Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ku jira xerada xaqootiga ee IFO oo ganacsiyo guulaystay samaystay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 2, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Haween ku jira xerada xaqootiga ee IFO oo ganacsiyo guulaystay samaystay

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Abuurkar waxay dhex taagan tahay dukaan lagu iibiyo kabaha, dharka carruurta iyo agabka haweenka gacanta ku sameeyaan ee farshaxanka, waana dukaan ay maal gashadeen 12 haween ah oo qaxooti ah, kuna nool xerada IFO
“Maanta waxaan haystaa wax aan ku xisaabtamo oo dhaqaale iga soo galo, mustabalkana aan sii hormarin karo,” ayay tiri Faadumo.

Waa hooyo haysata sagaal carruur ah 5 waa agoon, inta kalana aabahood waa kala tageen, dharka iyo kabahay iibiyaan waxay ka keenaan Nairobi, halka agabka farshaxanka ee kuulaha, jijimaha gacmaha iyo daabaca ay ka soo iibsadaan haweenka xeryaha qaxootiga ku nool ee iyagu guryaha ku farsameeya.

Haweenkaani waxay ganacsiga bilaabeen Juun ee 2017, iyagoo isku darsaday 36000 oo shillin oo ay ku fureen dukaankaan, iyagoo midkiiba bil kasta ay ka qaadato lacag 6 kun oo shillin ah oo ay noloshooda ku kabtaan oo Faadumo qaadatay bishii Abriil.

Raashinka laga bixiyo xeryaha oo ah qammadi, masaggo, digir iyo saliid ayaan ahayn mid ku filan inay qoysasku keligiis ku noolaadaan sida ay Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegtay Faadumo.
“Dhaqaalaha dukaanka naga soo gala waxaan ku iibsadaa raashinka iyo khudaarta dheeraadka ah ee carruurtayda u baahan tahay” Ayey tiri Faadumo.

Waxayna sheegtay inay maalin kasta ku baxdo lacag Ksh 500 una dhiganta ($5). Sanadkiiba saddex jeerna in ay lix ka tirsan carruurteeda oo wax barta ay u iibiso labiska iskuulka, buugaagta iyo qalimaanta oo ay uga baxdo markiiba 5,500 Ksh oo u dhiganta $55, horayna aysan u awoodin inay taas hesho.

“Wuxuu noo noqday meherad, waxaan ka dayntaa marba wixii baahi ah ee dhaqaale u bahan ee igu timaadda, sidoo kale intaan furtay dukaanka waxaan noqday qof la aamina karo oo dayn ka qaadan karta dukaamada kale” Ayey tiri Faadumo.
12ka haweenka ah ayaa ah kuwo haysta carruur ay keligood korsadaan oo qaarna aabayaashood ay kala tageen, kuwana ay ka dhinteen.

Faadumo oo ka soo qaxday dagalladii Muqdisho sanadkii 2007, ayaa sheegtay inay sidoo kale qabato biyo dhaamin iyo dhar dhaqaal ay u samayso qoysas kale, ayna ka hesho maalintii 460 oo shilin.

“Intaan dukaankaan galay waxan helay fursado aan ku kaydsan karo lacag, waxaan kula jiraa 12ka haweenka ayuuto 2 kun bishii ah,” Ayey tiri Faadumo.

Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ayaa qof kasta bishii gargaar ahaan waxaa loo siiyaa min saddex kiilo oo masaggo iyo qamadi ah iyo kiilo digir ah, saabbuun, saliid iyo min 200 oo shilin oo loogu talagalay inay goosaar ka dhigtaan.

Ka hor 2016 oo ahay markii la dhimay waxay sheegtay Faadumo inay fursad u haysteen raashinka la siiyo inay qeyb suuqa geystaan si lacagta ay ku soo helaan ay waxyaabaha kale isaga dabbaraan.

Haweenkani waxay sheegeen in dukaanka hantida u taal ay tahay mid kobceysa oo ay ka leeyihiin rajo mustaqbal oo fiican.

Canab Geeddi oo haweenkaas ka mid ah, isla markaana ah xisaabiyaha dukaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in xisaab xirkii ugu danbeeyey ay samaysay Juune dhamaakeedii, ayna taal hanta gaaraysa 120 kun oo shillin, iyadoo ay jirto lacag 50 kun ah oo iyana dayn ku maqan, ayna iibiyaan laba ka mid ah haweenka, waxayna ku shaqeeyaan hab lacag la’aan ah.

Previous Post

Haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha Baydhabo oo amni darro haysato

Next Post

Kismaayo: kor u kac laga dareemayo qiimaha qudaarta

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
BEERALAYDA IYO XOOLO DHAQATO KA FAA’IDAYSTAY MASHRUUC KOR LOOGU QAADAYO DAAQA

Kismaayo: kor u kac laga dareemayo qiimaha qudaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo