed Aadan waa walaalo dhinaca hooyada ah, waxay ku soo noqdeen Muqdisho Bishii Octoobar sanadkii 2016-kii, iyagoo ka yimid waddanka Yemen oo labo iyo tobon sano ay qaxooti ku ahaayeen. Waxay ka mid noqdeen dadkii laga soo celiyay dalkaas markii dagallaada ay ka dhaceen, kadibna maraakiib si mutadaawcnimo ah loogu soo daad gureeyay Soomaalida.

Farsamo gaar ah oo ay isticmaalaan ayaa keentay inay sameeyaan alaabooyinka guryaha ee laga isticmaalo wadamada carabaha. Waxay sameeyaan alaabo Baydhabo looga yaqaanno “Alaabaha Walaalaha” oo looga dalbado aroosyada, guryaha iyo hoteelada.

Isxaaq oo mashiin yar oo kuwa alaabta isku dhijiya gacanta ku haya, kuna jira shaqo ayaa Raadiyo Ergo ku booqatay xarrunta ay ku shaqeeyaan, waxaana uu sheegay in aysan haysan lacag ay markaas ku howl gali kareen hase yeeshee ay $1500 ka deynsadeen nin ganacsade ah oo ay is-yaqaaneen islamarkaana ay ku iibsadeen qalab, kiradana isaga bixiyeen halka ay dagayeen.

Fursadaan shaqo ee Baydhabo ay ka bilaabeen waxay shaqo abuur u noqotay dhalinyaro kale oo isugu jira dan yar iyo barakacayaal. Waxay tababarro u sameeyeen mudadaas sanadka ah ee ay Baydhabo ka shaqeynayeen 70 dhallinyaro ah oo aan xirfad iyo shaqo lahayn sida uu raadiyo Ergo u sheegayo Taabit Cali Axmed oo ah walaalaha midka weyn.

“Dhalinyarada saddex bil ayey si lacag laáab ah noola shaqeeyaan waxaan siinnaaa tabababar ku aadan habka loo sameeyo alaabooyinka, sidoo kale qorista alwaaxa, samaynta kuraasta iyo miisaska ayaan iyana barnaa”, Ayuu yiri Taabit.

Wuxuu sheegay in hadda toban dhallinyaro ah oo ay tababareen ay u shaqeeyaan midkiibana ay siiyaan $150, waxaana dhalinyaradaas labo ka tirsan ay kasoo shaqo tagaan xeryaha dadka baracay ee Baydhabo. Taabid ayaa intaas ku daray in hadda ay tababar xarunta u joogaan sideed ruux oo ay baraan, si ay ugu shaqaystaan haddii ay shaqooyin helaan.

Isxaaq waa 24 jir leh afar carruur ah, halka Taabit yahay 39 leh sagaal carruur ah, waxay bishii July sanadkii 2017 ayay magaalada Baydhabo u tageen samaynta alaabaha guryaha oo dad markaas u baahnaa ay la heshiiyeen waqti gaaban taas oo keentay inay ku fakaraan in baahida magaalada ka jirtay ay iyagu dabooli karaan.

Walaalahani intii ay ku ahaayeen qaxootiga dalka Yemen waxay ku noolaayeen magaalada Cadan, iyagoona qoyska noloshiisa ay ku tiirsanayd khidmado yar oo ay ka soo helaan dhaqista gawaarida iyo xoogsi ay u tagaan gudaha magaalada.

Inta aysan farsamada baran ee ay Cadan joogneen wuxuu Taabid ka shaqayn jiray maqaaxi uu kabaryeeri ka ahaa, bishii waxaa la siinayay $50, halka walaalkii Isxaaq uu gawaarida ku dhaqi jiray waddooyinka Cadan.

Taabid ayaa sheegay in iyagoo shaqadaas wata ay galabtii heleen goob alaabta lagu sameeyo oo ku taalla Cadan, ayna si bilaash ah ugu shaqaynayeen si ay uga bartaan xirfadda, tababarkaas ayay billaabeen 2012-kii waxaa labo sano ku qaadatay inay farsamada bartaan.

Taabit hadda toddobo ka mid ah carruurtiisa ayuu geystay waxbarasho uu kaga bixiyo 70 dollar, isagoo qoyskiisuna u deggan yahay guri uu ku kiraystay $200.Wuxuu sheegay oo kale muddadii sanadka ahayd inay horumarin ku sameeyeen goobtooda shaqada ay soo iibsadeen qalab isugu jira matooro, qalabka howsha ku qabtaan oo noocyo badan ah kharash ahaana ugu kacday 17 ilaa 18 kun oo doolarka Maraykanka ah.

 

 

Previous Post

Doon gurmadka degdegga ah oo bukaannada Caluula u sahashay inay dhakhso ku gaaraan isbitaalka Boosaaso

Next Post

Dhageyso xubinta maad iyo maaweelo

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
blank

Dhageyso xubinta maad iyo maaweelo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo