Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dabaylo xooggan oo khasaare u geystay xeryo barakac oo ku yaalla Mudug iyo Galguduud

Radio Ergo by Radio Ergo
July 25, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dabeylo khasaare u gaystay barakacayaal

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdullaahi Cabdi Axmed, wuxuu ka tirsan yahay qoysas ku nool xero lagu barakacay oo ku taalla Xaarxaar oo 10 km Koonfur-bari uga beegan Gaalkacayo. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay subax kasta dib u dhisaan tan bilowgii bishii Juun, buush yar oo ay ku hoydaan qoyskiisa oo siddeed qof ah, maadaama dabeylo xoog leh oo deegaankaas ka jira ay kartoomada iyo maryaha aqalkooda kala tagaan.

Wuxuu sheeegay in dabeysha xooggeedu uu soo bilowdo 3:00pm ee gelinka dambe habeenkii, ayna socoto ilaa gelinka hore ee maalinta xigta. Wuxuu intaas ku daray in marka ay istaagto ay u bilaabeen inay dib u dhisaan aqalkooda. “Inta aan gurmad ka haleyno markay dumaanba waan dhisaynaa”, ayuu yiri Cabdullaahi.

Gelinka hore ee maalintii, haddii aad booqato xerada, waxaad arkaysaa ulo dhulka ka taagan oo ay dabayshu kala tagtay jawaannadii iyo maryihii ay ka samaysnaayeen aqallada ay barakacayaashu u hoydaan, kuwaas oo markii horeba aan awood badan lahayn.

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in dabaysho ay wadato qabow daran oo habeenkii dhaca, kaas oo aanay u adkaysan karin caruurta iyo dadka waayeelka ah. Xilliga maalintii ayuu sheegay in aragtidu ay koobnaato, maadama dabaysho ay ciid badan wadato oo ay adagtahay in qofku uu arko meelo ka fog.

Qoyska Cabdullaahi ayaa xerada degay dabayaaqadii sannadkii 2016-kii, xilligaas oo 220 neef oo ari ah oo uu ku dhaqan jiray miyi 90 km u jira Xaarxaarka ay kaga dhammaadeen abaarta.

Cabdullahai ma shaqeeyo, wuxuuna naafo ka yahay lugta midig oo laga jaray 22 sano kahor, kaddib markii uu xanuun kaga dhacay. Raashin ay ka helaan hay’adaha gargaarka iyo qoys ay qaraabo yihiin oo Gaalkacayo deggan ayayna xilligan noloshoodu ku tiirsan tahay.

Meelaha ay aadka u saamaysay dabayshu ayaa ah xeryaha Xaarxaarka, Kulmiye iyo Horseed oo kuwada yaalla duleedka magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug. Dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ayaana kaamamkaas ku nool sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha arrimaha bulshada dowladda hoose ee Gaalkacayo Muxyadiin Axmed Samatar.

Barakacayaasha ayaa dhankooda Ergo u sheegay in inkasta oo xilliga xagaaga ah ay dabeylo dhacaan, hadana aanay wali arag dabeyl sidan u xoog badan, tan iyo markii ay xeryahan soo degeen.

Faadumo Cabdi Jaamac oo ah hooyada qoys ka kooban 10 qof. Waxay ku nooshahay kaamka Horseed, halkaas oo ay barakac ku tagtay bishii shanaad ee 2017. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in tan markii dabaysho soo xoogaysatay ay labadii maalmoodba mar dib u dhisto aqalkeeda.

Dharka duugoobay ee dadku ay tuuraan iyo kartoomada ayay sheegtay inay ku dhisto buushkeeda marka ay dabayshu ka dumiso.

Dabaysha ayaa sidoo kale dumisay labadii bishan, dugsi hoose/dhexe oo ku yaalla Ximno-wanaag oo 26 km Koonfur-bari ka xiga Gaalkacayo. Dugsiga oo ka koobnaa saddex fasal iyo hal xafiis oo ka sameysnaa jiingad, ayaa waxaa wax ku baranayay 60 arday, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Axmed Jaamac Qoodeeye.

Waxa uu sheegay in wasaaradda waxbarashada Galmudug oo gacanta ku haysay iskuulka ay qorsheynayso in dib loo dhisi doono marka ugu horreysa ee dabeyshu ay yaraato.

Pro. Xuseen Salaad Wehliye oo ku takhasusay cilmiga deegaanka, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dabalayhan xooggan ay ka dhasheen xaaluf dhirtii deegaanka lagu sameeyey iyo abaaro soo jiitamay shan sano ee ugu dambeeyey.

Wuxuu xusay inaanay jirin digniino laga sii bixiyo dabeylahan noocan oo kale ah, maadaama aan la haysan qalabkii lagula socon lahaa, taas oo keenya in dadka u nugul aanay ka sii gaashaaman xilli hore, khasaaraha ugu badana uu iyaga ku dhaco. Labada bilood ee soo socota ayuu sheegay in dabeylahan ay sii jiri karaan inkastoo koror ama nusqaan ku timaada aan la qiyaasi karin xilligaan.

Previous Post

Carruur aan horey tallaal u helin oo jadeeco laga dawaynayo

Next Post

Cudurka jadeecada oo kusii badanaya xeryaha barakaca ee gobolka Banaadir

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Carruur aan horey tallaal u helin oo jadeeco laga dawaynayo

Cudurka jadeecada oo kusii badanaya xeryaha barakaca ee gobolka Banaadir

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo