Labo macalin oo ka tirsan barakacaasha deggan xaafadda 15 May ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa waxbarasho bilaash siiya ku dhowaad 70 arday oo carruurta xerada ku nool.
Xerada ayaan lahayn xarun waxbarasho, waalidiintooduna ma awoodaan inay ka bixiyaan lacagaha lagu dhigto iskuullada kale ee magaalada oo ardaygii laga qaado inta u dhexaysa $10 ilaa $15.
Labada macallin ayaa midba gelin wax u dhigaa caruurta halka gelin kalena ay u xamaali tagaan qoysaskooda oo iyaguna degan xerada. Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa magaalada Burco innooga soo diray Sidiiq Yuusuf Khalaf.









