Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha Baydhabo oo amni darro haysato

Radio Ergo by Radio Ergo
July 2, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha Baydhabo oo amni darro haysato

Faadumo oo ka mid ah haweenka ku nool xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo/Sawir/Muxiyadiin/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Safiyo oo aan ahayn magaceeda saxda, waa 26 jir dhaawac ah, jiifta isbitaalka magaalada Baydhabo. Dhaawaca ayaa soo gaaray kaddib markii qof hubaysan uu ku weeraray xerada barakaca ee Tawakal labo Diisoor eek u taal Baydhabo oo ay degan tahay, iyadoo xiliga weerarka ay la kulantey uu ahaa 22-dii bishii Juun ee sanadkan.

Haweenaydan dhibanaha ah oo codsatay in aan magaceeda qarino, cabsi ay ka qabto in dhibaato intaas ka badan loo gaysto, maadaama amniga xeryaha uu liito.
Waa xaas sedex carruur ah leh oo barakac ah, xiligii weerarka uu dhacayay lama joogin ninkeeda, wuxuu ku maqnaa baadiyihii ay kasoo barakaceen maadama markii roobabkii Gugga ay bilowdeen si uu usoo qiimeeyo beer ay ku leeyihiin deeganka Daynuuney oo Baydhabo dhanka bari uga began 30KM.

Waxaa kuyaalo sedex dhaawac oo toorey ah, mid wuxuu kaga yaalla suniyaha isha bidix, kan labaad afka ciridka hoose, halka kan sedexaad oo ugu daran uu kaga yaalo qeybta kore ee naaska bidix, kaasoo ah midka ay kooma la gashey.

Iyadu ma ahan qofka hadli karta, maadaama ay ku adag tahay neefsashado, waxaa ku xiran oksijiin si ay uga caawiso qaadashada neefta iyo soo celinteeda sidaasi darteed waxaan la hadley haweeney ay walaalo yihiin gabadha dhaawac qabta oo la joogto isbitaalka.
“Waxaan jirey baadiyo marka gabadha dhibka ku dhacayay, ninka soo weeraray wuxuu sameeyey hoomeyo (Buushashka) oo idinka Buushashka u taqanaan ee aqalka gabadha ay ku jirtey bidix iyo midig ka xigey ayuu soo wada xirey. Kadib wuxuu soo aadey gurigii ay ku jirtey wuxuu ula baxay toorey u jeedadiisu waxey aheyd inuu kufsado” Ayey tiri walaasheed.

Waxay intaas ku dartay markii ay u suurta geli weysey ayuu qaatey alaab wixii taaley sida buurso dhar uga jirtey, saacad iyada u xirneyd iyo wixii kale qaadan karey, markii uu ka tagey ayay qaylo afka furtey iyadoo qabta laba dhaawac oo sahlan, wuu kusoo noqdey markaasuu ku dhuftey tooreyda naaska bidix korkiis kaga taalo oo aad ula heley, taasoo ah mida walaashhey kooma la gashey, maanta ayaana sideed maalin ii ah oo halkan la joogaa.

Safiyo hadda way soo bogsanaysaa, waxayna adeeg lacag la’aan ah oo daaweyn ah ka heshay isitaalka degmada. Waxayna ka mid tahay 120 haween ah oo ilaa bishii Janaayo ee sannadkan tacdiyo kala duwan loogu gaystay xeryaha barakacyaasha ee magaalada Baydhabo gaar ahaana kuwa kuyaala koonfurta oo ah kuwa amni darada badan habeenkii haweenka loogu geysto, sida uu Raadiyo Ergo u sheegey Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Masoobooyinka Koonfur-galbeed Liibaan Sheekh Shuceyb. Sababta amni darro xeryahan ugu soo noqnoqteyna ayuu ku sheegay inay tahay albaabo laga soo galo xeryaha oo aanay laheyn oo habeen la xiro karo. Arrinta kale ee amni darada keentey ayaa ah iney duleedka koonfured maagaalada ku yaalaan iyadoo sidoo kale xeryuhu aanay layr habeenkii iftiimiya lahayn.

Faadumo Xasan Hilowle waxay ka mid tahay haweenka loo gaysta weerarka ee aqalada barakacyasha loogu galey ee amni darro saameysey, waxay Ergo u sheegtey in amin fiid ah 24-kii Bishi Jun la kulmay ,iyagoo banaanka ku leersanaya uu nin ugu dhuuntey aqalkeeda gudihiis,isagoo galey alabaabka aqalka ay degan tahay oo ka sameysanaa Geedo iyo Marooyin kor laga saarey balse u sameysan albaab ka sameysan Alwaax iyo Jiingad ,laabkiisa kadibna markii iyada iyo caruurta soo xarooden ay aayer albaabka iska xiratey iyadoo dareen qabin,saacad hurdo marka ay ku maqneyd ay kusoo baraarugtay iyadoo aqalkii lamaamulanayo, ninna uu ku jiro, albaabkana furanyahay waatan iyadoo ka sheekeyneyso.

“Markii aan kuso kacay wuu boodey meeshan jabsan oo dadkan dariska sameeyen ayuu garabka ku dhuftey oo uu jabiyey, shartii uu lasoo socdey ilaahay wuu naga bad baadiyey, kaamkan Riikooy iyo kuwa nagu dhowba amni daro ayaa ka jirto, habeenki cabsi darteed hurdo fican ma seexano”. Ayey tiri Faadumo.

Ma yara tacdiyada loo geysto haweenka ku jira xerooyinka barakacyaasha ee magaalada Baydhabo qaarkood ma qarinayaan in la kufsadey wayba qirayaan sida haweeneydan oo aniga magaceeda ka tagay, sababo ammaankeeda awgeed, degana xerada Barakacyaasha Buula gomor,waxay codsatey Hay,addaha xaquuqda aadanaha u dooda in xad gudubkaas loo geystey wax loogu qabto.

Waa hooyo heysta Todobo caruur ah oo agoon ah. Waxay ii sheegtey in laba isbuuc ka hor uu ku dhacay falkan oo kufsiga ka sokow laga qaatey Moobelki,dharkii caruurta ku ciideen iyo raashin- Waxayna sheegtay in hal moobel ay is ticmaaleysey,Boorsad dhar ah iyo raashin ay ku sheegtay inuu ku dhowaa 10Kiilo laga qaadey wuxuuna watey qofka soo weeraray toorey oo ku cabsi geliyey, iyadoo intaas ku dartey in markii danbe ay kusoo baxeen laba dhalinyara ah oo ka bad badiyey in dhaawac u geysto,waatan iyadoo ka warameysa.

“Keligey ma ahi dhibanayaasha way tiro badan yihiin laakin ma sheegi karaan way qarinayaan hadeysan qarin laheyn kufsiga habeen kasta ka dhaca kaamka dhaxdiisa waxbaa laga qaban lahaa sidaas darteed baqdinta ayaa ah mida nagu fogeyneyso in dhibaato aan ku jirto”.

Haweenaydan ayay abaar kasoo barakicisey deegankii ay ku nooleyd oo ahaa Buush madiina oo Buurakaba hoostagta.

Cumar Cabdi Axmed waa horjoogaha mid ka mid ah kaamamka Haweenka habeenki tacdiyada loogu geysto ee lagu magacaabo Riikooy kuna taala dhanka Koonfured ee Magaalada, wuxuu sheegey in haweenka barakacyaasha wal wal aad u weyn qabaan,isagoona tilmaamay in saldhigyo ciidan ka ag dhoweyn xeriyaha ay degan yihiin aktooda.

“148 qoys ayaa degan kaamkan,inta si gaar ah noogu sheegto habeenki waxaa ku dhaca waxaa badan kuwo kale aan sheegin dhaca iyo kufsiga lagu sameeyo,badanaa ragooda ma joogan haweenka la dhibaateynayo marka waxan codsneynaa in ciidanka habeenkii roondada sameynaya halkan soo gaaraan,maadama Gudoomuyee yahay way u sheegayaan isaga”

Cumar waxaa uu sheegey in habeenada qaar markii haweenka wal walkooda uu batey sameeyeen in raga xerada jooga qeyb kasta in sedex qof oo rag ah wareegaan si dhibaatada u yaraato, muddo todobaad ah ayaa qorshahaas wadnaa hadda waxna ma dhicin, Ragan Wareega ayaan heysan wax hub ah marka laga reebo ulo ay isku difaacayaan marka ay wax ka kulmaan, iyagoona toosh la wareegaya.

Agaasimaha Wasaarada gargaarka iyo Masiibooyinka Koonfur Galbeed Liibaan Sheekh Shuceyb ayaa Ergo u xaqiijiyey in haweenka barakacyaasha ah dhibaatooyinka dhanka amniga ah loo geysto, Wuxuuna sheegey ka maamul ahaan in laamaha amniga ay kala hadleen dhowr jeer balse wali waxba laga qaban.

Previous Post

Ammaan darro soo wajahday xeryaha barakaca ee Baydhabo

Next Post

Dhadhaab: Haween ku jira xerada xaqootiga ee IFO oo ganacsiyo guulaystay samaystay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Dhadhaab: Haween ku jira xerada xaqootiga ee IFO oo ganacsiyo guulaystay samaystay

Dhadhaab: Haween ku jira xerada xaqootiga ee IFO oo ganacsiyo guulaystay samaystay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-APR-2026

IDAACADDA 29-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo