Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Somaliland: Malaayiin xoolo ah oo la tallaalay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 29, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland oo xoolo lala soo hamaayay ka daweysay xanuunno dilayay

Photo|Sawir/Keyd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex milyan iyo boqol kun oo neef oo isugu jira Geel iyo Ari ayaa lagu tallaalay dhamaan deegaanada Somaliland labadii bil ee la soo dhaafay. Tallaalka waxaa fulisay wasaaradda xannaanada xoolaha ee Somaliland.

Talaalkan waa mid lagaga hortagayo Sambabka riyaha ku dhaca iyo dhugatada Geela oo xilliyada Xagaaga ku dhaca Xoolaha. Gobollada Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool ayaa laga sameeyay tallaalka.

Tallaalka waxa ku ekaa Khamiisti ay 28 ahayd bishaan aan ku jirno ee Juun sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasime ku-xigeenka waaxda caafimaadka xoolaha ee wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga ee Somaliland Mustafe Cumar Jibriil.

Lixdan kooxood oo min afar qof ka kooban ayaa fulinayay tallaalka, waxaana xoolaha loogu tagayay xeryaha iyo ceelasha ay usoo aroor tagaan.

Seynab Cali Axmed oo ka mida xoolo dhaqatada ku nool tuulada Coodanle oo 190 km dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa ka mid ah dadka ka faa’ideystay tallaalka. Nolosha xoolo-dhaqashadeeda waxaa ku tiirsan lix caruur ah oo ay dhashey.

33 neef oo riyo ah oo ka mid ah 100 neef oo abaarta uga soo badbaaday ayaa hadda loo tallaalay. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in tallaalkan ay u baahnaayeen xoolaheeda hadda oo la galay xagaagana ay caafimaad qabaan xoolihii tallaalka ay helay.

“Xoolaha waxaa lagu talaalay laba dawo oo ay siteen dhakhaatiirta noo yimid”, aay tiri Seynab. Waxay intaas ku dartay in markasta oo tallaal yimaado deegaankeeda ay ka faa’iideysato. Waxaa xoolaheeda tallaal ugu dambeysay sanadkii 2016-kii.

Abshir Cumar Maxamed ayaa sidoo kale siddeetan neef oo adhi ah oo uu leeyahay loogu tallaalay tuulada Gumur ee gobolka Waqooyi Galbeed. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in tallaalkan ay u baahnaayeen xoolihiisu. Wuxuu tilmaamay in sanadkii hore uu 21 neef oo Ari ah ay uga dhinteen xanuunka Sambabka. Wakhtigaas tallaalka lagama sameyn deegaankiisa inkasta oo markii xooluhu kaga leedeen xanuunka tallaal loo sameeyay xoolihiisa kale.

“Noloshayada ayaa xoolaha-dhaqashada iska ah, markaa in mar walba nalaga caawiyo oo xoolaha caafimaadkooda la ogaado nafci wanaagsan ayay yeelanayaan”, ayuu yiri Abshir.

Qoys ka kooban 13 qof ayuu Abshir ku masruufa dhaqashada xoolaha,  waxaana hadda uu leeyahay 30 neef oo Geel ah iyo 243 neef oo Ari ah. Geeliisa waxaa la tallaalay 14 ka mid ah oo dhugatada Cudurka la yidhaa laga tallaalay, inta kalena waxaa la siiyay kaniinoyo.

Waa sanadkii labaad ee Abshir uu helayo talaalkan si joogta ah sanadkii hore waxaa xoolihiisu ka mid ahaayeen saddex milyan oo neef oo lagu tallaalay deegaanada Somaliland.

Bishii 8-aad ee sanadkii hore waxaa xoolaha ku dhaqan Somaliland laga tallaalay xanuunnada Sambab, Jadeeco, Dhugato iyo xanuunka Qaaxada.

Sidoo kale bishii Maarso ee sanadkaan waxaa daweyn loo sameeyay 153,000 oo neef oo ku xanuunsaday abaarihii ku dhuftay deegaannada Xeebta waqooyi ee Somaliland. Daweyntaas waxaa iska kaashaday wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland iyo Haayada FOA.

 

Previous Post

Bari: dadka deegaanka Ufeyn oo biyaha roobka uga faa’idaystay inay dhir ku abuuraan

Next Post

Dhegeyso Xubinta Maad iyo Maaweelo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

July 17, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Next Post
blank

Dhegeyso Xubinta Maad iyo Maaweelo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-JUL-2026

IDAACADDA 17-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo