Labo macallin oo deggan xerada barakaca ee 15 May ee magaalada Burco, ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa si bilaash ah wax ugu dhiga muddo saddex sano ah 70 ka tirsan carruurta ay dhaleen qoysaska ku nool xerada, kuwaasoo aan helin fursaddii ay wax ku baran lahaayeen.
Dugsiga oo ka dhisan cooshad hal qol oo ka samaysan alwaax iyo maryo la isu gee-geeyey, ayaan laheyn kuraastii iyo agabyadii kale ee xarun waxbarasho loogu talogalay, taaso beddelkeedna carruurta waxay ku fariistaan caw dhulka loo gogley. Carruurta qaar ayaa bannaanka cooshada wax ku barta, maaddaama aanay wada qaadayn.
Labada macallin ee howshan u istaagay oo la hadlay Raadiyo Ergo, ayaa ku sheegay sababta ay carruurtan sida bilaashka wax u barayaan in aqoontoodu ay tahay waxa keliya ee ay xilligan ku taageeri karaan.
Maa jiraan cid kale oo isu xilqaantay in ay wax baraan carruurtan barakacayaasha ah, marka laga reebo Maxamuud Jaamac Cali iyo Aadan Xuseen Maxamed, oo iyagu ku dhiiraday in ay carruurta uga faa’iideeyaan waxa ay yaqaanaan.
Aadan Xuseen Maxamed, oo kamid ah labada macallin ee ardaydan sida tabarrucaadda ah wax ugu dhiga, ayaa sheegay in tallaabadan ay u sameeyeen, kaddib markii ay arkeen waxbarasho la’aanta haysata carruurta xerada ku nool.
“Laba macallin ayaanu halkan ardayda wax ugu dhignaa, si aanu jaanis ugu helno inaanu aradaydan aan haysan dhaqaale ay wax ku bartaan, aanu ugu heli karno wakhti aanu wax ugu dhigno. Waxaan haystaa shan carruura iyo hooyadood, taas ayaa keenaysa in markaan carruurtan aan in yar wax u dhigo aan suuqii u cararo si aan ugu doono carruurtii waxay cunaan,” ayuu yidhi Macallin Aadan.
Macalin Aadan, waxa uu iibiyaa lawska iyo cadaro, wuxuuna Ergo u sheegay in maalintii ay ka soo gasho $2. Waxaa uu intaas ku daray in lacagtaas ay u goyso oo keliya bariis garcade ah oo ay habeenkii karsadaan iyo rooti ay aroortii quraac ka dhigtaan.
Dhinaca kale waalidiinta dhalay carruurtan ayaa ku faraxsan in ay carruurtoodu helaan waxbarasho bilaash ah, maaddaama aanay heli karaynin dhaqaalaha wax lagu barto, ayna yihiin dad danyar ah.
Macallimiinta ayaa carruurta bara Qur’aanka, Soomaaliga iyo Carabiga, waxayna rajeynayaa in ugu yaraan ay ku baran doonaan qorista iyo akhrinta, taas oo ka caawin doonto haddii ay waxbarasho kale fursad u helaan.
Aadan Xuseen oo aan weydiinay sababta keentay in labadooda keliya, ay isa saaraan mas’uuliyadda ah in ay ardayda barakacayaasha wax baraan.
“Maaddaama aanu diintu garanayno, waxaan ku fekernay inaanu carruurtayada uga faa’iidayno. Markii aanu aragnay carruurtii oo waxbarasho la’aan ah, iskuulladii lacagta ahaana aan iska bixin karin,” ayuu yiri.
Iskuullada kale ee ku yaalla magaalada, ayaa aradaygii laga qaadaa inta u dhexaysa $10 ilaa $15, lacagtaas oo ku adag dadka danyarta ah.
Barakacayaasha deggan xaafadda 15-May ayaan helin cid caawisa ama meel dhaqaale ka soo galo, iyaga ayaa dabara noloshooda. Waxay maalintii u shaqo tagaan suuqyada Burco, waxayna qabtaan shaqooyin isugu jira muruqmaal iyo fuundi. Daqliga ay maalintii helaan ayey ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.
Dugsiga ay ardayda dhigtaan ayaa ku dhex- yaalla xerada barakacayaasha 15 May, iyagoo iskuulka ku taga si fudud, inkastoo ay jiraan 320 carruur ah oo aan iyagu fursad u helin in ay halkan wax ka bartaan, kaddib markii uu qaadi waayey cooshada ay 70 arday wax ku bartaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Macallin Aadan.
Faadumo Cawaale waa hooyada lix carruura, oo sadex ka tirsan ay dugsigan u dhigtaan, waxaan ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in caruurteeda ay waxbarasho u heleen.
“Aad ayaan ugu faraxsannahay, waxaanan ka rajeynayaa in ay heer fiican ii gaadhaan, waxaa nagu adkaata, in aanu u helno buugaagta iyo qalimaanta, laakiin hadda way heystaan oo waanu u soo iibinay. Subixii ayaanu suuqa qabanaa, wixii Illaahay na soo siiyo ayaanu carruurta siisanaa ninkeyguna waa bilaa camal oo shaqo ma qabto, marmar ayuu xamaali helaa. Waxaase noogu darran macallimiinta oo aanan waxba u heli kareyn, maaddaama ay carruur heystaan,”
Faadumo ayaa xeradan timid sannadkii 2009, iyada oo markaa wadatay labo caruur ah. Waxaa xerada ugu dhashay afar kale. Waxay noloshooda ku debaraan in ay subixii suuqa u xamaali tagta oo ay sheegtay inay marna wax ka hesho, marar kalena ay ka waydo. Shaqooyinka ugu badan ee ay hesho ayaana ah dhar dhiqid ay xaafadaha magaalada ka hesho oo maalintii ay cel celis ahaan ka hesho $3.
Safiya Cismaan, waa hooyo deggen xaafadda 15 May. Waxaa dugsigan u dhigta labo carruura, waxayna ku faraxsan tahay in carruurteeda ay waxbarasho bilaash ah u heleen. Labo kale oo carruurteeda ayaa guriga joog, markii uu ka buuxsamay goobta ay ardayda wax ku bartaan.
“Ma helayno lacag carruurtu wax noogu dhigato oo maalina waanu qadnaa maalina wax baanu cunaa. Markaa carruurtaydu waa afar labo kamida ayaa iskuulkan ii dhigta. Aabahood wax shaqo ah mahayo. Dhammaan dadka halkan deggan reer iska bixin kara lacagta iskuullada lagu dhigto ma jiro, markaa tan ayaanu soo dhaweynay inkasta oo aanu u baahannahay caawimo mid dibadeed iyo mid gudaha nalaga caawiyo,” aya tidhi Safiyo Maxamed.
Guddoomiyaha barakacayaasha ee 15 May, Ibraahin Soomow Ibraahin oo aan wax ka weydiinay in ay la xidhiidheen wasaaradda wax barashada ee gobolka iyo waxa ay kala socdaan waxbarasho la’aanta ka jirta halka ay deggan yihiin iyo waxa u qorshaysan, ayaa ku jawaabay.
“Waa iska meel dayacan oo u badan buulal yar yar oo maryo laga tolay, markaa dadkani waxa ay u baahan yihiin caawimo dhinaca waxbarashada iyo noloshaba, mana jirto cid halkan ku og. Iyagoo deggan muddo 10 sano ka badan. Waxaa nagu adkaata in caruurtani helaan buuggaag iyo qalimaaan ay dugsigan bilaashka ah ku dhigtaan,” ayuu yidhi Ibraahim.
Maamulka waxbarashada gobolka, oo aan isku daynay in aan wax ka weydiino duruufta waxbarasho ee heysata dadkan barakacayaasha ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan.









