Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Cudurka jadeecada oo kusii badanaya xeryaha barakaca ee gobolka Banaadir

Radio Ergo by Radio Ergo
July 25, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur aan horey tallaal u helin oo jadeeco laga dawaynayo

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Labo carruur ah oo da’doodu ahayd 2 sano jir iyo 4 jir ayaa toddobaadkii hore u geeriyooday cudurka jadeecada. 22 kale oo da’doodu u dhexeyso 1 ilaa 5 sano oo ay jadeeco hayso ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr Maxamed Cabdiraxmaan Cumar   oo ah  madaxa qaybta Jadeecada ee Isbitaal.

Wuxuu sheegay in cudurka jadeecada uu ku sii faafayo degmooyinka gobolka Banaadir, sababna ay u tahay faafista jadeecada qoysaska oo inta badan aanan ilmahooda ka tallaalin marka loo sheego inay talaalaana diida, waxaana uu tilmaamay in sanadkii hore oo ay qaabileen 120 kiis oo jadeeco ah, laakiin hadda ay u muuqdo mid tiradaas ka badan maadama toddoba bil oo sanadkaan ah isbitaalka la keenay 199 kiis oo jadeeco ah.

“2017-kii waxay u badnaayeen  Xeryaha barakacayaasha,  balse sanadkan waxay u badan yihiin kiisaska jadeecada degmooyinka Gobolka Banaadir, Inta badan dadkan badankood tallaalka jadeecada ma qabaan, waxaana laga kala keenayaa 17-ka degmo ee Gobolka banaadir oo ah meelaha uu  ku sii fidayo cudurka,” ayuu yiri.

Dadka  bukaannada kula jira isbitaalka waxaa ka mid ah Nadiifo Muxudiin Axmed oo ka timid degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waa 26 jir hooyo u ah labo carruur ah. Waxay hadda isbitaalka ku haysaa gabadheeda oo 3 sano jir ah oo ay isbitaalka keentay Axaddi ay bishaan ahayd 22.

Waxay sheegtay in gabadha korkeeda ay ka soo baxeen nabro, sidoo kalena qandho daran ay ku aragtay, waxaa kale oo ay sheegtay inay ku aragtay dibnaha oo casaaday. Nadiifo carruurteeda horay umaysan tallaalin sababtana waxay ku sheegtay inay u haysatay in tallaalku yahay kan keena cudurrada ku dhaca carruurta.

“Gabadha waxaa iga dhacday jadeeco, qandho, sidoo kale mararka qaar matag iyo weliba nabaro ayaa ka soo baxay, markii hore inuu bahal ku kacay baan u moodey balse markii dambe ayaa la iigu sheegay in calamadahani ay jadecadu leedahay waxaana keenay cisbitalkan oo aan hada ku haayo, waxaana la tacaalaya maamulka cisbitaalka.”ayay tiri. Waxay tilmaamay in hadda ay soo roonaanayso gabadheeda oo qandhadii badnayn ka jabtay markii daawooyin la siiyay.

Bukaanada ay hayso jadeecada ayaa badankooda laga keenaa degmooyinka Hodan iyo Dharkeynley, sida uu Raayiyo Ergo u sheegay Dr Maxamed. Wuxuu tilmaamay in sababta ay degmooyinkaas  ugu badan yihiin ay tahay iyadoo dadka ku nool ay sheegayaan inaysan carruurta qaadanin tallaalkii jadeecada.

Tallaalka ayaa la bixiyaa, hase ahaate weli waxaa muuqata wacyigelin la’aan la xiririta qaadashada tallaalka oo dadka qaar aysan ku baraarugsaneen inay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka si loo tallaalo.

Xafso Faarax Maxamuud  oo deggan  xaafada Kaawa Godey ee degmada Dharkenlay , waxa ay qayb ka tahay waalidiinta carruurta kula jirta cisbitaalka Banaadir , waxa jadeecu uga dhacday wiilkeeda oo labo sano jir ah , waxayna cisbitaalka soo gashay afar cisho ka hor.

Waxay sheegtay in carruruteeda oo waawayn ay dhammaantood talaashay, balse midkani aanay talaalin.

“Jadeeco ayaa wiilka iga dhacday, markaan keenayna dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen inay ahayd in aan talaalo, horay carruurtayda waan u tallaalay balse midkaan anna waan mashquulay oo noloshaa ku maqnaaba raadinteeda, mana arkin kuwa wax talaala, balse hada alle ayaa mahadsan xaaladuna waa ay wacantahay oo waa la daawaynaya,” ayay tiri.

Xafso, oo carruurteeda keligeed korsata waxay dukaan bagaashka lagu iibiyo ku leedahay suuqa bakaaraha, halkaas oo inta badan maalinti ay ku maqan tahay si ay nololmaalmeedka qoyskeeda u daberto.

Sanadkii hore waxaa waxa ay saraakiisha cafimaadka ee isbitaalka Banaadir ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuu cudurka jadeecadu ku badnaa xeryaha lagu barakacay, sida uu sharxay Dr Maxamed Cabdiraxmaan

“Dadka ku nool gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabelaha Dhexe  ayaa ugu badan  tirada dadka labaddii todobaad ee u dambaysay aan qaabilnay , intooda badan waxay innoo sheegeen inay  ka yimaadeen  tuulooyinka labada gobol ee uu maro webiga guray ee Shabeelle kuwaas oo aan heli karin daryeel caafimaad iyo xarumo caafimaadba waxayna ahaayeen dad u nugul in cudurkasta uu soo wajaho” ayuu yiri.

Dhakhaatiirta caafimaadku waxay dadka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ku baraarujinayaan in carruurtooda ay tallaalaan, si ay uga badbaadaan cudurka halista ah ee jadeecada. Dhanka kale waalidiinta aan kula kulanay cisbitaalka Banaadir qaarkood waxay inoo sheegeen inaanay helin wax wacyigelin ah oo la xiriirta tallaalka, oo aysan arkin cid u imaatay una sheegtay muhiimada  uu leeyahay tallaalka, Radio Ergo wuxuu la xiriiray qaybaha bixiya tallaalka ee wasaarada caafimaadka hase ahaate waxay ka gaabsadeen inay arintan ka warbixiyaan xilligan.

Munasar Mohamed Abdi / Raadiyo Ergo , Muqdisho

Previous Post

Dabaylo xooggan oo khasaare u geystay xeryo barakac oo ku yaalla Mudug iyo Galguduud

Next Post

Barnaamijka Dalan-dool

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
blank

Barnaamijka Dalan-dool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo